Hargeysa (HWN):- Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa maanta laba tababar oo isku nooc ah Hargeysa iyo Burco ugu kala qabatay dhallinyarada ka sharraxan xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ka qayb galaya tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.
Tababarkan oo socon doona laba maalmood ayaa maanta hal mar ka wada furmay Huteelada Deero ee Magaalada Burco iyo Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
 |
![]()
src="http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_80113d_2012-10-24-6-44-10f_deero3.jpg" width=700> |
Dallada SONYO ayaa waxa tababarkan ka taageeraya hay?adda caalamiga ah ee IRI waxaana mudada uu socdo dhallinyarada musharaxiinta ah lagu bari doonaa casharo la xidhiidha sida ugu wanaagsan ee looga qayb qaadan karo kobcinta dimuquraadiyadda, ololaha wanaagsan ee suurta galin kara tartan xor iyo xalaal ah, xeerarka xisbiyada iyo ururada u yaalla, habka ugu wanaagsan ee looga qayb qaadan karo kaambaynka siyaasadeed ee doorashooyinka. Waxa kale oo mudada uu tababarkani socdo dhallinyarada musharaxiinta ahi isku waydaarsan doonaan aqoontooda iyo khibradooda la xidhiidha dhawrista wanaagsan ee shuruucda iyo xeerarka u yaalla doorashooyinka iyo waliba xeerka is maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka si loo helo dhallinyaro musharaxiin ah oo wax badan ka og shuruucda dalka.
Cabdijaliil Daahir Afqarshe oo ka mid ah saraakiisha hay?adda IRI oo hadalo kooban ka soo jeediyay furitaanka tababarkan qaybtiisa maanta ka furmay Huteel Deero ee magaalada Burco ayaa dhallinyarada siyaasadda galay waxa uu ku dardaaray in ay u tartamaan codkoodana u raadsadaan si wanaagsan oo waafaqsan xeerarka iyo qawaaniinta dalka u taalla isaga oo ku booriyay in ay ka faa?iidaystaan tababarkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale ah ee dalka ka hir gala. Xidhiidhiyaha mashaariicda SONYO Md. Cadnaan Cabdi Xasan oo isaguna ka hadlay furitaankii tababarkan ee magaalada Burco ayaa ku dheeraaday ujeedooyinka SONYO ka leedahay barnaamijyada noocan oo kale ah oo buu yidhi ku tusinaya dadaalkii dheeraa ee SONYO u soo gashay in aynu maanta tababar noocan oo kale ah dhallinyarada isugu nidaam iyada oo aynu ka soo bilawnay in aynu golayaasheena ku soo qancinno in dhallinyaradu siyaasadda ka qayb galaan oo la ogaa halkii aynu isla soo marnay wax ka badalkii xeer Nambar 20 ee ka qayb galka dhallinyarada ee siyaasadda. Cadnaan waxa uu xusay sida aanay marnaba uga hadhi doonin in ay karaankooda wax la qabtaan dhallinyarada isu soo taagtay doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Dhinaca kale tababarkii noociisan ahaa ee maanta isaguna ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa furitaankiisii ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka SONYO Guuleed Yuusuf Iidaan oo dhallinyarada kula dardaarmay in ay tababarkan labada maalmood ah ka faa?iidaystaan isaga oo mahadnaq u soo jeediyay sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkoodii ugana soo qayb galeen tababarkan. ?Si aynu u hello dhallinyaro firfircoon oo doorashada golayaasha deegaanka ku guulaysata waxa aynu u baahanahay in aynu aqoonteedii, kartideedii iyo damaceediiba la nimaadno oo ay inaga dhab noqoto ballan-qaadkii aynu umadeena u samaynay ee ahaa in haddii dhallinyarada saaxadda loo banneeyo ay wax qaban karaan. Aan qabyaaladda ka tagno oo aan mabaa?dii ku shaqayno. Daacadnimo aan isku ogaano oo yaynaan damac xun la shir iman? ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Guuleed Yuusuf Iidaan.
Dhinaca kale Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo ka qayb galay furitaankii tababarkan oo aanu wax ka waydiinay farriinta uu dhallinyarada tababaradan ka faa?iidaysan doona u tabinayo ayaa marka hore aad ugu mahad naqay hay?adda IRI oo gacan ka gaysatay hir-gelinta tababarkan muhiimka ah. Agaasimaha SONYO waxa uu dardaaran ballaadhan u soo jeediyay dhallinyarada u sharraxan golayaasha deegaanka oo uu ku dhiirri geliyay in ay muujiyaan milgaha dhallinyaro maadaama ay huwan yihiin magacii dhallinyarada Somaliland ee aqoonyahanka ah kuwaasi oo muddo badan ku doodayay in haddii fursad loo siiyo ka qayb galka siyaasadda ay tamartooda dihin iyo aqoontooda wax ugu qaban doonaan dalkooda iyo dadkoodaba. Agaasimaha SONYO waxa uu ballan qaaday in SONYO sii wadi doonto dadaalka loogu jiro sidii loo heli lahaa dhallinyarada musharaxiinta ah oo noqda kuwo dhisan oo ka dhabayn kara hammiga dhallinyarada iyo himilada horumar ee aynu hiyiga ku hayno. Agaasimaha SONYO waxa uu sheegay in dhallinyarada musharraxiinta ahi u siman yihiin si isku mid ahna ay ula shaqayn doonaa waxa kale oo uu xusay in xisbiyada iyo ururada ay dhex u yihiin lana shaqaynayaan dhammaan musharraxiinta dhallinyarada ah.
Mudada labada maalmood ah ee tababarradani ka socddo magaalooyinka Hargeysa iyo Burco waxa dhallinyarada siyaasiyiinta ah casharo halkaasi ku siin doona dhallinyaro lagu tababaray mashruucan oo ay weheliyaan khubaro ka socda hay?adda IRI.
Hadhwanaagnews/Office
Hargaysa/Somaliland