Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco: Hay´adda Waddaniga ah ee EWADA oo maalintii labaad qaybinaysa Xoolo Udxiyo ah.


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 27, 2012
Deeqdani xoolaha ayaa daba socota deeq xoolo udxiyo ah oo maalinti shalay ay magaalooyin badan ka bilowday hay?addani.

Burco: Hay´adda Waddaniga ah ee EWADA oo maalintii labaad qaybinaysa Xoolo Udxiyo ah.
 
Hay?adda wadaniga ah ee EWADA  ayaa maalintii 2aad qaybinaysa Xoolihii ay ugu talo gashay Udxiyada ee sannadkan, waxaana ay saaka aroortii hore u qaybisay Xarunta Agoomaha hablaha iyo Xarunta Agoomaha  Wiilasha iyo weliba Qoysaska Barakacayaasha ah ee Gobolka Togdheer.
 

Deeqdani xoolaha ayaa daba socota deeq xoolo udxiyo ah oo maalinti shalay ay magaalooyin badan ka bilowday hay?addani.

Masuliyiinta Hay?adda waddaniga ah ee EWADA ayaa Bulshada muslimiinta ee addukuna ku filiqsan ugu baaqday inay iyagun wixii taakulo ama gargaar ah ee ay soo

gaadhsiin karaan ubadka agoomaha ah ay ugu soo hagaajiyaan hay?addani, waxay sidoo kale xuseen in dadweynahaasi ka eegi karaan waxqabadka hay?adda website kooda                
http://www.ewada.org.uk/

Waxay sidoo kale ciddii taakuleynaysa agoomahani masuliyiinta Hay?adda EWADA kala soo xidhiidhi karaan Telephonadooda INGRIISKA iyo Burco oo kala ah 00447956812788 ama 4477475

Ama Emadadil ka : Adanewada@hotmail.co.uk

iyadoo ciddii Zaad ugu soo diri kartaa ay ku soo diri karaan ZAAD NO: 406262

Hay?adda waddaniga ah ayaa sheegtay in mashruucan qaybinta xoolaha udxiyada ahi soconayo illaa maalinta berri ah, iyadoo hay?addu gacanta ku haysa Xarumo wax lagu baro agoonta iyo dadka itaalka daran ama barakacayaasha ah.

 

 

 

 

 

 

 

Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.