Hargeysa(HWN)Guddoomyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) waxa cambaareynayaa falkii foosha xuma ee xalay lagu dilay Weriyaha Telefiishanka Universal uga soo Warami jirey Magaalada Laascaanood Marxuum Axmed Saakin Faarax, isla markaana waxa uu ciidamada iyo maamulka Gobolka Sool ka codsanayaa inay si degdega gacanta ugu soo dhigaan Dableyda hubeysan ee dilka toogashada geysatey.
Mustafe-Jannaale waxa sidaa ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo maanta ka soo saarey Magaalada Hargeysa.
Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 12pt">"Waxay ahayd Xalay abaaro 11:00-habeenimo markii aan ka naxay oo ay fajaciso igu noqotay, kadib markii telefoon uu ii soo direy Saaxibkay uu I sheegay in la toogtey Weriye Axmed Saakin Faarax oo Telefiishanka Universal TV uga soo warama Magaalada Laascaanood.Waa dhacdo ugub ku ah Somaliland in Weriye la toogto, waxay igu abuurtey welwel iyo walaac iyo naxdin dheeraad oo marna maan filanahayn in Weriye Somaliland lagu tooganayo aniga oo ka duulaya nabada, dimuqraadiyada iyo xasiloonida ka jirta, Marxuumku waxa uu ahaa nin aanu soo wada shaqeynay oo hawlkara xirfadiisana ku fiican dadkana jecel oo la soo xidhiidha.
 |
| Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee SOA Mustafe-Jannaale |
Sidaa daradeed, waxaan cambaareynaya dilka foosha xun ee lagu khaarajiyey Weriye Axmed Saakin oo la ii sheegay inuu wakhtiga aqalkiisa hortiisa ku sugnaa. Waxaanan ka codsanayaa Ciidmada amaanka iyo maamulka gobolka Laascaanood inay si degdega u soo qabtaan dableyda hubeysan ee dilka toogashada ku fuliyey Weriyaha oo si degdega sharciga loo horkeena. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Waxaan ILAAHAY uga baryayaa Marxuum Axmed-Saakin inuu ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo, eheladii, qoyskii, suxufiyiinta Somaliland, asaxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.INA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN".
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland