Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Cabdirahman Ubaxle oo Gudoomiyaha Qurbajooga isku Sheegaya ,Hadana Madaxdii Tv-ga Qaranka Somaliland Aflagadeynay. by M S Muhumed


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Marka hore waxaan Salaan u dirayaa dhamaan Shacabka reer Somaliland iyo bahda Saxaafada Meelkasta oo ay Dunida Dacaladeeda ka Joogaan.

Marka hore waxaan Salaan u dirayaa dhamaan Shacabka reer Somaliland iyo bahda Saxaafada Meelkasta oo ay Dunida Dacaladeeda ka Joogaan.

Maalmahan  ugu Danbeyey waxaad Shabakadaha wararka  ku arkeyseen Aflagaadada iyo Ceebeen isdaba joog ah  oo lagu hayo Dhalinyarada ka hawlgasha xarunta Tv-ga Qaranka Somaliland ee London ,Dacaayado been abuur ah oo uu ku hayo ninka sheeganaya in uu yahay ?Gudoomiyaha ?Xidhiidhk Jaaliyadaha Somaliland ee EU? Xilkaasi oo aan la garaneen halka lagu Magacabey  isaga iyo gudida uu sheegayo in uu madax u yahay.

 

Waxaa khalad ah in

nin sheeganaya  Masuul  Qaran oo isku Magacabey Gudoomiyaha Jahliyada Somaliland ee yurub waa Mr C/raxman Ubaxle iyo Kooxdiisa Beelaysan ee reer Nacaybka isku Urursadey Isana moodaya in ay iyagu ugu Caqli badan yihiin  Bulshadeeda  reer Somaliland meel kasta oo ay Joogaanba, waxayna Baryahan danbe xoojiyeen in Aflagadad iyo Ceebta ay ku Qorayaan Mareegaha iyo Warsidayaasha Madaxa Banana iyaga oo  Hadalkooda u dhigaya in Madaxa Tv ga Qaranka Somaliland Mudane Khadar Xasan Cali Gaas uu Shaqalaha ka howl gala Tv-ga Qaranka xaruntiisa London  uu Shaqaleysiiyey dad ay isku Beel yihiin ay ka wada Shaqeeyan taasi oo ah dacayad Raqiis ah oo aaney waxba ka jirin.

Bal eeg wargada uu kaga dacwoonayo Tv-ga Qaranka Xaruntiisa London ee uu u qorey  Jini Boqor Ubaxle isaga oo u direy Cabashada Madaxtooya Somaliland waxaayna u dhigneed sida tan.

Ubaxle oo Cabasho u diray Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ,ka dib markii Tv-ga Qarnaku ka soo xaadiri waayey shirkii 2 ee jahliyada UK  ku lahaayeen London.

 

Aniga oo ku hadlaya Magaca Gudoomiya Xidhiidhka Jaahliyada Somaliland ee Eu ,Waxaan halkan kaga dacwoonaya Tv-ga Qaranka Somaliland xaruntiisa London oo ka soo xaadiri waayey shirweynihii Labad ee Qubajooga Somaliland ee EU ku qabsadeen Xarunta caanka ah ee Oxford House London Sabtidii Hore 06/10/12.

Waxaanan aad uga xumahay in aan goobta ka waayey Tv-ga Qaranka iyo Shaqaalahiisi ku hawl gelayey Cashuurta Shacabka reer Somaliland halka ay dhamaan warbaahinta afka somaliga ku hadasha shirka noogu yimadeen oo waliba si tabaruca  noogu duubeen Waqtigooda Qaaliga ah . waxaan xukuumada ku war gelinayaa gaar ahaan wasarada warfafinta Somaliland in aanu shirkan oo qabanqaabadiisu mudo ka socday magalada London ku war gelinay Gudomiyaha Tv-ga Qaranka Xaruntiisa  London Mudane Cabdi Bacow si uu noogu soo diro weriye ka socda Tv-ga Qaranka balse nasiib daro aaney cidi ka soo xaadirin goobtii shirku ka dhacayey,aan wax cudur daarana Kamaanu helin Maamuulka tv-ga Qaranka.

Waxaanu halkan uga mahad naqayaa Saxaafadii waqtigooda noo soo hurey.

Universal Tv-Somali Chanal Tv-HctvTogdheernews-Hadhwanaagnews-Burcoonlane-Waaheen iyo Togaherer.

Aniga oo ugu mahadnaqaya sida hagar la,aanta ah ee jaaliyada somalilad u garabtaagan yihiin iyagoo dherdhexaada,ugu danbayntii Xukuumada Somaliland baadhitaan ha ka sameyso sababta Tv-ga Qaranku u diiday codsigayga si aan Jaahliyada iyo Xukumadu u kala fogaan.

 

Somaliland  Guul & Horumar

 

Gudoomiyaha Qurbajooga ee EU

 

Abdirahman Ubaxle

 

Hadaba waxaa is weydiin leh Wriye Abdilahi Mohamed Ali  oo ay dusha ka sareen  maqaal Shabakada Wararka ee Hadhwanagnews.com lagu qoray isaga oo aan ku lug lahayeen eedaha loo soo jeediyey  Wariyaha ka tirsan Tv-ga Qaranka.

Qoraalkaas oo Sheegayey in Jini Boqor Ubaxle uu yimid Xaflad ka Dhacdey North London dabadeena uu Aflagadeeyey Wakiilka Somaliland u Fadhiya Uk Mudane Cali Adan Cawaale taasi oo aan Been aheen dad badan oo Madasha Fadhiyeey ka Markhati Kacayeen.

Isku soo Wada  Duuboo waxaa looga fadhiyaa  Ubaxle iyo inta uu wataa in ay raali galin ka bixiyaan falkaa foosha xun ee ay kula kaceen Madaxda Tv?ga Qaranka Somaliland .

 

 

M S Muhumed

DhaboolaqMedia@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.