Maraykanka Iyo Israel Oo Wada Jir U Samaynaya Dhoola Tuskii Milatari Ee Ugu Balaadhnaa Taariikhda Ee Ka Dhaca Bariga Dhexe
(Hadhwanaagnews) Monday, October 22, 2012
Tel-Aviv, (HWN/Agencies):- Israel, Maraykanka iyo Waddamo ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta si wada jir ah u bilaabay dhoola tuskii
Tel-Aviv, (HWN/Agencies):- Israel, Maraykanka iyo Waddamo ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta si wada jir ah u bilaabay dhoola tuskii ugu waynaa taariikhda ee wada jir loo sameeyo, kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan sideed iyo sodon milyan oo dollar, ayna ka qayb qaadanayaan shan kun oo askari iyo kumanaan aaladood oo kuwa dagaalk ah.
Dhoola tuskan oo lagu tilmaamay kii ugu balaadhnaa ee laga sameey bariga dhexe waxa ka qayb galaya kun askari oo Israel u dhashay iyo sadex kun iyo shan boqol
oo Maraykanka iyo dalal reer Yurub ah oo aan la magac dhabin ka socda, waxaana loogu magac daray ka Xad gudubka wayn "Harsh Challenge?
Sidoo kale waxa ka qayb qaadan doona qaybaha gantaalaha iyo sawaariikhda difaaca ee dalalka Israel iyo Maraykanka gaar ahaan, gantaalaha lagu farsameeyo Israel ee "Hits" Israeli missile iyo sawaariikhda difaaca gantaalaha ee Maraykanku sameeyo ee loo yaqaano "Patriot", kuwaas oo la sheegay in dhamaantood loogu sii tababaranayo sidii halis la soo derista dalkaas looga gaashaaman lahaa ama la isaga difaaci lahaa dhibaato la?aan.
Warbaahinta dalalka Maraykanka iyo Israel ayaa labada dawladood ku baahiyeen bayaano ay ku cadaynayaan, in dhoola tuskani ahaa mid muddo dheer laga shaqaynayay oo lagu muujinayo iskaashiga labada dhinac laakiin aanu ahayn mid la xidhiidha ama ka dhashay xaaladaha ka taagan bariga dhexe sida kacdoonada dalalka carabta iyo barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.
Inkasta oo labada dhinacba isku dayayaan inay daboolka saaraan cabsida ka haysata gantaalaha iyo barnaamijka hubka nukliyeerka ee dalka Iiraan, haddana waxa ay dadka ka faalooda arrimaha difaacu ku tilmaamayaan dhoola tusyadan, kuwo loogu quus goynayo dalka Iiraan iyo xulafadeeda isla markaana lagaga gaashaamanayo wixii weeraro ah ee lagu soo qaado dalka Israel.
Isku soo wada duubo dhoola tuskan milatari ee lagu tilmaamay kii ugu balaadhnaa taariikhda ee ka dhaca bariga dhexe, waxa ka wada qayb qaadanaya Maraykanka, Israel iyo waddamo la qariyay magacooda oo ka tirsan midowga Yurub, waxaana ku bixi doona 38-Milyan oo dollar, oo lix meelood meel ay Israel bixin doonto, inta kalana Maraykanku bixinayo.
Sida warbaahinta dalka Israel ku warantay cutubyo ka tirsan ciidamada Milatariga ee dalka Maraykanka ayaa ku degi doona gudaha dalka Israel muddada dhawrka cisho ah ee uu dhoola tuskan milatari socdo, waxa kale oo la isticmaali doonaa hanaanka gantaalaha ballistic ee ridaddoodu dheer tahay iyo kuwa difaaca, sidoo kale waxa la samayn doonaa dhoola tusyo milatari oo dhinaca bada iyo barigaba ah.
Inta badan waxa carbiskani ka dhici doonaa gudaha ciida Israel iyo bada Mediterranean-ka halkaas oo wada jir, ciidamada Cirka, Dhulka iyo Badu uga wada qayb qaadan doonaan iyaga oo ay ku lamaan yihiin gantaalaha meelaha fog wax ka duqeeya iyo kuwa difaaca loo samaystay.
Inta dhoola tuskani socdo waxa lagu tijaabin doonaa noocyo kala duwan oo gantaalo, hub iyo aalado kale isugu jira oo labada dhinac samaysteen ama horumarin ku sameeyeen, kuwaas oo la ogaan doono heerkooda awoodeed iyo kooda farsamo intaba, waxaana sidaa laga soo xigtay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan milatariga labada dhinac.
Dhoola tuskan milatari ayaa ku soo beegmaya wakhti xiisado badani ka taagan yihiin guud ahaan gobolka bariga dhexe, gaar ahaan dalalka Suuriya, Lubnaan iyo meelo kale oo mandiqada ka tirsan, waxa kale oo si wayn isku soo tarayay barnaamijka hubka Nukliyeerka ah ee Iiraan oo xawli aan la qiyaasi karin ku socday muddooyinkii u danbeeyay iyo dawlada Ruushka oo iyaduna gobolka soo dhoobtay hub tiro badan iyo nidaam raadalada meesha fog wax lagaga ogaan karo ah, kaas oo cabsi wayn ku abuuray dalka Israel.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
faysal@hadhwanaag.org