Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hugun Raac ,Iskataageer, iyo Daawasho Waxay qaldaysaa by Mohamed Ismail Dinbil


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Asc,Wr,Wb dhamaan akhristayaasha iyo umada muslimiinta ahba, bacda salaan wax aan jeclaystay

Asc,Wr,Wb dhamaan akhristayaasha iyo umada muslimiinta ahba, bacda salaan wax aan jeclaystay in aan aragtidayda ku aadan isku soo baxayada ololaha doorashada somaliland ee wakhtigan xaadirka ah si toos ah uga socda gudaha wadankeena aan ku soo gudbiyo maqaal ahaan. Taas oo ujeedadaydu ka muuqato cinwaanka maqaalkan. hadaba wax iswaydiin leh mar hadii aynu aragnay in khayriyad kasta oo ku taala dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka marka xisbi kasta soo is taago la buuxinayo taas saxaafaduna ku nisbayso eryada ay ka mid ka yahiin HORE LOOMA ARAG ISKU SOO BAXAN OO KALE, TAAGEERAYAASHA OO JIDADKA MAGAALADA BUUX DHAAFIYEY. 


Sidaas darteed, suaasha iswaydiinta leh wax weeye miyaanay

taasi been u sheegay dhamaan hogaamiyeyaasha xisbiyada  marka ay dib u jaleecaan baaxada taageero ee ay indhahooda ku arkeen dad aad iyo aad u fara badan oo dhagaysanayey hadaladooda iyo waliba sacabka dhagahooda ku dhacayey. Waxaan leeyahay taasi wax ay abuuri kartaa in aan hadhow laga dhaadhicin karin xisbigii qansax iyo qudhac way hadheen. Waxaan ka jeclaan lahaa HUGUNRAACA,ISKATAAGEER IYO SOO DAAWO in ay wax u dhimayso dimuqaraadiyada maanta taaba gashay, shacabkana wax aan leeyahay doorashadani way ka xasaasi badan tahay tan kale oo MADAXWAYNAHA waayo inan kasta wax uu rabaa inuu ardaagiisa ka soo baxo markaa wax fiican in marka horeba xisbi aad taageerto oo kaliya aad dig iyo damba u samayso calankiisana soo qaadato, sidoo kale wax jirta in caalamku qiimayn (to evaluate) ku samaynayo xisbi kasta isku soo baxiisa markaa walaalayaal aynu ilaalin nidaamka caalmaka ee aynu ku raad joogo taas oo ah (Every single has one vote). xisbigana yaan been loo sheegin oo dad hortiiba  ha isku qanciyo cududiisa taageero inta ay leeg tahay. Xisbigii awaada buuxda lahaa iyo xisbigii liitayba hadii jidadka iyo fagarayaasha hadalka loo buuxiyo sow mushkilad maaha.
Wabilaahi Towfiiq.

Mohamed Ismail Dinbil
Barneveld Netherland

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.