Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Amray Dilka Wasiir La Qabtay Isaga Oo Khamri Cabaya Markii Lagu Jiray Baroor Diiqdii Aabihii
(Hadhwanaagnews) Saturday, October 27, 2012
Pyongyang, (HWN/Agencies):- Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong In ayaa amar ku bixiyay in la del delo, masuul sare oo ka tirsan xukuumada
Pyongyang, (HWN/Agencies):- Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong In ayaa amar ku bixiyay in la del delo, masuul sare oo ka tirsan xukuumada waqooyiga Kuuriya kaas oo u hogaansami waayay baroor diiqdii loo samaynayay hogaamiyihii geeriyooday ee dalkaas Kim Son Il, oo ahaa hogaamiyaha imika aabihii.
Warkan oo maanta khamiistii lagu daabacay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka ay deriska yihiin ee Kuuriyada Koonfureed, waxaanu wargeysku sheegay in uu soo xaqiijiyay dilka wasiiru dawlihii gaashaandhiga ee waqooyiga Kuuriya oo uu dilkiisa amray
hogaamiyaha da?da yar ee dalkaas xukuma kaas oo si deg deg ah loo fuliyay isla markiiba.
Jariiradan oo lagu magacaabo, ( Chosun Ilbo) waxa ay ku warantay in [Kim Chol], oo ahaa wasiiru dawlaha difaaca ee waqooyiga Kuuriya loo deldelay ama loo toogtay in aanu u hogaansamin baroor diiqdii loo dhigayay hogaamiyihii hore ee wiilka imika maamula dalkaasi ka dhaxlay talada oo aabihii ahaa, jariiradu waxa ay intaa ku dartay in ninkaas iyada oo aan maxkamad la gayn si deg deg ah dilkiisa loo fuliyay ka dib markii uu hogaamiyaha dalka Kuuriyada waqooyi ka cadhooday in uu faakihaysanayay iyadoo lagu jiro baroor diiqda geeridii aabihii.
Jariirada ayaa sidoo kale ka warantay taariikhdii uu [Kim Chol Ho] wasiirkan uu dilay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku lahaa ciidamada iyo xisbiga Shuuciga ah ee u taliya, waxaanay tibaaxday in uu ka mid ahaa afar iyo tobanka qof ee ugu awooda badan dalkaas, laakiin ay galaafatay seefta kala shaandhaynta madaxda sar sare ee dalkaas oo hogaamiyahan yari qaaday si uu awoodiisa u xajisto.
Hogaamiyihii dhalay wiilka imika xukuma Kuuriyada waqooyi ee lagu magacaabi jiray Kim Song Il waxa uu dalkaas ka talinayay muddo toba iyo toban sanadood ah, ka hor intaanu geeriyoon bishii December ee kal hore, sida la sheegayna waxa uu dalkaas ku xukumayay nidaamka Stalinist-ga ah ee laga dhaxlay midowgii soofiyeeti.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland