Madaxda UCID oo Hadley ciida ayaa walaac iyo werwer muujiyay iyagoo mar walba DAgaal iyo balaayo saadinaya iyadoo ururadii kale ay aamusan yahiin tolow maxaa u gawaamaya. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe khudbadihii uu ujeediyey qurbo-joogga socdaalkiisii ugu dambeeyey haddii qiimayn lagu sameeyo, waxa ay daaha ka faydayaan rajo xumo uu ka qabo natiijada doorashooyinka soo socda iyo isaga oo aan qarsaneyn cayda shacabka uu codka ka doonayo.
Erayadii uu ka jeediyey socdaalkiisa waxa ka mid
ahaa, musharixiinta xisbigayaga u tartameysa annagu maanu soo xulan ee madax dhaqameedka ayaa nagu khasbay iyo qaar kale oo yaxyax ku abuuray dadkii dhageysanayey, haddaba isweydiintu waxay tahay bulshadu Faysal cod ma ku siin doontaa Caydooda iyo hadaladiisa iska hor imanaya.
Si aad u qiimeyso qayb ka mid ah khudbadihiisaa, nala daawada filimkan hoose:
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=6q5SBq-cdzo#!
Cali xaamud
saayiqle@hotmail.co.uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga