Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Sheeko taxane ah. Hooyo fahmi maysid. Qaybtii 5 aad


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Markuu la hadlay, waydiiday in ay soo gasho dargada, balse markaan anna la hadlay ayaay na yeeshay, sidii ayaay ku soo gashay oo aan anna ku seexday.

Markuu la hadlay, waydiiday in ay soo gasho dargada, balse markaan anna la hadlay ayaay na yeeshay, sidii ayaay ku soo gashay oo aan anna ku seexday.

 

-         Aabbaheen hadalo xun-xun, ayuu ku yidhaa hooyadeen, mar-marna wuu dilaaba, anna walaal in badan ayaan soo arkaayay, intaan in ka badan, uma sii adkeeysan karo. Waxaan rabaa,in aynu wada baxsanno oo aynu iskaga tagno reerkeenna,

si aynaan u arkin aabbaheen oo dhibaya hooyadeen. Markaaynu shaqaaysano, waxaaynu awoodna in aynu biilin karno hooyadeen, markaas way ka maarmaysa aabbo. Waxaay isku laayaanba waa biilka uu marna keenaayo marna uu ku cunaayo jaadka. Abtigeen ayaaynu shaqo waydiisan, oo aynu caawin.

 

Yaasiin aadbuu ula yaabay walaalkii, wuuna ka diiday figraddii uu u soo jeediyay, wuxuuna ku yidhi walaalkii:

 

-         Halka ay hooyaday joogto mooye, ma joogayo meel kale, haddii aad sidaa go`aansatay, adna soo shaqee, anna hooyadeen ayaan ka ilaalin aabbaheen.

 

Xuseen wuxuu aad iskugu dayay in uu walaalkii qanciyo, balse markuu arkay in aanu Yaasiin ka soo noqonaayn go?aan kiisii, wuu iska tagay. Sidii ayuu u baxsaday, Yaasiinna wuxuu ka codsaday, in aanu sheegin markaasba, balse uu qariyo mudo habeen iyo maalin ah, ilaa intuu ka gaadhayo magaaladii Kab Cad. Sidii ayaay ku hishiiyeen oo Yaasiinna ku qariyay.

 

Nuur oo suuqa ka soo laabtay, ayaa Qamar u sheegtay in wiilkoodii Xuseen, baxsadey, oo  Hirad arkay, isagoo sii koraaya gaadhiyada caanaha qaada. Markuu Hirad ku yidhi, adeer xageed tagaaysana? Wuxuu ku yidhi:

 

-     Adeer magaalada ayaan yar gaadhayaa, oo reerka ayaan alaab uga soo qaadayaa gurigii. Anagoo wada fadhina maqaaxi, ayuu ii sheego, waxaan is idhi, Xuseen malaha alaab muu soo qaadaayn ee wuu baxsaday, mise adaa diray? Qamarna waxaay ugu jawaabtay:

 

-     Maya anuu ma dirin, ee wuu baxsaday ayaay ila tahay. Midkeen ha ka daba tago. wuxuu ku sugan yahay ma ogine. Halkaay ka sugaaysay hadal hagaagsan, ayuu ugu jawaabay:

 

-         Aniguba ano yar, ayaan u soo baxsaday magaalada, waa nine, ha is dabaro.

 

Qamar markay maqashay jawaabti, uu ka bixiyey Nuur, waxaay garatay, in aanu iskuba hawlaayn baadi doonkiisa. Waxaayna go?aansatay, in ay inankeedii soo doondoonto. Markiiba waxaay soo beegsatay istaankii, waxayna soo raacday gaadhi u soo baxayay magaalada. Waxaay timi gurigii ay deganayeen, waxayna aragtay, in qufulkii ay ku sii xidheen, sidii ugu xidhan yahay. Markiiba waxaay waydiisay dadkii jaarka. Jaarkiina waxaay u sheegeen in ayna indho ka qaadin, cid ka socota reerkeeda. Qamar waxaa u bilaabmay waayo cusub oo xambaarsan warwar, walaac iyo fakar aad u fara badan.

 

 

 

Waxaay Qamar u tagtay saaxiibadeed Deeqa, oo ay aad u saaxiibo ahaayeen. Waxaay u gashay Deeqoo fadhida daarada gurigeeda. Salaan diiran ka bacdi, Deeqi waxaay ku soo dhaweeysay saaxiibadeed waji furan. waxayna ku tidhi soo fadhiiso. Qamarna waxaay ugu jawaabtay:

 

-         Saaxiib fadhi iima yaallo, oo waxa soo baxsaday, wiilkeeygii Xuseen oon raadcadiisa ku jiraa. Adigana waxaan kuugu imid in aad ila soo raadisid.

 

Hadalkii Qamar wuxuu ku abuuray saaxiibaddeed naxdin. Markiiba waxaay hore u soo qaadatay shalmad, waxaayna la bilawday baadi doon. Nasiib xumase way ku guuleeysan waayeen in ay helaan Xuseen.

 

Qamar waxaay is tidhi:

 

 Malaha dadkii baa, been kuu sheegaayay? oo wiilkaagii kamuu soo bixinba Baal Cad!. Markiiba waxaay go?aansatay, in ay tuuladii ku noqoto. Deeqina waxaay u soo raacday ilaa istaankii basasku ka baxayeen. Markii ay gaadhiga sii fuulaysay ayeey Deeqi ku tidhi:

 

-         Saaxiib waxba ha warwarin. Insha Allaah waad heli doontaa, aniguna haddii aan intaa arko, waan ku soo war galin, waanu ila sii joogi. Sidii ayaay isku macasalaameeyeen.

 

 

 

 

 

 

La soco qaybta 6 aad.

 

 

Qalinkii Huda Sh. Yuusuf (HShY)

Huda-sh-yusuf@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.