Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guddida Siyaasada Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Golaha Guurtida Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiiinta Dalada ururada Aann Dawliga Ahayn Ee SonSaf,Akhriso/Dhagayso


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 24, 2012
Hargeysa(HWN):-masuuliyiinta dalada ururada aan dawliga ahayn ee SonSaf ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay guddida siyaasada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida.

Hargeysa(HWN):-masuuliyiinta dalada ururada aan dawliga ahayn ee SonSaf ayaa maanta kulan albaabadu  u xidhan yihiin la yeeshay  guddida  siyaasada arimaha dibada iyo  iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida.

Kulankan oo ka dhacay xarunta golaha guurtida Somaliland ee magaalada Hargeysa  ayaa markii uu dhamaaday waxa ka war bixiyey gudoomiyaha guddida siyaasada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida md. Sahal Iidle Xasan   waxaanu sheegay inay masuuliyiinta SonSaf ka wada hadleen waxqabadla hay?addan waxaana hadaladisii ka mid ahaa   ?waxaanu la

kulanay saaka hay?adda Sonsaf ee maxaliga ah taas oo ah hay?ad muujisay waxqabad aad u fiican, lana shaqaysa wasaarada qorshaynta qaranka,  warbixintooda ku cadna waa hay?ad kulmisa ururada bulshada waxaanay ka kooban tahay sida ay noo sheegeen masuuliyiintoodu  shan waaxood oo balaadhan kuwaas oo kala ah ururada bulshada, xirfadlayaasha,culimo u diinka,cuqaasha iyo  qaybaha gaarka ah ee bulshada, waxaanay na siiyeen warbixin aad u balaadhan oo taabanaysa qaybo badan oo bulshada ah,   waxa muuqanaysa in aqoontii shacabku  shaqaynayso oo dadkii aqoonta lahaa ay u soo  jeedsadeen inay waxqabadkooda dalka u muujiyaan, markaa waanu uga mahad celinaynaa sida ay  nooga soo ajiibeen dalabkayagii aanu kaga codsanay inay noo yimaadaan.?
Dhinaca kale gudoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Aadan Xaaji Cali oo isaguna ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida siyaasada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay inay uga warameeen waxqabadka dalada waxaana hadaladisii ka mid ahaa ? saaka waxa noo yeedhay  guddida siyaasada  waxaanay naga codsadeen hadii aanu nahay isku  xidhka ururada aan dawliga ahayn, inaanu warbixin iyo xogwaraysi isa siino maadamaa golaha guurtidu yihiin gole dastuuriya, guddidanina ay yihiin gudi u qabilsan arimaha siyaasada sharciya,waanu hor nimid anaga oo aad ugu faraxsan inaanu la kulano, hadii aanu sonsaf nahay waxanu uga waranay waxay Sonaf u taagan tahay,waxqabadkeeda iyo waxyaalihii aanu kuguulaysanay mudadii aanu jirnay, imika hawlaha balaadhan ee aanu gacanta ku hayno,sida aanu doonayno inaanu uga qayb galno doorashada anaga oo imikana diyaarinayna  dhinaca goobjoogayaasha maxaliga ah, waxaanu uga waranay shirar caalamiya oo aanu ka qayb galnay  oo aanu codka bulshada gaadhsiinay.

Waxa kale oo aanu uga waranay wakhtigan doorashada laga jiro aanu doonayno inaanu diyaarino muraaqibiinta maxaliga ah ee doorashada iyo dhinaca wacyi galinta, mustaqbalkana waxaanu uga waranay  waxyaalaha aanu higsanayno, markaa kulan aad u wanaagsan ayaa na dhex maray  guddidan ka tirsan golaha guurtida Somaliland.? Ayuu yidhi gudoomiyaha gudida dalada ururada aan dawliga ahayn ee SonSaf.

 Halkan Guji Oo Ku Dhagayso Mobile-kaaga

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.