Hargeysa(HWN)-Guddida kor-joogtada anshaxa ololaha doorashada Golaha Deegaanka Somaliland,ayaa maanta uga digay badhasaabadda iyo Maayarradda dalka inaanay ku milmin siyaasadda.
Guddoomiyaha guddida kor-joogtada anshaxa ololaha doorashada Deegaanka Somaliland Axmed Maxamed Cadaad waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa?id oo uu maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu uga digay Badhasaabadda iyo Maayarradda dalka inaanay ku milmin siyaasadda,waxaanu sheegay in qaar ka mid ah Badhasaabadu ay
u olaleeyeen xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi "Talaabooyinka ka reeban xukuumadda,Xisbul-xaakimka maxaa ka reeban? waxa ka reeban inay xukuumaddu u adeegsato xoogaga nabad-gelyadda sida ciidamada kala duwan ee dalka in lagu cabudhiyo ururadda iyo Musharixiinta iyo taageerayaashooda-ba, waxa kale oo xukuumadda ka reeban qof-na lama xidhi karo iyadda oo aan la wada Waaranka qabashadda marka laga yimaado iyo xaaladdaha gaarka ah iyo ciddii fal-dambiyeed faraha kula jirta, la yeeli-maayo in dad ololaynaya ama dad mudaharaadaya in si fudud loo xidho taas sharcigaa diidaya,xukuumaddu uma isticmaali karto ciddna xoog iyo xadhig, ciidamada amaanku waa inay ka fogaadaan in aanay ku dhex milmin arrimaha siyaasadda, isla-markaana waa inay ahaadaan dhex-dhexaad Shaqadooda oo kaliyana ay ku eekaadaan".
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Hantida qaranka loo siman-yahay, isla-markaana ay Badhasaabada iyo Maayaradda Dalku ay ku milmeen ololaha Doorashadda, waxaanu yidhi "Dhex-dhexaadnimada Hantida qaranka iyo adeegyada qaranka, hantida qaranka waa loo siman-yahay ama xisbul xaakim ha ahaado,Urur gaar ah ama xisbi gaar ah looma adeegsan karo Hantida Qaranka. Guddoomiyeyaasha Gobolada, Guddoomiyayaasha Degmooyinka (Maayaradda), Maayar ku xigeenada waxa ka reeban, waana Xaaraan inay u ololeeyaan Urur gaar ah, shaqaalaha dawladdu wey ka xag-jiraan uma ololayn karaan si toos ah iyo si dadban-ba midna-ba Urur gaar ah iyo xisbi gaar ah Xeer-baana ka yaala, Qofkii ku dhaqma ee si toos ah ama si dad-ban loogu helo Ciqaab-baa la marinayaa. xalayto wey cadayd,wey muuqatay Badhasaabada Goboladdu wey ku milmeen, wey ka hadleen, xisbul xaakimkay u ololeeyeen waa xaaraan magdac lama ogola haddii aad ka tanaasuli-weydaan waa Gobolada nimanka Badhasaabada ka ah iyo Maayaraddu haddii ay ka tanaasuli-waayaan arrimaha noocaas oo kale ah Xeer Ciqaabaad-baa lagu soo saarayaa"
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com