marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba akhristayaasha sharafta badan, iyo waliba bahda warbaahinta somaliland,intaa ka dib dadkeenu had iyo jeer waa dad iska qiirooda. oo kolba dhinac u yaaca,hadana waa dad aad u wanaagsan oo samir badan,hadaba wax yaabaha dawladii somalia burburiyay dad badan baa waxay u haystaan inay ahayd dagaaladii badnaa ee ay ururadii hubaysnaa ku qaadeen,laakiin dadka inta badan siyaasada la saaxiibka ah ama aad u falanqeeyaa waxay aaminsanyihiin arin taa ka duwan
rgb(42,42,42)" dir=ltr align=justify>
Sababta ugu weyn ee Soomaaliya dib u celisey, muddadii 21 sannadood ahayd,ama burburisay, ee ay guulwadayaashii iyo aabbahood qoriga caaraddiisa dhafoorka dadka kaga hayeen, waxay ahayd in aragtiyihii ummadda ee xaqa ahayd la cabbudhiyo.
Dadka imika nool waxay ka kooban yihiin shan qaybood, kuwii xumaanta ka qaybqaadanayey, kuwo xumaanta ogaa laakiin baqayey, kuwo aan waxba kala ogayn iyo kuwo dalka ka baxsaday, iyo qaar guul wadayaal ahaa oo la adeegsanayay,oo inta wax fahmaysa basaasayay,Siyaabaha dadkeenna maskaxda looga curyaamiyey waxaa ugu weynaa in la xasuuqay dadkii caqliga toosan lahaa badankoodii, qaar kale oo baddana mu,aamarado loo sameyay si loo ceebeeyo ama loogu gaystay xad gudubyo aan la soo koobi karin,waxa kale oo jirta in qaar badan oo naaqusyo ah oo dadkeena ka mid ahi ay jaajuusiin ahaayeen wakhtigaas.
Dadka caqliga la saaxiibka ahi waxay hadaba rumaysan yihiin, in uu qarankii soomaaaliyeed burburay habeenkii uu siyaad barre afganbiga sameeyay, dhibtuna ay habeenkaas bilaabatay.waayo sababahan hoos ku qoran awgeed ayaa keenay in qarankii burburo oo lagu kala yaaco.
In shacabka qofkii xaqa sheega la yidhaa ?Aamus!? yaa bilaabay?! In habeenkii guryaha loo dhaco oo ragga intii wax fahmaysa lala baxo, oo carruurta hurudda lagu tunto yaa bilaabay?! In dadka shacabka ah la haybsooco oo qabiil ahaan loo dilo yaa bilaabay?! In wadaaddada la ugaadhsado oo kuwa aqoonta leh xabsi iyo xabbad lagu aamusiyo yaa bilaabay,in basaasiin loo diro ummada oo la soo dhagaysto yaa bilaabay,in odayaasha muhiimka bulshada dhexdeeda ka ah la jaajuuso oo ciyaala ey loo soo diro yaa bilaabay, naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyee abwaan gaariye ayaa yidhi (( darratiyo kud iyo caal kala dooro mooyee marna waxa dubuurta ah ma idhaa ka digo roggo)),waar ma maanta ayay arimahaa aan kor ku soo sheegay oo kale dalkeenii ka dhacayaan!!!!!!!! waa wax aad looga xumaado.hadaynaan xaqa u hiilin waxba maaha jiritaankeenu.shalay wixii dhacay sidee durba loo iloobi karaa,waxyaabaha caddaynaya in dadkeenu iska qiiroodaan oo dagdag u iloobaan dhibtii soo martay waxa ka mid ah arimahan oo kale.
Baqdinta iyo kurbada laga qabo aragtiyaha caafimaadka qaba, ee bulshada kor u qaadaya, iyo xaasidnimada labadaba waxaa iska leh jahilnimada iyo guulwadaynta, laakiin dadka indheergaradka ah, ee sida fiican u fikiraya, ee awoodda u leh in ay fikirkooda dhabta ah dhiibtaan, oo maskaxdoodu aanay qofna ku xidhnayn, waliba aan ahayn dad xaga maskaxda laga haysto iyo guulwade toona. lama xayiri karo, oo iyaga ayaa guulaysan doona.boobe yuusufna waxa uu ka mid yahay dadka sidaaas ah.in la xumeyay oo lagu xadgudbay shaki kuma jiro gartiisiina si fiican ayuu u sheeganayaa,ninkii yidhaa waar muwaadiniinta hagardaamada ka daaya hadii sidaa loo galayo sow wax laga xumaado maaha.
