Warsaxaafadeed
Xisbi siyaasadeedka New Ucid isaga oo u diyaargaroobaya ka qaybgalka tartanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland si loo helo qaran dimuqraadi ah oo muwaadiniintiisu ku naaloodaan Daryeel, sinnaan iyo caddaalad isla markaasna aqoonsi caalami ah ka hela beesha caalamka.
Hadaba Xisbi siyaasadeedka New Ucid
Lantiisa Bristol UK wuxu taageerayaashiisa gudo iyo dibadba ku wargalinaya inuu maanta oo taariikhu tahay 14-10-2012 shir ay isugu yimaadeen gudida Fulinta New Ucid lantiisa Bristol ay isla qaateen go?aan lagu doortey dhameestirka madaxdii lanta Bristol xubnihii hadhay, kuwaas oo noqondona sidan hoos u qoran iyo xilalka ay hayan waxana kamid ah madaxdii la doortey:-
Liiska Magacda New Ucid Lanta Bristol
Magacda Gudida Xilalka ay hayaan
1.cabdilahi axmed mahabe guddoomiye
2.fuaad wali raabi gudoomiye-xigeen
3.cabdulqadir mohamed cabdilahi xoghaye
4.suaad suldan maxamud ( cade gude ) gudoomiyaha garabka hawenka
5.fardowsa ismail beldeq gudoomiye-xigen garabka hawenka
6. nimco abdi farah xoghayaha khasnajiga
7.xamse maxamed cumar gudomiyaha garabka dhalinyarada
8. muuse maxamed maxamud Af-hayenka lanta-Bristol
Sidoo kale waxa shirka kasoo baxay qodobo kale oo lagu dardar gelinayo waxqabadka xisbiga Daryel iyo Cadaalada new ucid laantiisa Bristol ( action plan ) kasoo ka turjumaya mudada dhaw iyo tan fogba makuu xisbigu ku guuleesto doorashooyinka soo socda goleyaasha deeganka jamhuuriyada Somaliland haduu alleh idmo.
Gebogebadii shirka Gudida new ucid lanta Bristol waxay mahadnaq aan la soo koobin Karin udirayaan dhamaan jaaliyada Somaliland ee UK iyo gaar ahan Bristol intii shirkii dhacay ? kasoo qeyb gashay iyo intiitageerada aan lasoo koobi Karin muujisayba ay ku mahadsan yihiin tageradooda iyo sidii ay halkaa uga sii wadi lahayeenba tagerada ay xisbiga u hayaanba.
Waxaa xusid mudan in Xisbi siyaasadeedka Cadaalada iyo Daryeelka New ucid hormood ka yahay Somaliland xisbiyada iyo ururada hada jira astan u noqday lagu daydo, umada somalilanderka ahina ku hagi doono dimuqraadiyada umadu hada tabeyso iyo inay umadu ku naalooto, nabad iyo aqoonsi caalami ah.
Wabillaahi Tawfiq
Md Muuse ------
af hayeenka New Ucid lantiisa Bristol