Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Magacaabistii Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe Sadex aan wada socon: Qormadii: 5aad.


(Hadhwanaagnews) Friday, October 26, 2012
(Maalin-qorka ?Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

(Maalin-qorka ?Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

 Xil-gudashadaydii Boobe: Iyada oo  Boobe  mudadii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta sidii aan  ku soo sheegay qormadii 4aad ee maqaaladan taxanaha ah  uu wakhtiga intiisa badani kaga lumay ku sheekaysiga shebekada facebook-ga ee ay dhalinyaradu ku wada xidhiidho. Ayaa hadana waxa  jirey wax qabad kooban oo uu mudadaas ku talaabsaday, inkasta

oo aanu wax qabadkaasi  ahayn sida uu qoraaladiisa ku sheegay iyo wax u  dhowtoona.

 Haddaba aniga oo  aan  marnaba diyaar u ahayn in aan duudsiyo wax qabad uu leeyahay, haddii aan  si dhab ah uga waramo waxyaabihii uu  qabtay  oo dhami waxay ahaayeen  kuwan hoos ku xusan:.-

 Ciidanka Ilaalada ah ee qaabilsan amaanka xarunta wasaaradda waxa uu u dhisay hal maqsin oo sandaqad ah, sidoo kalena waxa uu ku wareejiyey qol yar oo ku  yaala albaabka weyn  ee Wasaaradda laga galo, kaas oo ahaa qol markiisa horeba   loogu talo galay in Ciidanku seexdo, hase ahaatee ay Boobe ka hor isticmaali jireen qolada Tv-gu.  Isaga oo isla markaana qolkaas yar Ciidanka ugu sameeyey dayactir aad u kooban oo rinjiyan iyo albaab ka bedelid ahaa.

Waxa uu  dayactir ku sameeyey oo uu mar mar dhigay albaabo cusubna geliyey lix xafiis oo  ka mid ah xafiisyada Wasaaradda.

Waxa uu laba qol u kala jaray qolkii uu yaalay Transmetterka Tv-gu oo markii hore  weynaa, iyada oo ujeedadiisu ahayd in labadaas qol midna uu Transmeterku yaalo, midna  ay isticmaalaan shaqaalaha wararka Af ingiriisiga ah ee Tv-gu. Hase ahaatee qolkaas waxuu ka tegay isaga oo weli qabyo ah oo aan wax albaabo iyo midna lahayn.

Waa dhab waxa uu dhagax qoran ku sameeyey  74 meter oo ka mid ah deyrka dheer ee Wasaaradda ku wareegsan gaar ahaan dhinaca hore ee wajahada ah,  Lacagta  ku baxdayna waxaa bixiyey oo Wasaaradda ugu deeqay muwaadinka ganacsadaha ah ee iska leh shirkada Alnuur Furniture. Mana jirto cid Boobe la ogayd lacagtaas tiradeedu inta ay dhamayd, sidoo kalena ma jirto wax xisaab celin ah oo uu ilaa maanta lacagtaas ka keenay. Waxaanan maqlay  in lacagtii deyrkaas lagu sameeyey ee uu bixiyey ninkaas ganacsadaha ahi, laga saaray Miisaaniyadda Wasaaradda iyada oo laga dhigayo in Wasaaraddu deyrka samaysay, arintaas xaqiijinteeduna waa mid aan ku daba jiro, natiijadeedana aan soo qori doono.

Waxaa  iyaguna jira waxyaabo isaga ka horeeyey oo ay hawshoodu socotay markii la soo magacaabay, balse uu gebo gebadoodii soo gaadhay, haatana uu wax qabadkiisa ku tiriyey, kana dhigay wax uu bilawgooda iyo isagu lahaa. Waxyaabahaasna waxaa ka mid ah  qalab   loo keenay in lagu  isticmaalo laydhka Istuudiyaha Tvga. Qalabkaas waxa  wadanka Holland ka soo iibiyay oo run ahaantii xil aad u weyn iska saaray  nin muwaadin ah oo lagu magacaabo Axmed Xaaji Barkhad, kaas oo ah wakiilka Tvga qaranka ee Wadanka Holland. Qalabkaas waxa ku baxday lacag dhan $10, 000 (Toban kun oo dollar) taas oo laga bixiyey miisaaniyada Tvga, lana kala bixiyey laba jeer. Markii hore waxaa la bixiyey lacag dhan $4,900 oo horumarin ahaan loogu diray Axmed Barkhad, markii labaad ee qalabkaasi soo gaadhayna waxaa la bixiyey lacag $4,000 oo dollar ah.

Waxqabadkii Boobe waxa kale oo ku jirtey in dhagax yar yar oo ahaa jajabkii  dhagaxa qoran ee lagu sameeyey deyrka wajahada ah la dhigay 2 mitir oo ka mid ah dhulka u dhexeeya wadada laamiga ah ee Wasaaradda hor marta iyo gidaarka Wasaaradda. Waxaase wax lagu qoslo ah in uu Boobe meeshaas yar ee labada mitir ah ku sheegay dhul toban mitir ah oo uu dhagax qoran dhigay. Waxaan filayaa odaygu marka uu tobanka mitir meeshaas yar ku sheegayey waxuu ilowsanaa in ay ku taalo meel shaaric ah. Qofkasta oo dadweynaha ka mid ahina uu indhihiisa ku soo arki karo. Haatana waxaan jeclaan lahaa in  aad soo aragtaan meeshaas yar ee aanu labadayaduba idiin sheegnay cabirkeeda. Hadii aan idiin tilmaamo waxay ku taalaa albaabka weyn ee ay baabuurtu ka gasho Wasaaradda Warfaafinta, labada albaab ee Wasaaraddu leedahayna waa ka dhinaca galbeed xiga ee  xaga waqooyi kaga soo jeeda kaalinta Guul Allah.  Albaabkaas marka aad taagantahay waxaad eegtaa cagahaaga oo sidaas dhanaca galbeedka isha ula raac.

waxaad arki doontaa meel yar oo inta dhagxaan yar yar oo jajab ah la dhigay sibidhna dusha laga mar mariyey.Meeshu waa hartaas ee adiguba fuudhi inta Mitir ee ay tahay. Si aad u ogaato labadayada midka runta sheegaya.

Yaan ka tegine waxa kale oo jirey siminaar sadex cisho ahaa oo uu Huteelka Maansoor ugu qabtay 20 ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda. Inkasta oo aan halkii laga soo qaadin, laguna camal falin waxyaabihii ka soo baxay siminaarkaas.

 Waxqabka  Boobena  haddii uu badnaa iyo haddii uu yaraaba horta intaas aan idiin sheegay ayuu ahaa. Waxaanan si cad u sheegayaa in aanu Boobe waxba ka qaban, waxna ka ogayn waxyaabaha tirada badan ee uu qoraalkiisa ku sheegay in uu qabtay.

 

La soco???????????????????

Maxamed Cismaan Mirre (Sayid)

E-mail: dawanchairman@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.