arintani hadaba waxay leedahay wajiyo badan aniguse laba arimoodba waan la yaabay ta koowaad, waa arinta ah in xirsi uu dhagaystay ama duubay tellephon nin wasiir ah iska leeyahay,waxay aniga ila tahay in ay arintaasi ka madhantahay dublamaasiyada, iyo shaqada ka dhexaysa wasiirada,waxa kale oo ay muujinaysaa in awood gaara uu leeyahay xirsi, oo uu ku mashquulay sidii uu u dhagaysanlahaa wasiirada kale iyo dadka sharafta ku leh bulshada dhexdeeda,waana jahilnimo aad u wayn oo waliba ay ka muuqato badownimo ilaa xad ah.
arinta labaad ee iga yaabisay waxay tahay madaxweynaha oo boobe kala hadlay tellephon, uu leeyahay mid ka mid ah agaasimayaashii wasarada warfaafinta, oo waliba ay boobe is hayaan,madaxweynahu ma wuxuu garan waayay haduu yarku war u keenay, inuu ku yidhaa waar tellephanadayda ayaan kala hadlayaa wasiiradayda ee adigu iska tag, si uu markaa xafiiskiisa ugala hadlo ama gurigiisa, muxuu u isticmaali waayay telephonkiisa miyaanay taasi ahayn(disrespect), ixtiraam daro loo hayo wasiirka,madaxweynuhu marka uu wasiiradiisa la hadlayo waa inuu si dublamaasiyadi ku jirto ula hadlaa,laakiin tani waxay u eegtahay in agaasimuhu inta uu garaacay wasiirka ka dibna madaxweynaha u dhiibay oo uu yidhi madaxweyne wasiirkii waan garaacay oo wuu dhacayaaye hoo u sheeg awoodayda qarsoon!!!!!!! taasina waa khalad iyo shaqo xumo dawlada dhexdeeda ah.
dhinaca kale inamadan yaryar ee guulwadayaasha ah, markay maqaallada xoogga iskaga daba?imanaya, waayeen wax ay ku difaacaan, waxay naf moodeen bal in ay isdifaaci karaan iyo in kale. laakiin waxaanay ogayn inay, iska neceb yihiin qof ama reer, ee aragti iyo dood fiican midna aanay keeni karin. oo aanay is difaaci karin, waana dabeecadihii kacaanka, iyo guulwadayaashii Siyaad oo sidoodii ah, ma garanayo meel ay ka keeneen oo kolay waxay u eegtahay in la tababaray,yar yarkan.
Aragtiyo iyo maqaalo liita ayey bogagga ku faafiyaan, isla markii ay arkeen boobe, oo af ahaan iyo ujeeddo ahaanba miisaan weyn bulshada ku leh, oo arimaha uu ka hadlayaana ay yihiin qaar aanay maskaxdoodu xataa keeni karin, iska daa inay qoraal ku soo gudbiyaane. waxay ka daba qoreen hadallo dhicisyo ah, oo aad u macno,daran, marka dhan kasta laga eego.oo xataa aad ka dareemayso, inay khashifaad badani ka muuqato.waxa kale oo ay guulwadayaashan yaryari is leeyihiin, qoraaladan dhiciska ah waa qaar aad kaga gaban kartaan runta uu boobe soo qorayo,((dadku ma shalay bay dhasheen)).mida kale tani waxay muujinaysaa kartixumada xirsi xaaji iyo guulwadayaashan sida uu u tababaray,dadka ay dagaalka kula jiraana maanta shacbiga somaliland wuu ogaaday, waana inta ogaatay naaqusnimadooda, iyo karti xumida ka muuqata.mar marka qaar kood waxaad moodaa inay raadinayaan, dad run uga qaata oo hurdo ku jira arimahan ay sheegayaan,waayo waxa nimanka yar yar tababaray waa xirsi,oo naaqusnimadiisa yidhi boobe gacantaa kaga dhacday tellephonka !!!!!!!!!! ninka sidaas u fikirayaa dadka uu tababaray maxaad u malaynaysaan.waayo maaha nin aragti dheer leh oo dhinacyo badan wax ka eegaya,laakiin waxaan odhan karnaa siyaasadiisa iyo aragtidiisa ayaa sidaas ah.waana inta ay aragtidiisu gaadhsiisntahay.
hadaba waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkan yar,in hadii aynaan xaqa u hiilin aynaan meel gaadhayn,...
cabdiraxman samaale
bristol uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga