Salaamu Laahi Caleykum
Kowyo Labaatankii Sano Ee Ay Somaliland Cagaheeda Ku Taagneyd Shacabka Somaliland Waxey Ka Kororsadeen Khibrad Badan oo Ku Saabsan Habka Iyo Hanaanka Maamulka Dowladnimo Taas oo Ay Kaga Horeeyaan Maanta Wadamo Badan oo Ay Isku Mandaqad ku Yaalaan Gaar Ahaan Qaarada Africa , Mudadaas Waxaa Dhaxalgal Wanaagsan Shacabka Somaliland u Noqdey Qiimaha Ay Leedahey Dowladnimadu Inkastoo Beesha Caalamka Somaliland Aaney Ka Helin Aqoonsani Oo Ahaa Dalabkeeda Koowaad Dadaal Badana u Gashey Sidey Uga Dhaadhicin Laheyd Qadiyadeeda Aduunweynaha .
0cm 10pt" class=MsoNormal align=justify>Wakhtiyadii Kala Danbeeyey ee Somaliland Jirtey Waxey Hirgaliyeen Inta Badan Waxyaabaha Seeska U Ah Habka Dowladnimo Sida Ciidan Qaran , Lacag Gaar u Ah , Golayaasha Qaranka ee Kala Duwan Iyo Waliba Doorashooyin Si Cadaalad Ah Maamulka Loola Kala Wareegey Intaas oo Jirta Hadana Waxaa Wali Somaliland Iyo Shacabkeedaba Ka Dhiman Waxyaabo Badan Oo La Odhan Karo Waa Tiirarka Dowlada Iyo Horumarka Qaranka La;aantooda Aaney Horumar Balaadhan Oo La Taaban Karo Aynaan Gaadhi Karin Waxaa Ka Mid Ah Waxyabahaas :
Wali Waxeyna Shacabka Somaliland Fahmin Qiimaha Ay Leedahey Wadaniyadu Oo Shacabka Somaliland Leeyihiin Qarankan Waxaad Arkeysaa Iyadoo Dad Badani Aaney Laheyn Wadaniyad Dhab Ah Oo Aaney Dalkooda Iyo Dadkooda Daacad u Aheyn Maxaa Markaas Inaga Khaldan !!
Dadku Waxey Horumariyeen Waxyaabihii Ay Gaarka u Laahaayeen Waxaana La Iloobey Dantii Guud oo Dantii Gaar Ahaaneed Ayaa Lagu Dadaaley Waxaa Meesha Ka Baxdey In Dadka Wax Kulmiyaaba Aanu Jirin Wadooyinkii Gaadiidka Ee Danta Guud Ahaa Ayaa Burbursan Oo Cid Ka Hadleysa Iyo Cid Shacabka Ah Oo Iska Kaashaneysaa Aaney Jirin Waxaa Meel Walba Ku Yaal Wadooyinkii Gumeystihiin Ingiriisku Inoo Dhisey oo ilaa Hada La Isticmaalo Markaa Maxaa Inaga Khaldan !!
Qabiilkii Ayaa Qaranimadii Ka Saro Marey Kana Awood Batey Meeshaad Marto Iyo Wasaaradaad Gashaba Qabiil Qabiil ayaa La Isku Eryanayaa Afka Baarkiisa Waxeynu Ku Celcelineynaa Dugsi Ma Leh Qabyaaladi Waxey Dumiso Mooyee Markaas Maxaa Inaga Khaldan !!
Guud Ahaan Shacabku Ma Heystaan Caafimaad Dhameystiran Oo Ah Aasaaska Nolosha Biniaadamka Waxaa Soo Gaabtey Nolosha Dadkeena Oo Maanta Qof Konton Jir Cimrigiisu Gaadho Wuu Yaryahey Iyadoo Cuduro Badan inoo Noqdeen Qaar Inagu Dhex Jira Waxey Shacabkeenu Buuxdhaafiyeen Wadama Jaarka Sida Ethiopia Oo ay Caafimaad u Joogaan Mudadii Aynu Jirney Ee Labaatanka Sano Ka Badan Waxeynu Awoodi Weyney In Aynu Daboolno Baahiyaheena Daruuriga Ah Sida Caafimaadka oo Kale Markaas Maxaa Inaga Khaldan !!
Wax Kale Iska Daayee Caasimada Hargeisa Ayaa Badanka Xaafadaha Ku Yaal Aaney Helin Biyo Nadiif Ah Oo Joogto Ah Iyagoo u Macmiil Ah Booyado Meelo Magaalada Ka Baxsan Ka Keena Biyo Caafimaadkoodu Liito Taas oo Ah Ayaandaro Iyo Guul Daro Ina Heysata Wali Aan Waxba Laga Qaban Markaas Kowyo labaatan sano Hadeynu Ku Dabooli kari weyney Nolosheena Maxaa Inaga Khaldan !!
Sidoo Kale Wali Somalilad Kumey Guuleysan in ay daboosho Wax soo saarka dalka oo dadka iyo shacabku cuntadooda koowaad noqoto in ay ku noolaadaan beerahooda iyo kheyraadka dabiiciga ah ee xeebaheena yaal waxaa lagu tiirsan yahey 70% wax ka badan waa wax aynu dibada ka soo dhoofsano oo hanti badan inaga gasho waxeynu ogsoon nahey maanta in qaranimada lagu qiimeeyo wax soo saarka dalka oo dal aan laheyn wax soo saar ay adag tahey in uu cagihiisa ku taagnaado si fududna u burburi karo wali ma is weydiisey goorta aynu 100% isku filnaasho gaadhi doono dhinac walba se taariikhda aynu so marney ma tahey mid gogol xaadh u noqon karta in somaliland hadey noqoto waxsoo saar , caafimaad , waxbarasho iyo nolosha kale in aynu gaadhno xilli aynu isku filan nahey.
Waxba yaanu hadalku ila taraarin , akhriste waxaa loo baahan yahey in dib la iskugu noqdo oo shacabka somaliland tashadaan oo bal aynu is weydiino sababaha iyo caqabadaha ina hor taagan inagoo ka faaideysaneyna aqoonyahaneeda sanad walba jaamacadaha inooga qalinjabinaya waxaan shakhsiyan aaminsan nahey in shacabka somaliland hagradeen dalkooda iyo ciidooda oo aaney sidii la rabey wax uga qabsan mudadii kowyo labaatanka sano aheyd ee aynu goonida u taagneyn laakiin aynu joogno xilli aynu isdaba qaban karno oo aynu ku baraarugi karno waxba aynu qabsan karno , dalkan iyo dadkan maanta cid u maqani ma jiraan waxaa ciidan u ah oo horumarkiisu guud ahaan sugayaa waxaa weeye waa inaga wax kasta gacmaheena ayey ku xidhanyihiin aynu fadhiga ka kacno oo aynu ku dadaalo ugu yaraan bal in aynu daboolno baahiyaheena aasaasiga ah nolosheenana u ah tiirka .
Waad mahadsantihiin
Fouad abdisalam Hassan
National04@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga