class=MsoNormal>Ugu horeyn hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeediyeen xubno ka mid ah murashaxiinta urur siyaasadeedka Rays Ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay si qoto dheer uga hadleen sida ay ugu hawl geli doonaan caasimadda hadii ay ku guulaystaan doorashooyinka golaha deegaanka.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Rays Aadan Axmed Cilmi Dhoola yare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in murashaxiinta golaha deegaanka ee urur siyaasadeedka Rays ay yihiin kuwo xul ah isla markaana loo eegay tayadooda.
?Urur Siyaasadeedka Rays waxa uu u taagan yahay taageeradda dan yarta, ilaahay waxa aan ka baryayaa in uu urur siyaasadeedka Rays uu noqdo ka ku soo baxa doorashooyinka golaha deegaanka ee hadda la isu diyaarinayo, hadii alle idmona wuu ku soo bixi doonaa doorashadaasi? ayuu yidhi.
Geesta Kale Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Gaafaadhi oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka halkaasi kala hadashay taageerayaashooda ayaa yidhi ?Waxa aan aad ugu faraxsanahay isu soo baxan ay cududdooda ku muujiyeen Taageerayaasha urur siyaasadeedka Rays ee Magaaladda Hargeysa? ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Gaafaadhi.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in murashaxiinta Magaaladda Hargeysa uga sharaxan urur siyaasadeedka Rays ay yihiin xul isla markaana ay ku dedaali doonaan sidii hadii ay doorashadda golaha deegaanka ku guulaystaan wax badan ugu qaban lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba.
Si kastaba ha ahaatee urur siyaasadeedka Rays ayaa maanta Magaaladda Hargeysa si weyn looga dareemay isu soo baxooda iyada oo ka dib fagaaraha Beerta xorriyaddana jidadka Magaaladda Dhex mara lagu arkayay taageerayaasha urur siyaasadeedka Rays oo socod lug ah ku muujinaya taageeradooda.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com