Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.
Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Ah ee Hadhwanaagnews.com
Ururka Waddani waa geed balaadhan oo ay hadhsanyaan bulshoweynta Somaliland gobal kaste iyo degmo kaste , waana taageerada balaadhan u leeyahay Ururka Waddani,waxa ku bahoobay aqoonyahano Waddaniyiin ah, waxuuna isu keenaa da´yar iyo da´weyn, wiil iyo waalid, hablo iyo haween
,taageero noc walba leh,waana aayahay shacabweynha .
Ururka Waddani waxa qorshehiisu tahay in oo dhiso maamul dawladeed balaadhan oo adag, maamul fikir ku socda ,fulinaya baahida ardayda, iyo misaanad horumariisa waxbarashada sii gobol kaste iyo degmo kaste waxbarashadu u kacdo, iyo fikirka barnaamiijka horumarka caafimadka oo ay bulshadu danayso.
Barnaamajka Ururka Waddani wuxu ku guulaystay inuu shacabka u soo bandhigo barnaamaj buuxa oo taabta meel walba oo dalku u baahan yahay, sida Waxbarashada, Caafimaadka ,Difaaca, Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Deegaanka, Saxaafada, Caadaaladda ,waana Urur u raba bulshada horumar iyo dimuquraadiyad.
Ururka Waddani wuxu aaminsan yahay in maamulka wanaagsan waxaa saldhig u ah wada shaqayn buuxda oo ka dhaxaysa golayaasha nidaamka siyaasadeed sida , garsoorka, gurtida ,baarlamanka iyo shacabweynaha ay matelanayaan, sidi lo horumar galiyo xeerarka dastuurka iyo barnaamijka siyaasaddeed ee dowladda Somaliland.
Waddani wuxu dhiiri galinayaa horumarka haweenka Somaliland si ay awood buuxda uga helaan inay kor u soo qaadaan maciishadooda noolaleed,waana ogsoon nahay dowrka weyn ee muhiimka ah ka qaataan horumarka mujtamaceena , mar walbana Waddani waxay gacmahiisa u furan yehiin wadaniyiinta ah ee mujinyaa horumarka Somaliland.
By Mukhtar Cilmi
khadar2244@hotmail.com