Gabiley(HWN)-Munaasibadii Saalaada Ciidal-Carafa ee Magaalada Gabiley
oo lagu tukadey Garoonka Kubada Cagta ayaa, waxa saaka subaxdii hore
kasoo qeyb galey kumanaan qof oo kamid ah Dadweyanaha Reer Gabiley
Maamulka Gobolka Gabiley iyo ka Degmada oo Si Qurux badan ugu soo
labistey Dharkooda ugu Quruxda badan iyo kuwa cusub oo ay ugu
talagleen Munaasibadan ciida .
Culimada Waaweyn ee Magaalada Gabiley ayaa, ka jeediyay ka hor iyo
kadib Salaadii Ciida-Carafa khudbado diini ah oo ku sahabsan ajriga
Maalinta Carafa iyo Gudashada Waajibaadka Xajka Barakeysan ee Bishan
lagu soo guto dhulka barakeysan ee Islaamka gaar ahaan Xaramka oo
taqwo iyo dambi dhaaf illaahey ay ku baryaan sanad kasta Umada
Muslimiinta Aduunku, waxaana khudabadihii Salaada Ciida ka jeediyay
halkaasi Sheekh Xasan Jaamac, iyo Sheekh Maxamed