Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Kaluumaysiga Oo Difaacay Wax Qabadka Xukuumada Ee Ay Ku Qiimeeyeen 70%.


(Hadhwanaagnews) Monday, October 22, 2012
Hargeysa(HWN):-wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel Jire) ayaa difaacay waxqabadka xukuumada ee ay ku qiimeeyeen inay fuliyeen 70%.

Hargeysa(HWN):-wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel Jire) ayaa difaacay waxqabadka xukuumada ee ay ku qiimeeyeen inay  fuliyeen 70%.

Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada oo maanta ka hadlayey munaasibad uu  xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee wasaarada dib u dejinta Somalilannd Saleebaan Ciise Axmed ayaa waxa kale oo uu  sheegay in mudada ay u hadhsan xukuumada ay sii wadi doonto waxqabadyadii ay balan qaaday wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen.


FONT-FAMILY: ?Arial Narrow?,?sans-serif?; FONT-SIZE: 14pt">Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya waxqabadka xukuumada ayaa yidhi ?waxaanu qiimaynay balanqaadkii aanu qaadnay markii  xukuumada aanu  soo galaynay, balamadayadii  markii aanu qiimaynay waxaanu  is nidhi 70% waanu qabateen, balse halkaa kaga  tagi  mayno ee sadex sanadood ayaa noo hadhay, markaa inta dhiman iyo inta nagu soo baxday wax badan ayaanu ka qaban doonaa.?

Wasiirka kaluumaysiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?Waxa nalagu  dhaliilaa arooskooday ka mushxaradeen oo way is amaaneen, dee wixii aanu qabanay waanu sheegaynaa  wixii  naga dhimana waanu  sheegaynaa, wixii shacabka iyo  urrurada siyaasadu arkaaan waanu  qiimaynaynaa oo waanu qaadanaynaa, ka aamusi  mayno inaanu  waxqabadkayaga sheegno, wixii aanu  qabanay inaanu dadka wax ku waydiisanana xaq ayaanu u leenahay,?

Ugu danbayntii wasiirku waxa fariin u diray shacabka Somaliland oo uu ka codsaday inay garab istaagaan xukuumada si way waxyaalaha ka hadhay balan qaadkeedii u fuliso ?Walaalayaal waxaanu ognahay inay dalka baahiyo badani yaalaan oo u baahan In wax laga qabto, laakiin waxaanu  ku dedaalaynaa inaanu qorsho la nimaadno kaas oo aanu wax badan ku qaban karno, laakiin marka shacabka nagu taageero ayaanu  wax badan qaban karnaa.?ayuu yidhi wasiirka kaluumaysiga iyo  khayraadka badu.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland.

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.