Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kacdoonkii Haweenka Qarnigii Tagay by Abdirashiid Balayah(Sayid Balayah


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
maqaalkan waxaan ku lafa guri doonaa isbadaladii dhanka fikirka ee bulsho waynta soomaalida ay soo martay masay

maqaalkan waxaan ku lafa guri doonaa isbadaladii dhanka fikirka ee bulsho waynta soomaalida ay soo martay masay ahayn casharo aan kutubta taariikhdooda kasoo guuriyaye waxay tahay qaybo aan kasoo xigtay suugaantii waayahaa la tiriyay gaar ahaan maanso masrexeedii uu alle ha u naxariistee uu cismaan yuusuf ku waaniyay ismaan dhaafkii qaybaha ummada waayadaa ka dhex aloosnaa, hadaba maanso masrexeedan kale waa maanso kale oo uu tirayay Cismaal yuusuf oo uu kaga waramayo ragga iyo haweenku aragtiyihii ay ka aaminsanaayeen mid ba kiisa kale gaar ahaanaa xiligaa uu maansadiisa tirinayo oo ku aadan badhtamihii 1950 nadii qarnigii inna dhaafay, inta aanan taa u gudbin aan se idhaahdo gumaysigii reer Yururb ee inna qabsaday ma ahayn wax fiicanoo

loo boholiyoobo maxaa yeelay wuxuu u taagnaa xorriyad ka qaadka cabudhintii dadkii uu ka adkaaday iyo dulayntooda darashada hantidooda iyo midab takooridooda hayeeshee waatii soomaalidu ku maahmaahday ´´ gaalka dil gartiisana sii´´ se waxaa jiray waxyaabo badan oo gumaysigii Africa iyo Asia qabsaday uu ummadahooda kusoo kordhiyay wax tarna u lahaa kuwaasoo waayadii danbe ay u aayeen maxaa talaw ka mid ahaa?
waxaan uga gol leeyahay gumaysi la dhaqankii iyo halgankii ay usoo gashay gubanimadeeda iyo midnimada dhulkeeda waxay soomaalidu ka heshay faa´iidooyin kale oo aan ahayn madax banaanidii dagaalkii oo aakhirki ay ku guulaysatay, waa marka horee wuxuu halgankaasi isu keenay qabaa´ilkii soomaalida ee waayahaa ka hor midba gaarkiisa u noolaa talo midaysa oo ka dhexaysana aan abid yeelan waa marka labaade waxaa abuurmay magaalooyin cusub taasoo sabab u noqotay in reer miyi badane reer magaal noqdo gaar ahaana wixii ka danbeeyay dagaalkii uu Taliyaanigu xabashida ku qaaday kuna qabsaday 1936-kii, waa marka saddexaade waxa uu gumaysigu dalka ka hir galiyay dugsiyo waxbarashada asaasiga ah ku saabsan, isagoo waliba si gaar ah Xamar uga furay qaar lagu baran jiray mabaadii,ada culuunta badda, beeraha, ganacsiga iyo waliba farsamada gacanta, kaasina inkastuu ahaa waxbarasho koobanoo aan manhaj wadani ah aan ku dhisnayn hadana waxay indhaha u furtay dhalinyaradii markii danbe hogaanka dalka qabtay, maaraynta laamahii dawlada saraakiisha  kuwii gumaysiga kala wareegay, waa marka afaraade gumaysigii iyo halgan kii looga hor yimid baa waxay si muuqata wax uga badaleen qayb balaadhan oo bulshada ka mid ah taasoo ah haweenka soomaaliyeed, meeqaamkii bulshada dhexddeeda ay ku lahaayeen ayaa si dagdag ah sare ugu kacay waxaanay iyagoo mudan soo garab joogsadeen raggi dhaaxaa yasi jiray ee caruurta raadka wayn ku sheegi jiray raggii u arki jiray in ay xaas iyo maati inay guriga ku eekaadaan ku han waynaa nimankii ku maahmaahi jiray ´´ gabadhi god hakaaga jirto ama guri ninkeed hakaa joogto´´
balse waxaa jirtay waxaasoo is badal ah soomaali badan uma riyaaqin waxaana ugu darnaa ragii qaadan kari waayay inay iyagu lasoo sinmaan inay dumarku u hawoodaan arrintaa oo doodeedu dalka ka taagnayd ayuu Cismaal yuusuf ka tiriyay maanso masrexeed uu ku wada hadashiiyay Cadar oo jilaysa dumarkii il baxay iyo Maxamad nin uu u bixiyay oo reer magaal iyo reer miyiba noqon kara ase diidan meeqaamka haweenka u kordhay oo siyaasadii iyo waxbarashadiiba ka dhex muuqdaan. waxay Cadar waxay ku dhaliilaysaa ragga oo khilaaf siyaasadeed soo dhex galay  iyada oo wali gobanimadiiba la helin waxay ku dhaliilaysaa wahsi iyo makhaayado fadhiisad waxay daafacaysaa shaqooyinka dawlada ee dumarku doontaan iyadoo isla markaana ka mahad sheeganaysa nimanka xafiisyada fadhiya ee iyada iyo awaalkeed ay erdahoodu ay u furan yihiin ugu danbayntana iyadoo kaftamaysa ayay maxamad uga tacsiyadaynaysa wakhtiga wareegay ee haweenka u samaaday raggana intuu nuxuusiyay caato ka dhigay waxay tidhi:-
waxyaalaha la wado dawladnimo waa ka wayntahaye
hadaan lays walaalaysanayn wacadkii beenawye
nimankaa waswaas iyo qalbiga wax igu buuxaane
wanaag baanu ka qabnaa ragaa waaliyaalka ahe
wajina waanu ku leenahay annagu wadar ahaantode
xafiisyada la waadsanyahay nagama waabshaane
wax dheefbuu noqdoo shuqulka waa loo walfahayaaye
maalintii warkii soo galoo loo warqado goosan
waardiyaha waanu iska ag marnaa namana weecshaane
idinkaa walaac idin hayaa oo wareer qaba e
wadada iyo jidkaad tubantihiin waa baryiyo fiide
waydnimo iyo baahay u dhiman wabaradiinii
saacaa wareegee ninimo waafi waa tahaye
hadayse inani wax aqoon tahoo waajibkeed gudato
inaan wiilku ka horayninbaa laysku waafaqaye
nabsaaa idin wadalay jeer hadaad naga wacnaydeene
qajeelbaad kuwadateen haween waxayin doontaane
wakhtaa idin hayee maxamadoow wahanka ciisheena
 
