Hargeysa(HWN):-Murrashaxa jagada Madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen ayaa ka digay khatar dhalan karta doorashada Golayaasha Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 28 November 2012 oo lagu galayo bilaa diwaangelin la?aan, isaga oo tilmaamay inay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka gaabsatey doorashadan soo socota.
auto; mso-margin-bottom-alt: auto" class=MsoNormal>Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay, kadib Salaadii Ciidal-Adxada oo uu Saxaafadda kula hadlay garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa
 |
| Murrashaxa jagada Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen |
Murrashaxa Jagada Madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi "Waddankan Somaliland halgankii uu soo galay, doorashooyinkii la soo maray wax baddan baynu soo qabanay dadkani wax baddan ayuu u soo dhibaatooday, maanta waxa la taagan yahay meel xasaasiya oo doorasho ayaa innagu soo socota , doorashadaas inagu soo socotaana mid lagu gelayo bilaa diwaangelin , runtii yay u noqonay, marka la eego doorashadii ka horeysay ee Madaxweynaha oo lagu gelayay kaadhadh ama diwaangelin , xukuumadda hadda jirtaana yay yihiin kuwii aad u riixayay in diwaangelin lagu galo si aan loogaga shuban iyaga ,laakiin waxa moodaa doorashada kale (Golaha deegaanka) inay aad uga gaabsadeen oo ay sameeyeen oo yidhaahdeen bilaa diwaangelin ayaa lagu gelayaa".
Md. Jamaal Cali mar uu la hadlayey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kula taliyey inaanay doorashada deegaanku khalkhalgelin nabada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi"Waxaan kula talinayaa xukuumadda maanta jirta meel fog-baa laga yimid dhiig,dad iyo duunyo waan u soo luminay Somaliland halka ay marayso,doorashadani (Deegaanka) inay nabadeeni khal-khalgeliso oo la isku laayo mid shacabka Somaliland u wanaagsan maaha mid xukuumaddan u wanaagsan maaha".
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Waxa uu ka hadlayaa warar sheegayay dhawaan in qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddu ay ololaha Xisbiga Kulmiye u isticmaaleen gaadiidka dawlada iyo hantida ummadda.Hab-dhaqanka la isticmaalayo ee hantida umadda ee lagu isticmaalayo doorashooyinka qaarkood si cadaalada ah waa in loo eego,way og-yihiin in guddida doorashooyinku yidhaahdeen yaan la isticmaalin gaadiidka iyo hantida dawlada, laakiin ayaa xoojinaya Boolisku wa?ayo?"
"Waxa aan rejaynayaa in marka Wasiiradu tagi doonaan ololaha gawaadhida ay raacayaan in ay noqdaan gawaadhi yay iyagu khaas u leeyihiin".Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com