Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xaflad Aad u Balaadhan oo Ka Dhacday Wadanka Jarmalka Samafalna Loogu Ururinayay Agoomihii Mujaahidiintii SNM


(Hadhwanaagnews) Monday, October 22, 2012
Bonn(HWN) Waxaa habeenkii Sabtidii lagu qabtay wadanka jarmalka xaflad aad u balaadhan oo ay soo wada abaabuleen Jaaliyada Somaliland

Bonn(HWN)  Waxaa habeenkii Sabtidii lagu qabtay wadanka jarmalka xaflad aad u balaadhan oo ay soo wada abaabuleen Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka iyo ururka samafalka Mujaahidiintii SNM ee fadhigoodu yahay Somaliland Holland IYO INGIRIISKA,Waxaa isaguna halkaas ka heesay fanaankii waynaa ee nuur daalacay oo heesihiisii wadaniga ahaa ka qaaday ururka samafalka waxaa lagu asaasay Hargaysa ogost 2011kii waxaa gudoomiye ka ah C/raxmaan aw cali, waxaa lacag haye u ah Aamina yuusuf aar (oo ah marwadii Maxamed Faarax Qadiimi)

alla ha u naxariistee,ururkan samafalka

waxaa loo aas aasay markii ay ka adkaysan kari waayeen,darxumada iyo dayaca ka muuqda Agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii snm,waxaa marag madoona markii wadanka lagu soo noqday,snm oo uu markaa hogaaminayay cabdiraxmaan tuur ilaahay janadii haka waraabiyee,snm waxa ay iskugu yeedheen,dhamaan Qabiilada wada dega somaliland,oo dhan waxaana magaalada Burco lagu kala sexeexday Heshiis lama ilaawaana snm na waxa ay xukunka ku wareejisay qabaaiilka somaliland oo dhan,waxaana burco lagaga dhwaaaqay jamhuuriyada somaliland.

Xafladan si heer sare ah loo soo abaabulay oo Jaaliyada loo martida ahaa ay hawsheedii si fiican uga soo baxday halkaas waxa ay jaaliyada jarmalku ku gudoonsiisay lacag loogu tobarucay ururka samafalka ,waxaa dhanbaal adag loosoo jeediyay,nimankii markay hadlayaan laabta iska garaaci jiray ee mujaahidnimada kusoo caano maalay,ee magaca fiican ku helay,waxa ay dhexdeena joogaan iyagoo wasiiro ah iyagoo Baarlamana iyogoo Somaliland Maal qabeenada waa wayn ku jra,waar maxaad ku ilawdeen Agoomihii Mujaahidiinta,waar maxaad ku ilawdeen inta miyirkoodii wayday ee ay Hooyo aan waxba gacanta ku hayni la daalaa dhacayso, waxaanu ka codsanaynaa cidkasta oo danaynaysa inay caawiso ururkaa samafalka ah ee iskood isku xilqaamay,xidhiidh ha lasamayso.

Hadhwanaagnews

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.