maxamad baa kolkaa jawaabay waxa uu soo qaaday doodii uu ragga qaar waayahaa ku celcelin jiray ee ahayd ´´ waa la lug goynayaaye maamul dawladeed waxba dumar kama gali karaan´´ waxa kale oo uu su,aal ka keenayaa xafiisyada ay Cadar ka mahad sheeganayso ee iyaga hablaha ah sida fudud loogu ogolyahay ragguna uu gali kari la,yahay taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin laga wiswiso afkana laga maago wuxuu yidhi.
 
libaaxaba wahsaa qaban haduu waayo dhuunige e
inkastuu wax tar ahaa kolkuu wayd la kici waayo
waraabihiye wayska hor wadaan weerka gaabaniye
idinkana wakhtigu waa idin hoday wadar ahaantiine
in wareer ku dhacay loo malee waliba qaarkiine
walaad ka doorateen xilkaad weheshenayseene
waxba kama gashaan dawladnimo wadina maysaane
waayaha kan hawshana ragbaa idiin wakiilo ahe
waa idinka waayeeshan yahay wiilka noo yariye
wajigaad hesheen iyo xurmada laydin wayneeyay
xafiisyada aad warab leedinhiin een annagu waynay
wanaag kuma jiree waa umuur laga wiswiisaaye
wiyeelkiyo lo,daa xareedana laga waraabshaaye
wabay ka cokanaatiyo haday waraha soo nuugto
inay waa ku qadibay markay wabaxdo moodaaye
idinkuna wax yarbaad u fili xaajo waafiye e
hada meel aan idin waafaqayn ha isku waabine e
wax walbana u fiirsada aduun war uma haysaane
 
waayahaa Cismaan yuusuf qaybaha bulshada kuwada hadashiinaayo ayaa dharkii dumarka soomaalida waxaa kusoo kordhay marayaroo dibadaha laga keenay maro laba cad oo isku tolan ka kooban haweenka waawaynina ay u dhaqaqeen inay xidhaan waa maro yaroo dunida oo dhan laga isticmaalo waxay bishaa muuqaalka guud ee haweenayda markay fagaaraha joogto, afsoomaaliga magac kuma laha maxaa yeelay may ahayn maro waayahaa ka hor lagu dhaqmi jiray sidaa daraadeed waxay haweenka soomaalida maradaa xidheen iyadoo u yaqaan mageceeda shisheeye oo la yidhaa(laja seeno) oo ah af taliyaani iyo (keeshali) oo aanan garanayn meel uu magiciisu inagasoo galay si kastaba ha ahaatee maradaa ayaa kusoo biirtay kaftankii bulshado oo raggu ay haweenka ku xifaareeyaan taasina waxay ka muuqataa tix gaabanoo 1952 uu tiriyay oday magiciisa qariyay oo sarrig aawadeed diiday inuu isasoo ban bixiyo wuxuu yidhi
 
waa xagal ka daac naasahaad kor u xaraysaane
intuu xabadka laabtaa ku yaal ayuu xiisa leeyahaye
xumaayoo kasoo durug halkuu xaragada ku lahaay e
haduu xooranyahay gacanta waan kala xishoonaaye
xoog kuma dhinnee yaan la xadin xubinta naafawday
 
muddo haday tixdaasi tirsanayd lana waayay qof dumar ah oo ka jawaabta ayaa markii danbe waxaa dabada isasoo dhigtay alle ha u naxariistee xaawa jibriil xasan maxamad oo ka tirsanayd hablihii firfircoonaa ee xarakadii SYL isla markaana tirinta buraanburka iyo gabaygu ay u simanyihiin intay dhiiratay ayay xaawo ku jawaabtay
 
waa noo xarrago naasahaan kor i xidhaynaaye
xornimadii hablii haystay baa xeerkan soo rogaye
markii xabad-ka joogo iyo haduu nabasta xaabaayo
xubbi ninkii yaqaan naaska waa lagu xanteeyaaye
oday xiiso law baa arkee lama xusuusteene
ifafaalahad sheegteen afkaan kala xishoonaaye
idinkuba xubinta waad leedihiin xubin ka daacaase
xaq miyaad ku hadasheen ragaw waad na xamateene
 
halkaa ayaa laga aloosay in habluhu ay la tartami karaan innamada balse ay ka badan karaan
 
waa Qalinkii: Abdirashiid Balayah(Sayid Balayah)

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

  

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.