Waxa jiray wiil aayo-koris ahaa. Aayadii waa ay u darnayd. Badanaana casho ma siin jirin. Aabbihiina kama war qabin. Goor dambe ayaa uu soo hoyan jiray. Wiilkana, hortii baa la seexin jiray.
Maalintii dambe ayaa wiilkii casho-la?aanta u adkaysan waayey. Aabbihii ayaa uu la hadladay oo ku yidhi, ?Aabbow, midh ii yeel. Midh aan adna wax weyn kuu dhimayn, anna wax weyn ii tari ii yeel!?
?Waa maxay, aabbo?? ayaa uu inankiisa weydiiyey.
Waxa uu wiilkii aabbihii ku yidhi,?Habeenkii markaad soo hoyato,
wiilku ma casheeyey aayaday iigu dheh!?
Waa iga gocasho eh, waxan uga dan leeyahay, dacalkayaga galbeedka hagrasho ayaa aan ka tirsanaynay dawladdihii Somaliland soo maray. Tolkayaga Jabuutina, dibucurashadii Somaliland ilaa roogag-cas-u-dhiggii Madexweyne Siiraanyo ee 2010kii, ?Reer Selel ma casheeyey?? nooma odhan. Ishayada ayaa ayna ka muuqataa!
Maanta se, nabsimaal ayaa yimid. Xasan iyo Xaqsoor baa noo kacay. Reer Selelna, Axmed Cabdi Casood, Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee XAQSOOR, ayaa u doobinaya. Reer Selel waa wada gaadhsiiyey in XAQSOOR yahay ururka keliya ee darajeeyey tolkiis. Farriinta XAQSOOR, Diridhaba ilaa Jabuuti gaadhsii. Duco iyo deeq mooyee, dayrana ma sheegayn!
Aniguna waxa aan ku darayaa tolkay meel u joogaba ? derisjoog iyo qurbajoog ? reer Selel haddii aannu nahay, ?noo dhaha? maanta idinma lihin. Ururka XAQSOOR baa taas noogu filan. Cashada nala soo wadaaga ayaa ay noo maraysaa. Xeedhada gacanta nala soo geliya ayaa ay noo joogtaa.
Waxa aannu se maanta idin leenahay ?noo dhiiba!?. Waxa aan idin leenahay: xeer ha noogu jirto eh, xerada XAQSOOR xoolo noogu dara!
Waayo? Xeedhada XAQSOOR, iidaan baa ay u baahan tahay. Sixinkii lagu iidaami lahaana, idinka ayaa ugu xiga cidda laga sugaayo. Kaalintiinii baa bannaan. Waa la idin tebayaa. Deeqdiini baa maqan! Gurmad gacan bal soo tara!!
Xaqsoor, doorashada Noofambar 28keeda, waxa hiil u noqon lahaa: Reer Selel iyo tolkood oo u abaal celiya; Reer Selel oo dhammaan codkooda siiya. Tolkayow, isku qaylo dira. Waa halkii heestii ina-adeertay eh, reer Selel "daranyadii waa laga daynayaaye, soo kulaala Xaqsoor is dhaha!?
Derisjoog iyo qurbajoog, haddii aad maanta gacan na siini weydaan; haddii aad deeq noo quudhi weydaan, berritoole waa idiin ?Calaa geel laayey? iyo calaacalka makhaayad! Reer Selelowna, haddii aad XAQSOOR codka kala masuugtaan, ama aad garab dhigtaan Kulmiye iyo Wadani oo aad ogtihiin ku-xigeennadooda, saadambe ayaa aydin garani doontaan!
Waa se iga dardaaran eh, tolkayow, raggeed noqda: Codkiina ha la maqlo! Cagtiina ha la arko! Deeqdiina ha la helo! U hura XAQSOOR: Dahabshiil Hargeisa, account number HRGD26118.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga