Sida dad badan oo dibad iyo gudaba joogaa ay la socdeen, waxa uun aan aniguna ka mid ahay dadka faraha badan ee qurbaha jooga ah ee sida xiisaha badan u naqdinayay qoraalada taxanaha ah ee Boobe Yuusuf Ducaale uu soo tabinanyay, isagoo ka faaloonaya wakhtigii gaabnay ee uu wasiirka Warfaafinta ahaa. Waxa kaloon akhriyay hormadii koowaad qoraal uu isna soo tabiyay Sayid oo kusoo baxay maqaalka afka dawlada ku hadla. Tulucdaan yare e kooban ee aan halkan kusoo qorayaa maaha mid siyaasadaysan oo aan marnaba dhinac garabks saarayo, aniga oo annay dabcigayga ahayn inaan dhex muquurto mawjado siyaasadeed oo aanan u dabaal joogsan Karin, macluumaad kaafiyana aanan ka haysan si aan mawqif cad iskagataago. Dadka
badankiisuna marxaladaas ayay taagan yiin, sidan ila tahay.
Waxaanse gocday, oo aan aad u nusqaamay qaybata hore ee maqaalka Sayid, oo ujeedadiisa muhiimka ay ahayd dhaliil uu usoo jeedinaya hab qorallka Boobe Yuusuf, isgaoo Sayid ku eedeeyay inuu Boobe bililiqaystay (plagiarism), fadhaysay, boobay oo xaday suugaan dadkale iska leeyinhiin markii uu cabirayay fikradihiisa iyo doodiisa. Dadka aalaaba wax qora, buug haday noqto, maqaalo, suugaan curineed iyo wixii la mid ahba, eedda ama dhaliisha ugu wayn ee lagu soo oogi karaa, oo sharaftooda, magacooda iyo mansabkooda dhulka dhigaysaa waa tiiyoo la yidhaa murtida qalinkooda iyo qawlkooda kasoo maaxatay waa bililiqo. Bililoqo suugaaneed ama qoraal waa tiiyoo aad qoralkaaga kusoo badhaxday ama u adeegsatay suugaan iyo qoraalo qofkale iska leeyahay adiga oon siin garawsiiyo mulkiilihii lahaa maansadaa ama fikirka hore. Dib hadaan u akhriyay taxanaha Boobe Aw Yuusuf kadib markaan akhriyay qoraalka iyo eedaynta Sayid, waxa ii muuqan wayday haba yaraatee in aanu Boobe Yuusuf marnaba ku xad giudbin oo aanu gaysan wax bililiqaysi ah. Markastaba waxa uu xusayay gabayaaga uu kusoo hal qabsanayo, had tahay Gaariye, Ibraahim Ghadhle, Hadraawi iyo kuwa kaleba. Sayid waxa kaloo oo u ku dooday in Boobe Aw Yuusuf uu siigaantaa iyo gabayadaa soo xaday isago oon ogolaansho and ruqsad kasoo qaadan dadkii curiyay. Tana waxay takay midalae oo Sayid kaga dhacsan yahay hab-dhaqanka marka aad isticmaalayso hoga tisaalayn (referencing or citation ). Ruqsad uma baahnid, ogolaanshona ugama baahnid qoraagii ama abwaankii curiyay suugaanta aad xusaysid. Waxa kaliya ee lagaaga baahan yahy waa in aad aqoonsiiyo siisaa oo aad tidhaahdaa gabaygaa aan cuskanayo waxa iska leh hebel iyo hebel.
Runtii hadii aad u dhabo gasho qoraal cilmiyaysan sida laga rabo ama bandhig habeedkoodaa, waa in aad markastaba aad ku noqosho iyo hoga tusaalayn (referencing) kusoo darto qoraaladaada. Waxaba caadiyan ah haddii aad soo bandhigto qoraal aan hoga tusaalayn hore lahayn in aan professor-kuba kaa aqbalayn. Marka kaliya ee aad iska tororoglayn karto adigoon u aabo yeelin wax tusaale iyo tibaax ah waa markaad qoraysid sheekooyin malo awaal ah (fiction). Anigoo sidaan kor ku xusayba haba yaraatee aan dan kalayn qoraaladan siyaasaaysan ee la is waydaarsanayo , waxan aad ula yaabay Sayid oo godoomiye ka ah maqaal wadani ah, sida ay isaga ula muuqato ama uu u qeexo bililiqaysi suugaaneed? (concept of plagiarism).
Gabogabadii, waxaan jeclaan lahaa in aan kusoo casuumo aradayda jaamacada bal inay ku tibaaxaan qoraalo iyo cilmi baadhis hab dhaqanka loo isticmaalo hoga tusaalaynata iyo hal-qabsiga suugaanta marka ay noqoto hal abuur qoraal ama sifo kale oo war bixineed.
Anigoo fursadan ka faaidaysanaya waxan dhawaan soo gadhssin doonaa qaar kamid ah jaamacadaha wadanka buugag ku kordhin doon aqoonta dhalinteena jaamacadaha cilmi badhista qoraalka, khusuusan Citation and Writing Guides. Waxan filayaa in nuqul kamid ah buugani uu isna gaadho xafiiska wargayska Dawan.
Abdiraxiim Muxumad Maax
ISMAILK@unhcr.org
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga