Hidde-raac: Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuurka Siciid Gahayr, Qaybta 6aad
(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Qormooyinkii aynu ugu magac-darnay Hidde-raac: Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuurka Siciid Gahayr
Qormooyinkii aynu ugu magac-darnay Hidde-raac: Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuurka Siciid Gahayr (Hargeysaawi), Qaybta 6aad waxa aynu ku soo qaadanaynaa tix magaceedu yahay Sami-hooyo.
Maansadan Siciid Maxamuud Gahayr, waxa uu kaga waramayaa qiimaha hooyada, isaga o abwaanku soo qaadanaya aayado quraana iyo axaadiis sharaf badan oo sheegaya sida ay diinteena wanaagsani inoogu dardaartay in aynu u samafalno waalidka guud ahaan gaar ahaan hooyada, ugu dambeyna waxa uu Siciid hooyadii
macaan, si gaar ah uga codsanayaa in ay ku sahaydo duco,waayo Siciid waxa uu u baxayay June 2007, oo ah xiliga uu maansadan sameeyay safar waxbarsho oo uu ku tagayay dalka Pakistan , ugu dambeyna waxa uu ilaahay ka baryayaa inuu is tuso isaga iyo hooyada iyaga oo nabad qaba kuna sugan diinta islaamka mar labaad inta ay noolyihiin , waxaanu Siciid yidhi:
-
Suubban hooyadayduu
-
Saatir igu abuuraay
-
Sanad gaw ah oo ay
-
Saddex bili ka dhiman yiin
-
Sidkaad igu xambaartoo
-
Calooshaadu sabo iyo
-
Saldhig aan ku ladayoo
-
Suubban bay ahaydoo
-
Suudiga kulaylkiyo
-
Saymaha qabawgaba
-
Sar bay noqotay dedaysoo
-
Horaadkaaga saxada leh
-
Caanaha ku sugan baa
-
Soor ii ahaayoo
-
Sida awr la dhaanshaad
-
Dhabarrada i saartoo
-
Dhabtaaduna sariir iyo
-
Salli bay ahayd aan
-
Sahal ugu gamaayoo
-
Soortana markaan naco
-
Igamaad samraynine
-
Sasabaad in badanaad
-
Igu siisay dhuuniga
-
Safradaha ka ciidmoo
-
Harraad ruuxda solayaad
-
Siman iga kaxaysoo
-
Saantayda qaawani
-
Dhar baad uga samaysoo
-
Silic inaan muquuursamo
-
Raaxaad iiga saantoo
-
Nadiifnimadu waa sade
-
Siifad iyo ada qudhun
-
Saxar iga fogeeyoo
-
Suug iyo rasaas kulul
-
Waad igala socdaashoo
-
Surinkii ammaanaad
-
Sees iiga waabtoo
-
Sawdkaaga wacan iyo
-
Sabaalada galgacalka leh
-
Sadarada ammaanta ah
-
Waayaad igu sabeysoo
-
Sikinniyo gu?yaal iyo
-
Saacadaad daraaday
-
Surmi qaabilaysoo
-
Safaad iyo markuu cudur
-
Sahansado naftaydana
-
Awgay baad saqdii dhexe
-
Soo-jeed ku raagtoo
-
Saxoo caafimaad baad
-
Ii sahadinaysoo
-
Suuraddaydu gooray
-
Saxansaxo udgoon iyo
-
Saac kuu ahaydoo
-
Jaahaagoo sansaan wacan
-
Sawirkiisu leeyaad
-
Ii soo bandhigaysoo
-
Sarkaalnmiyo derejaba
-
Adaa ii suntaayoo
-
Inaan qayrkay sare maro
-
Waad saadaalinaysoo
-
Samaad igu anqarisoo
-
Faralyada la sugay iyo
-
Sunnayaal habboon iyo
-
Safxadaha kitaabkaba
-
?Sid? baad igu dardaartoo
-
Adigaa salaaddiyo
-
Igu ababshay soonkoo
-
Danbi aan sameeyana
-
Iga siiyay waanoo
-
Saalix inaan ahaadaad
-
Sacabbada u tumaysee
-
Saamigii naftaydaay
-
Sokeeyiyo xigaaleey
-
Sallaankii i qaadaay
-
Suubban hooyadayeey
-
In samaan laguu falo
-
Saman tagay Rasuulkaa
-
Saddex goor ku celiyoo
-
Sabab baad u tahay ay
-
Safka muuminiintii
-
Ku siibmaan jannada oo
-
Fardawsiyo sareedada
-
Saadaasha ay fili
-
Dar wanaagga sahaysaday
-
Waxa ay ku sugan tahay
-
Sagxadaha cagtaadoo
-
Samad wuu cadhoodaa
-
Sanifaadda goortaad
-
Na saluugtid hiifkoo
-
Sagsaag iyo uf reebyoo
-
Hadallada saxnaanta leh
-
Inaan kugu salaannoo
-
An ku sawaxannaabuu
-
Saatir nagu amraayoo
-
Sannadkaaga oo weyn
-
Ruuxaan u samafalin
-
In Saciira lagu rido
-
Malagbaa sanaadhsoo
-
Nabigaa sax yidhiyoo
-
Ado dhabarka igu sida
-
Sigashada anoon dhicin
-
Naxdin kugu sinaatana
-
Sagaal aan ku qaadaan
-
La sinmayn culeyskoo
-
Saa?id dheer baraa oo
-
Subaxaad i dihatiyo
-
Illaa sabankan maanta ah
-
Waad i saacidaysoo
-
Siigiyo dabayl iyo
-
Saxariir i daaraa
-
Sun bay kugu yihiinoo
-
Saamigii naftaydaay
-
Sokeeyiyo xigaaleey
-
Sallaankii I qaadaay
-
Suubban hooyadayeey
-
Haddii aanad sintaydiyo
-
Sabarkayga taagnayn
-
Saxna ii tilmaamayn
-
Sumcad maan heleenoo
-
So?dan aan ku noolnahay
-
Sayid kama ahaadeen
-
Summaddiisu khayrtee
-
Sambabkaa ku jeceloo
-
Sadrigaa ku naadshoo
-
Wadnahaad ku sugantoo
-
Indhahaad siraad iyo
-
Ilays ula sansaantoo
-
Sidad iigu mudan tahay
-
Ma sifayn karaayee
-
Soonaha jidhkaygaan
-
Seere aad ku nagidiyo
-
Sakad kaaga dhisi laa
-
Hadday suuro galeysee
-
Waxaan ku sagootiyay
-
Suuradaha Furqaankee
-
Duco aan ku sama baxo
-
Sahay iiga yeeloo
-
Saatir waxan ka naawilay
-
Ku sugnaan islaamkiyo
-
Soo noqod is-aragliyo
-
Nabad la isku keen simo
Khadar Maxamed Faarax
Khadarmfr@gmail.com