Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ciidamada Ammaanka Tuuniisiya Oo Ku Talaabsaday Mudaharaadyo Cabasho Ah


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Tunis, (HWN/AFP):- Ciidamada ammaanka dalka Tuunisiya ayaa khamiistii maanta sameeyay dibad baxyo cabasho ah, oo la xidhiidha

Tunis, (HWN/AFP):- Ciidamada ammaanka dalka Tuunisiya ayaa khamiistii maanta sameeyay dibad baxyo cabasho ah, oo la xidhiidha hawlahooda shaqo, mudaharaadyada rabshadaha wata ee lagu hayo iyo awood la?aan soo food saartay oo aanay hawlahooda shaqo ka gudan karin sida ay ku doodayaan.

Qaybaha kala duwan ee difaaca madaniga ah ee dalka Tuunis, gaar ahaan Booliska, ciidamada gurmadka deg deg ah, ilaalada qaranka iyo nabad sugida dalkaas ayaa muddo saacad ah dibad bax cabasho ah ka hor sameeyay xarunta wasaarada arrimaha gudaha ee dalkaas, halkaas oo ay isugu soo

baxeen fagaare ku hor yaala boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaas.

Taliye Saami Qanaawi oo ka tirsan saraakiisa ciidamada ilaalada ammaanka qaranka ee dalka Tuunisiya oo banaan baxaa ka dib la hadlay wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), ayaa yidhi, [Waxaanu diidanahay oo aanu ka cabanaynaa, dibad baxyada rabshadaha wata ee aan kala go?a lahayn ee maalin kasta na haysta, dagaalada iyo hanjabadaha lagu hayo hawl wadeenadayada iyo ka garaabid la?aanta xukuumada ee culayska nagu haya, markaa waxaan ugu baaqayaa xukuumadu inay ka hawl gasho badbaadinta xubnahayaga iyo kor u qaadida hawlahooda shaqo.] Ayuu yidhi masuulkaas la hadlay warbaahintu.

Ciidamada ammaanka ayaa banaan baxoodan ku dalbanaya in deg deg loogu sameeyo qalabayn iyo tayayn aqooneed oo ay kaga hor tagi karaan, rabshadaha iyo dhibaatooyin kasta oo soo waajaha, waxaanay si adag carabka ugu adkaynayeen inay baahi wayn u qabaan qalab iyo tababaro la siiyo xubnahooda oo ay kaga gaashaaman karaan ama kula tacaali karaan wixii rabshado iyo dagaal gacan ka hadal ah ee soo waajaha.

Xubnaha ciidamada ammaanka ee dibad baxyada maanta ka soo qayb galay ayaa ku cabanaya in hawsha qaran ee ay hayaan, aanay shacbigu u ogayn oo aanay jirin cid garowsan oo ka garaabaysa culayska iyo dhibaatada haysata ee maalin kasta ay xaliyaan, sidoo kale waxa ay carabka ku dhufteen sida aqlabiyada reer Tuunis ilaa wali u xasuusan yihiin, hawl galadii gacanta birta ah ahaa ee boolisku ku kaceen wakhtii xukumadii Sayn Caabidiin Bin Cali.

Masuuliyiin kale oo iyaguna ka tirsan ciidamada ammaanka Tuunis ayaa ku doodaya in ixtiraamkii iyo sumcadii loo hayay dhimatay, oo aanay wax haybad ah wakhtigan ku lahayn shacbiga dhexdiisa taas oo u horseeday in halis kasta naftoodu gali karto sida ay ku doodayaan, hoosna u dhigtay maqaamkii ay umada kaga jireen.

Ciidamada kala duwan ee ammaanka dalka Tuunis ayay ku socdeen weeraro iyo dhibaatooyin aan kala go? lahayn kuwaas oo la daris ahaa tan iyo intii ka danbaysay markii xukunka laga tuuray, madaxweynihii hore ee dalka Tuunisiya Bin Cali, waxa kale oo boolisku ku dhex haftay amarada daaha dabadiisa ay ka soo siinayaan, masuuliyiinta  dawlada iyo canbaaraynta ay ku hayaan kooxaha xuquuqda aadamaha u dooda.

Dhinaca kale waxa bilihii u danbeeyay xarumo badan oo booliska dalka Tuunis leeyihiin lagu qaaday weeraro, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay ciidamada ammaanka, sida la tuhunsan yahayna weerarada intooda badan waxa fuliya kooxaha xag jirka ah ee Islaamiyiinta oo iyagu ah kuwa ugu neceb booliska dalkaas.

 

 

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland

faysal@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.