Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hirsi Gate iyo Ahmed Gudi Gudi Ma U Saari Se Dadka Maxaa Ku Waajib Ah


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 27, 2012
Labadan isbuuc ee ina soo dhaafay waxaan dad badan oo dalka iyo guud ahaan qurbe joogba aan ka mid ahaa inaan wax badan ka nasanay

Labadan isbuuc  ee ina soo dhaafay  waxaan dad badan oo dalka iyo guud ahaan qurbe joogba aan  ka mid ahaa inaan  wax badan ka nasanay isxagashadii iyo yawyawtankii  asxaabta iyo siyaasintiita u hiloon in dib loo doorto inta looga fasaxayo dibad baxyadii iyo waxa loogu yeedho afka qalaad political campaining.

 Wallow

style="mso-spacerun: yes">  hadana  la odhan karo in ?Boobe?ina dhex muquurshay  bad  ah tiiba mid ka daran oo ah in aan wax badan ka ogaanay tuhuno badan oo dibada aynu ku haynay ama si cad iyo  dadbanba uga xog bixiyeen  dad hore xilal wasir iyo wax la mid ah ka soo qabtay soona arkay  xaqiiqada dhabta ee Hogaanka Siilanyo iyo sida loo odhan karo inaan taladii dalku gacan fayoow oo lagu aamini karo ku jirin.

Iyada oo ragaa hore ahaayeen  uun digayaal islaa wax ku toosiya xilkiina

Markan se waxaa la odhan karaa tani waxay kaga duwanayd kuwii hore waa mid lagu tilmaami karo saxafad ahaan ama afqalaad ahaan (hard hitting) taarikhsan kana soo ifbaxaysa mid ka lagu kalsoon yahay oo ah dhidib taarikh yahan dalkan leeyahay , Saxafi iyo qoraa astaan iyo namuudej ku lahaa halgankii  , mufakir waxiisu qodabaysan yihiin kaalina kulahaa kobicntii ururada bulashada iyo saxafada dalka , loogu yeedhayna bal saxafi ahaan iyo wasir ahaan inuu Siilanyo u noqdo hadii uu wax uun ka cilmiyayn karo wax afka qalaad loogu yeedho ?spin doctoring? . Cilaaqadna dib ula sameeya saxafadii abaalka  ku lahayd.

Facaa ilka noocan ah iyo in qof xil haya   la dhagaysto ma  cod laga duubo si loogu maamusho sida looga dan leeyahay ama loogu fadeexeeyo  ma aha wax dunida ku cusub ,waana mid soo martay  dunida casriga ah ee bari iyo galbeedba.  Se uun waxay ku kala duwanaayen sifooyinka ay u kala wajaheen dadyowga ay sida kala gaar ka ah ugu kala lug lahayd ,

 Waa ta hore in Dawlad ahaan ay iska baraxeen in hawlgal ahaan falkan yahay mid la joogteeyay oo lagu kala sarayo kuwa dhiigodu sifaysan yahay iyo kuwa kale ee u baahan in lagu shubo dhiig ay  hanaanka iyo ashqaas cayiman daacad jabran ugu noqonayaan si  adeegyo hoose  loogu  fushado  iyo in la ogaado kaalinta uu gaadhisan tahay hawl galaan ahaan iyo ilaa inta uu taxan tahay si loo gaadho xaqiiqada dhabta ah iyada oo marnba aan meesha laga saarayn in tani la mid tahay kuwii hore ee dunida uga  dhacay ee sababay in dawlado iyo madax xilkooda ku wayaan iyada oo abaalna u tahay in aysoo farageshaan haydaha ay khusayso ee dambi baadhis hadii ay si uun u madax baanaan yihiin. .

Shacab  ahaana waxaa  mudan iyana siday uga direen  cod dheer iyo rayibana ku cabireen in ay doonaan in la helo xaqiiqada dhabta iyada oo dalku gelayo doorsho xasasi ah, tanina tahay mid cawaaqib xumo iyo caadaysi ku reebi kara habdhaqanka siyaasi ee dalka .

 Waxaa ugu mudan ee ay kaga hortegi karaan inaan falkani ku xididaysana waa in 28 November ay soo saaran axsaab ah mucaarad dhab iyada oo taasi astaan muujis ah u tahay fal diidmeed ay kaga hortagayaan musuqa iyo falalka noocan ah.

Boobe isagu waxa uu la mid yahay uun rag badan oo hore tani u soo martay  dunidana looga baxshay ?Whistleblowers? waa uun  in uu marka kale ugu dhaarto  dadwaynahii uu ka yimi inuu  soo arkay dhabta  xaqiiqadii agtaalay   Siilanyo taas oo ah in aan hogaan iyo talo Ahmed gudi  gacan ugu jirin

Waxa uun u  raacaa waa inaan ku soo dhawayno isna doorka siyaasada  uu ku leeyahay taas oo ah mid ku su suntayo inuu kaalin ku lahaado soo saarista muraacarad dhab ah 28 November

 

Farax Colow Maxamed

Academia, Geo Poltical

Norway Oslo

abosheekh@yahoo.com

 

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.