Daawo Video: Wacdarihii Urursiyaasadeedka RAYS ee Magaalada Burco iyo Taagerayaal Baaxad leh oo Qarqiyey Fagaaraha Khayriyadda Burco.
Urursiyasadadeedka Rays ayaa maanta magalada burco kusoo bandhigay cududii taageero ee ugu xooganayd, tagerayashaururka rays ayaa waxa saaka subaxii horeba ay isugu soo baxeen fagaaraha khayriyada ee magalada burco, iyadoo xalay illa
saakana ay magaalada gaaf wareegayeen baabuur ay saaran yihiin sameecado ay ka baxayaan heesaha gaarka ah ee ururka iyo heeso waddani ahi.
Ugu horeynba waxa halkaasi taagerayaasha ururka RAYS kala hadlay Guddoomiyaha ururka rays ee Gobolka Togdheer C/kariin muraad, waxaanu taageryasha u soo jeediyey inay nabadgelyada ilaaliyaan sidaana ay maalin walba cududooda Taageero u muujiyaan.
Waxa iyaguna fagaaraha kala Hadlay taageerayaashooda illa Toban Murashax oo kaTirsanMusharixinta u Taagan Dorashada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco , iyagoo halkaas kusoo bandhigay waxyabaha ay qaban-donaan hadii ay kugulaystaan doorashada golaha deeganka ee dhowaan kadhici doonta degmooyin kadalka, murashaxiintani waxay dhammaantood u hambalyaynayeen taageerayaashoda, kuna bogaadiyeen sida xoogan ee ay saaka cududooda u muujiyeen, waxay kaloo xuseen inay yihiin murashixiin u taagan inay degmadaburco ka sameeyaan is bedelrasmiya oo dhinacwalba leh, waxaana murashaxiintan ka mid ahaa, MurashaxSiciidAxmedMaxmed-Raage, MurashaxJaamacIbrahinXirsi (Jamacjee) Murashax C/fataxsiciidjaamac (Shalumaray) Murashax C/risaqJibriilAdan (Cagayar) Murashax Maxmed Muraad Murashax Maxamed tuurtuur cali, Murashax KhadarNuux x.Siciid , Murashax Siciid Cali Xariir, Murashax c/laahi axmed Dhuxul (Abgaal), Murashax BIIXI
Waxa iyaguna Halkaas kahadlay Cuqaal, salaadiin iyo madaxdhaqameed kale oo tirobadan, kuwaasoo sheegay inay taageerayaan dadkana ku boorinayaan taageerada urursiyaasadeedka RAYS haddii laga helayo oo ay fulinayan bay yidhaahdeen ballanqaadayada ay dadka u qaadayaan.
GebogabadiiWaxaFagaarahakhudbadiixidhitaankakajeediyeyXoghayaha Maaliyadda ee urur siyaasadeedka RAYS Maxed Cise Jama iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee urursiyasadedka RAYS Khaliif Maxmed Warsame KhaliifXiinwaal, waxay masuliyiintani taageerayaashooda u soojeediyeen in urursiyaasadedka RAYS u taaganyahay la dagaalanka, faqriga, jahliga iyo Shaqola?anta, waxayna ka codsadeen taageerayaashooda in sidaa ay saaka cududooda u muujiyeen ay maalinta doorashada na codkoda ku bixiyaan.
Gebogabadii waxay Taageerayaasha urursiyaasadeedka RAYS oo ahaa kuwii ugu saxmadda dabadnaa ay siballaadhan lug iyo gaadiidba ku gaaf wareegayeen jidadka waaweyn ee magaaladaBurco,iyagoo sita calamada ururka RAYS iyo sawiradaMurashaxiintooda , iyagoo ku dhawaaqayey ereyo uu mid walba ku taageerayey murashaxiisa, waxaana murashaxiinta urursiyaasadeedka RAYS ee manta taageerayaashoodu ahaayeen kuwo aan kala dhicin marka la eego saxmadda, iyo kooxa ha astaaamaha murashax kasta sita oo isku dhowaa ama is leekaa.
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com