Markii uu Xisbigga Kulmiye uu la wareegay Talladdii Jamhuuriyadda Soomaalilaand , waxa Madaxweyne Axmad Maxamuud Siilaanyo Ku dhawaaqay in Waxbarashadda dugsiyadda H/Dhexe laga dhiggo Bilaash( Bilaa lacag), taas oo aad iyo aad wax weyn ka bedeshay korodhkii Ardayda(Enrollement Rate).
Waxa kale oo arrintaasi ay sii tabantaabisay oo sii hergelisay Barnaamijkii Waxbarashadda loo dhan yahay(EFA), Iyo Heshiiskii lagu gaadhay Dalka Ghana ee MDG(Millennium Development Goals) kaas
yes"> oo lagu heshiiyey in Sanadka soo socda ee 2015ka, qof kasta oo Duniddan ku nooli Waxna Qori karo Waxna akhriyi karo.
Hadaba iyada laga duulayo oo la hergelinayo Barnaamijyaddaa Wax qabad , ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay Hogaaminayso Marwo Zamzam Cabdi Aadan iyada oo kaashanaysa Ha?adaha aan Dawliga ahayn ee xidhiidhka dhow l;a leh wasaaradda sida UNta, INGOs, LNGOs ka ayaa ay ku talaabsatay in laga hegeliyo dhammaan goboladda dalka Jasmhuuriyadda Soomaalilaand.
Waxbarashadda loo dhan yahay waa maxay Ujeedadeedu?
1. Waa in aan qof ama ilmo xaq u leh in uu wax barto aan loo diidi Karin
2. In aan laga takloori Karin qof ama qolo
3. In wiil iyo gabadhba loo dhan yahay
4. In dhammaan wixii looga baahnaa waxbarashaddaasi ay dhan tahay
5. In loo siman yahay Adeegaasi iwm
Si kastaba ha ahaatee,halkan waxaan ku soo qaadaynaa Hawlaha Waxqabad ee ay wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare iyada ay kaashanaysa Hay?adda ADRA ee gargaarka ka hesha E.Uda oo kala hawl gasha Goboladda Barriga, ee Sool iyo Sanaag Intii laga hegeliyey Goboladdaasi iyada wada shaqeynta Hay?adda iyo Wasaaradda WAxbarashadda iyo Tacliinta Sare uu ka masuul yahay
Gudoomiyaha Waxbarashadda ee Gobolka(REOga), kaas oo had iyo jeer warbixinta u soo gudbiya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare
Waxqabadkii koobnaa Waxa ka mid ah:
1 6 Fasal oo Cusub oo la dhisay
2 52 fasal oo la habeeyey
3 9 musqulood oo la sameeyey
4 7 Xafiis oo la habeeyey iyo mid cusub oo la dhisay
5 5 Taangi biyood oo la dhisay
6 Sheekooyin yar yar oo loogu tala gallay carruurtu in ay akhristaan oo la sameeyey oo ay qoreen qorayaasha wasaaraddu oo ku kooban grade 1- grade 4
Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare