Sababtu, wax kale ma ahayn ee waxa uu dadku xog-ogaal dhaw u ahaa laba arimood oo aad iskugu baahnaa, isna la´aa intii ay jirtay Somaliland oo u muuqday aakhirataankii, inay isku yimaadeen oo ay is-heleen! Lbadaasi arimood oo kala ahaa;
1; Wasaarada warfaafinta, oo baahi daran u qabtay cid labadeeda lugood ee dhiiqada/dhiidhida galay ee ay ka nuuxsan wayday u miciina oo aayar, kolba mid u saari kara oo tabteeda iyo
tayodeedaba leh!
2; Iyo xirfada, dal-jacaylka, daacadnimada, hawl-karnimada, aqoonta iyo waayo aragnimada karkaarada iyo gabiyadaba jabsatay ee uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale soo kasbaday intii uu dul-joogay ifkan.
Sidaas darteed, waxa maskaxda qof kasta ku sawirantay wasaaradii war-faafinta ee ay dhinaceeda dhaxantu inaga haysay MUDODA DHEER inay haatan heshay ninkii hayaanka raacin lahaa! Nasiib daro, yuhuuntaasi iyo rajadaasi midho dhal may noqon, oo intaanay wasiir Boobe iyo wasaarada warfaafintu isba-qaabilin ayaa calaf-ku kala geeyay! Oo waliba, si wanaagsanna uma ay kala noqon ee si aan qurux badnayn oo naxli badani ku jiro ayaa ay ku kala tageen. Waa Cawo daro inteeda le´eg.
Run marka laga hadlo hadaba, eryistii degdega badan iyo faciiltanka fudaydku weheliyo xambaarsanayd ee wasiir Boobe Yuusuf Ducaale lagu rukhseeyay dadka waxa ay ku noqotay, filan-waa iyo niyad jab quus u eeg. Yaabka yaabkiise Laba is-qaban la´ waxa ah, hankii loo qabay xukuumada madaxwayne Siilaanyo iyo midh-siibka ay ku hayso wasiirada tayada leh ee ay hal hal u fadhiisinayso!
Haatan iyo dan, waxba hadal badani qaban maayo-e, bulshadu waxa ay aad ugu diirsatay oo dado-tir iyo shashafoba uga noqday dhaawacii xukuumada dhinaceeda ka soo gaadhay ee dhacdadan ku saabsanaa, qoraalka taxanaha ah ee muj, Wasiir Boobe uu u hurayo inuu dadkiisa inta hufan la wadaago, waxana aan uga fadhinaa muj, Boobe ku sii negaanshaha maalin-qorkiisa anaga oo danaynayna in aanu ilaa dabayaaqada sheekada u joogno oo laasano!
Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto!
Cali Cumar Xasan
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga