Burco u baqoolay dhinaca deeganadaasi, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyey Deegaanadaasi oo dhan, waxaana uu murashax NuuxMaxamed Xuseniyo weftigiisu kula kulmeen deegaanadaasi Odayaasha iyo Waxgaradka deegan kasta.
Dadweynaha deegaanadaasi waxay murashax Nuux maxamed xuseen u ballanqaadeen in taageero hiil iyo hoo bal eh ay isla barbar taagi doonaan, waxay sidoo kale ka codsadeen in haddii uu ku guuleysto doorashada aanu sidaas ku iilaawin degaankii iyo dadkii soo doortay ee uu wax u qabto.
Intaas kadib waxa isaguna halkaas Dadweynaha kula hadlayey Murashax Nuux Maxmed Xusen oo sheegay inaanu illaawin doonin wax badanna ka qaban doono bahiyaadka deeganadani, wuxu xusay in hadii ilaahay ku guuleeyo xilkaasi culus uu baahiyaadka aasaasiga ah ee deeganadani xooga saari doono.
Murashax Nuux Maxmed Xusen markii uu mareyey deeganka qoriyaale waxa uu dadweynaha deegaankasi si gaar ah ugu sheegay inu bixinayo qaadhaanka ugu horeeya ee lagu dhisayo waddo isku xidha laamiga weyn iyo iyo qoriyaale, isagoo dadweynahana u sheegay in guddi wadadaas dhista ay iska soo dhex xulaan isaguna uu la diyaar yahay qaadhaanki ugu horeeyey ee waddadaas lagu dhisi lahaa.
Murashax Nuux Maxmed Xusen oo ka mid ahaa murashaxiintii ugu taageerada badnayd maalintii 3aad ee xisbiga kulmiye u lahaa ololaha doorashada ayaa u muuqda mid deegaamo badan kaga horeeyey murashaxiinta la tartamaya isla markaasna wada siyaasad cusub oo ka gedisan siyaasadda golihii degaanka ee hore.
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com