maqaalka booba u wiigan aha ki ugu hadal haynta badna, ugana xiisaha badan.dad badane waxa ay ku matelen maqalka boobe in u yahay mid lo xararado o sida balwadaha jaadka iyo sigaarka iyo kaafiga u qabanayo.maqaalka boobe wa cashar siyasdeed oo aynay hore u arag madaxtooyada.warba miyay ka hayaan inta aamusan.wa cashar inan yar oo aan siyaasad iyo hab maamul waxba ka aqoon oo adeerki wasiirnimo u u magacaabay. Miyaanu ogayn awooda iyo raganimada u ku faanayo in tahay hadhka adeerki ee aanay ahayn mid u raganimadiisa kula so baxay. Qalinka boobe waxa umada somaliland u xaaqijiyay shaki iyo tuhun badan o ku xeerna madaxtooyada. Waxa boobi umada somaliland u cadeeyay in maamulka jira u milgihi dawladnimo boodhka lagu qariyay.
Dhamaan wax garadka somaliland waxa hore ay isla qireen in maamulka maanta jira u si qaldan wax u wado.Ila bilowgi kulmiye waxgaradku waxay dhalilayeen hab maamulka madaxweynaha siiranyo. Waxa aynu i isla wada ognahay galdalolada ka jira sida hayada sirdoonka,xaaladaha xisbiyada,xaaladaha qabilka.xaaladaha maamuska mawadininta meel loga dhaacaya.xaaladaha coladeed ee bariga,xaaladaha colaaded ee galbeedka,xil saarida iyo xil ka xayuusbista madaxda,musumaasaq wasarad walba dul hoganaya,ilahadhaqaale ee qabyalada lagu bixinaayo,is dhaxyaaca wasiirada.golwadanimada,kala garanlaaanta dimiqraadiyada iyo sosailsnimad,.
Waxa mudan in u boobe qalinka u qaatay in umada u uso halgamay meel fog wax ka tuso ha yeeshe wax suaal mudan umada reer somalilnd wax ma ku qaadan karan? Jawaabteeda aadan ku daaye se aniga rayigayga wa maya-. WA UMAD SAX IYO QALAD KALA SAARI LA ,WA UMAD QALADKA KA SHEEKEYSA ON WAX KA QABAN.WA UMAD AAN GARANAYN AWOODA MADAXTINIMO.WA UMAD AAN OGAYN WAXAY XAQ UGU LEEYIHIN DAWLADA,WA UMADA ODAYASHOODI ADUUN EEGANAYAN.WA UMAD SIYAASIGOODI HUNGURI DOORBIDAY..WA UMAD WACIYIGGODA SIYASDEED U AAD UHOOSEEYO.
MAQALKA BOOBE wa sun culus o dilaysa cayayaanka ku dhashay madaxtooyada.wa sun loo baahna waqtigan xaadirka ee doorsashada horteed.wana shimbir umada loo so diray,si ay ay uga fiirsadaan codkooda ay bixinayaan.jibada iyo cadifadana ka fiirsadaan,waxaynu odhan kara maqalka boobe waxa u dhabar jab weyn ku yahay xisbiga talada haya ee kulmiye iyado ay jirtay cabashooyin badan o xaga xisbiga ah iyo xaga xukumada.Maqaalka boobe wa waran ,warankaaso ku shiishay xisbil xaakunka adhaxdana u ku kala jebiyay
Waxa aduunka jira mar walba 2 hirdin, kuwaso kala ah ka saxa ah iyo ka qaldan.ka xaqa ah iyo ka dulmiga ah ,ka wanagsan iyo ka xun,ka dhabta ah iyo khayaliga ah.ka akhlaaqda ah iyo ka ciyaalsuqnimada.Mar kasta o ad waxaragtid amaba maqashidba caqliga saliimka ahi ee saxane waxa u xaglinaya xaga saxa ah, marka se caqligagu ku xidhan yahay dano gaar ah sida hunguri,ama dano kale wuxu janjeedhsanaya xaga negative.maqaalka boobe waxa diidane wa kuwan.
1.Inta qabiilka jecel ee qaranimada aqoon.
2.Inta danaha gaarka leh.
3.Inta gafanaha ah ee dhiiga umada ka so goay,
Waxan maqalkaygan ku so xidhiy wa in dib loogu noqda hagaajinta iyo xeerarka dustoorka ee awooda madaxweynimo.madaxtooyada wa inaynan ku xadgubi n wasaradaha iyo xilalka waaweyn e qaranka.madaxtooyadu wa in ay ku dabranaata shurucada dalka u yaal.
Wa bilaahi tawfiiq
Ahmed Cabdi
OSLO
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga