Markaad u anba baxdo siyaasad ee aad mucaarad urur ah samaysato, waa in aad cadaysaa meelaha ay dawladu ka gaabinayso (short comings). Waa in aad bulshada tusiso khaladaadka dawlada iyo sida aad adigu wax u bedelayso. Laakiin looma baahna in aad samayso ururo badan oo badankoodu qabiil dabada ku hayaan oo aanad dadku sheegayn khaladaadka dawlada iyo adigu barnaamijka ama programka aad u hayso.
Maaha in aad dadka ku tidhaa mucaaradbaan ahay adigoon faahfaahinayn waxaad aad dalka kusoo kordhinayso. Taasi waxay ku tusinaysaa in mucaaridka Somaliland ay yihiin niman iska qaylqaylyaya oo aan dadka ugu yeedhaya lafo bilaa
hiliba.
Dadbadan baad arkaysaa oo ku taageeraya ururada kaliya ninka haysta ayay isku qabiil yihiin. Taasi siyaasad maaha waa qabiil jeclaysi.
Waxaan dhagaystay hadal uu jeedidayey Ciro oo ah gudoomiyaha wadani iyo hadal uu jeediyay Gaboose oo ah Gudoomiyaha umada midna kama hadal waxay qabanayaan haday guulaystaan .
Madaxweyne Siilaanyo dawladiisu wax way qabatay laakiin may ku talaabsan horumarkii laga sugayey oo dhan. Mida kale xukuumadu weli waxay xidhaa suxufiyiinta iyo dadka dhaleeceeya oo weli wax ay kasoo horjeedaa xoriyatul qawlka (freedom of speech).
Waaxa la yidhi ?gaal dil gartiisana sii?. Waxaa ku jira xukuumada niman garanaya shaqadooda sida wasiirka arimaha gudaha Duur oo kale oo hadalkiisu ku qancinayo aanad garanayso inuu fahamsan yahay waxa ay qabato wasaaradiisu. Waxaa kaloo jira wasiiro aan fahamsanyn shaqadooda ooy iskaga laaqantahay meeshay kaga jiraan xukuumada.
Waxay ani iila muuqataa in xukuumadu raadiso dad fikira (thinkers) oo aqoona u leh waxay qabanayaan sida Engineero soo baadha inta briij ee wadooyinka waaweyn ee Somaliland u baahan yihiin ka dibna report u soo qora dawlada sida inta kharash ku baxayso road network ama jidadka xidhiidhiya wadanka sidii loo hagaajin laha iyo ta ugu muhiimsan qiimaha ay ku kacayaan. Waxa kale oo ay tahay in la hawl geliyo Dhakhaatiir soo qora inta hospital ee loo baahan yahay iyo qalabka ay u baahan yihiin, iyo cudurada khatarta ugu badan ku haya. Sida qaadka iyo kharashka ku baxa iyo dhibaatada uu ku hayo si ay dawladana war u siiyaan dadkana u baraan dhibaatada uu ku ahayo bulshada.
Looyaro soo qora shuruucda wadanka iyo sida loo hir galiyo iyo musuq maasuqa jira iyo sidii loo dabar tiri lahaa.
Khuburo booliis oo soo bandhiga dambiyada ugu badan iyo sida loo joojin karo loona joojin karo oo loo yarayn karo dambiyada.
Waxa loo baahan yahay oo ah ta ugu muhiimsan i la helo khuburo waxbarasho oo soo qora waxbarashad loo baahan yahay. Waayo waa in aad dadkaada bartaa xirfada dalku u baahan yahay. Sida civil engineers oo ah dadka dhisa guryaha, jidadka iwm. Mechanical Engineers soo saara oo hindisa machineda aan u baahan anahay. Dhakaatiir caaafimaad si caafimaadka dadwenuhu kor u kaco. Iyo waxyaabo badan aan u baahanahay oon aannan halkan kusoo koobi karin.
Waxyaabaha aan kor ku xusay oo dhami waxay kor u qaadi karaan aqoonta iyo tayada nolosha Somaliland. Markaa waa in la bedelaa sida bulshadeenu u nooshahay si aan ula hana qaadno oon ula tartano caalamka.
Wadamada hore u maray waxay soo qaataan dadka wax yaqaan si ay ugu shaqeeyaan ee wadan walba kasoo qaataan. waxayna brain drain ku rideen wadamadii yara ama ay ka qaateen dadkii wax yaqaanay ee tayada lahaa. wasiirku inuu olole iyo lacag ku yimaado maaha ee waa in uu aqoon iyo karti iyo daacadnimo ku yimaad.
Xukuumadu waa in raadisaa dad wax ka bedeli kara wadanka oo og waxa loo baahan yahay, tababarna loosiiyo wixii la rabo in uu qabto. Si loo gaadho horumar, umada nolosheedana kor u qaada, oo loogu shaqeeyo si wacan.
Qore: Omar Farah Abdilahi
omar.farah@hotmail.co.uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga