Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Faah Faahin Dheeraad ah oo Ku Saabsan Dabkii Ka Kacay Kaydka Shidaalka Ee Warshada Laydhka Berbera + Sawiro


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 24, 2012
Berbera-(HWN)-Taangigii kaydka shidaalka ee warshada laydhka berbera ayaa si kadisa dab u qabsaday waxaana daqiiqado dhexdood

Berbera-(HWN)-Taangigii kaydka shidaalka ee warshada laydhka berbera ayaa si kadisa dab u qabsaday waxaana daqiiqado dhexdood cirka isku shareeray dab cirka u boodaya iyo qiiq madaw,

Sawiro Kale Filo

Waxaa hadaba gurmad deg dega sameeyay gaadiidka dab damiska ee Dekada Berbera iyo booyadaha biyaha dhaamiya ee shirkada indho deero ,waxa iyaguna gurmadkaa deg dega ah ka qayb qaatay booyadaha Salaad Cali Hayste iyo shacbiga reer Berbera oo markaliya kusoo dhaqaaqay dhinaca warshada oo gacan wayn ka gaystay bakhtiintii dabkaa saaka ka kacay warshada laydhka Berbera,



style="TEXT-JUSTIFY: inter-ideograph; TEXT-ALIGN: justify; MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Sidoo kalena madaxda gobolka saaxil ayaan ukala hadhin daminta dabkan ka kacay warshada laydhka e berbera

Badhasaabka saaxil ayaa saxaafada markii la bakhtiiyay la hadlay oo yidhi ,waa illaahay mahadii hadii aanu ku guulaysanay bakhtiintii dabka ,kaliya waxa gubtay kaydkii shidaalka ee warshada,waxaanu aad ugu mahadnaqay hawlwadeenada dekada oo dab damiskooda casriga ahi bakhtiiyay  dabka horaantiisii iyo booyadahii biyaha siinayay dabdamiska ee ay lahaayeen shirkada indho deeero uu gurmadkii u horeeyay kusoo gashay kaamboolka warshada iyo salaad Cali Hayste oo booyadahiisu qayb wayn ka qaateen bakhtiinta dabka,iyo aakhirkii oo ay yimaadeen qaybta dabdamiska haamaha  iyo qalabkoodiiba kuna guulaystay dabkii gudaha kazoo kacayay inay bakhtiiyaan kaas oo hore u bakhtiyi waayay.

Sidoo kale duqa Berbera ayaa aad ugu mahadnaqay cidkasta oo ka qayb qaadatay bakhtiinta dabkan waxaanu intaa ku daray in baadhitaan degdega lasamayndoono wixii kalifay dabkan ama keenay, waxa isaguna xili hore yimid goorta dabku ka dhacay maareeyayha dekada Berbera oo shaqaalaha dabdamiska dekadu qayb libaax ka qaateen daminta dabkan.

Dabkan ayaa bakhtiintiisii saaka waxa wax ku noqday ilaa shan qof holocu jiidhay waxaana loo cararay cisbitaalka.

 

Wariye yaasiin jaamac cali

Hadhwanaag news berbera


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.