Waa salaad hore hayaan dheer ayaa uu soo galay maalin iyo habeen ayuu qadoodi ahaa iskadaa socode hadalbaan ku jirin, ilayn waa naf meel ay u cararto iyo cid ay irkato aan hayne waa uu dhacay isaga oo reerkii seerahooda u dhaw, goor waagu si fiican u baryay ayaa inan gashaanti ah oo reerka dab u shidaysay xiligaas ayaa soohdinta beertooda dusheeda ka aragtay nin dhimasho iyo nolol u dhexeeya hiinfaadhkiisuna shimbiruhu ay ku duulayaan, dib intay gurigii ugu carartay ayaa ragii ay ku dhex dhacday, mise waa rag cadhaysan oo xalay aroos waa barigii inyar ka hor ka yimid
oo inyar kahor wakhtigaasi seexday, ninkani waa ayo ayay iswaydiiyeen, waa ay u soo dhawaadeen iyaga oo kabaqaya in ninkan uu mayd yahay neef tuurkiisana maqlaya hadana aan ku kalsoonayn, wax nabar ah oo uu qabaa majiro hadana si ay naftu kasii baxayso ayaa uu u neef tuurayaa, minqaad yar kadib waa uu sara kacay isaga oo iswaydiinaya maxaa halkan ku keenay?
Waxa uu baraarugay isaga oo aad moodid nin inta uu dhintay hadana soo noolaaday su?aalo foojigan ayaa uu ku bilaabay:
Shariif: Waa ayo yaad tihiin?
Reerkii: Waar inyar yara fadhi qofkaagani, maxaa ku helay?
Shariif: Mooyaani noosheega horta yaad tihiin?
Reerkii: Malaha ninku uu yara sasay, waar isdaji oo bal yara fadhi.
Shariif: Maxaa xagan I keenay? Se meeshani waa xagee?
Cabaar ayuu dhinacyada eeg eegay mise meel cidlo oo cidiba daganayn reerkan aan ahayn ayuu arkay naftiisana waydiiyay waxa xagan keenay iyo meeshan fog, biyo iyo caano ayaa loo keenay isaga oon xagaa iyo xagaa midnaba eegin ayaa si qof sardhaysan iskugu qabtay ilbidhiqsiyo gudahoodna ku laacay se umuu kaadinbee cagaha ayaa uu wax ka dayay?................... waxan eryanayaa waa maxay?............. Una kacay xaga waqooyi.
Waxa uu u socod bilaabay in uu u kaco dhinaca waqooyi, minqaad yar kadib waxa uu maqlay hirar cod ah oo cabsi ku abuuray dareen la?aantii uu ku socday, dhaqaaq joogsi foojignaan ku jirto, neef tuur aan kala go? lahayn, gabasho iyo afarta adin ku dhaqaaq sidii askari cadaw qabanayaan, codadkii kolba waa ay isbadalaan waanay soo dhawaadaan gabasho iyo maadasho geed hoostii, cid uu ciirsadaa iyo meel uu u baxsadaa midna majirtaan, mawjadihii codadka ahaa ee baqdinta ku abuuray waa ay kala go?een, inta uu qunyar jilbaha dhulka dhigay gacmahan aayar dhulka saaray guurguurad aan sanqadh lahayn ku dhaqaaqay ayaa kolna bidixda eegaa mise codba majiro, hadana midig si foojignaan leh u eegaa wax dhawaaq ahba ma maqlayo, dhaqaaq kuma jiro oo daal iyo rafaadba way u dhamaadeen naxdin wadnaha baraf ka dhigtayna way haysaa waxaana isu golaadiyay in uu cararo iyo in uu anbushkaa ku jiro, nasiib wanaag mise waa reerkoodi oo baadi goob ku jira, ala waa codkii Axmed ayuu ku hadaaqay: Axmadaw, Axmadaw markii ayaa hadal iyo sanqadh ugu dambaysay.
Waxa uu indhaha soo kala qaaday isaga oo maryo cadcad xidhan oo dhakhtar jiifa faleebona ku xidhan tahay, waa xagee halkani?..... Hadmaan xagan imid?..... Yaa ikeenay xagan??... Su?aalo is dhaafa ayuu waydiiyaa cid se juuq u lihi ma jirto oo waa loo wada cadhaysan yahay, mudo yar ka bacdi waa laga saaray dhakhtarkii oo xaafada ayaa loo kaxeeyay, hooyadii iyo aabihiii iyo laba nin oo kawaynaa ayaa qol ku soo xidhay waxa la waydiiyay waxa ku sababay in kuna dhaliyay arrinkan in uu dibad galeen noqdo, jawaabtiisu waxa ay noqtay: ?in la idhoofiyo ayaan doonayaa?.
Maxaa ka dambeeyay?.. reerku waa ay iska ladan yihiin baahi ay inanka niyada uga jabiyaan ma jirto, codsigiisa waa loo tixgalinayaa waxa uu u baahdo waa loo qabanayaa, waxa kaliyaata oo laga fikirayaa waa mustaqbal wanaagsan iyo nolol wanaagsan oo uu ku noolaado, bixitankiisi ayaa soo dhawaaday ehelkii iyo qaraabadii iyo asaxaabtiiba uu sii macasalameeyay waa uu dhoofay ilaa iyo Holland.
Lasoco ?????????????????