Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somaalida Itoobiya oo Ku Sifoobay Kelitaliye, Cadaalad daro,Musuqmaasuq; Qabyaalada Fool Xun iyo Degaanka oo Qarka u saaran inuu Burburo.by Guuleed Faarax Warsame


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012


Sida aynu ka wada dheregsanahay Dawladda Itoobiya waxa ay ka kooban tahay sagaal is maamul dawladeed oo uu ka mid yahay kan degaanka Soomaalida Itoobiya; Isaga oo ah kan labaad xagga baaxada degaanka, ahna kan seddexaad tirade dadka marka laga hadlaayo dawladda Itoobiya; Dawladda Itoobiya waa dawlad Federaal ah taasi oo qaybsiga xagga arrimaha dawliga sida Miisaaniyada,  golaha wasiiradda, Wasiir ku xigeenadda, Safiirada iyo Xubnaha baarlamaanka sida golaha wakiilada iyo kan federaalkaba waxaa loo kala qaybsadaa saami ku salaysan sida qoomiyaduhu u kala badan yihiin; Sidaa si lamid ah dowlad degaanka soomaalida itoobiya wuxuu ku salaysan yahay qabaa?ilo soomaaliyeed oo isku yimid oo Af, Midab, Diin iyo Dhaqanba wadaaga taasi oo mudnayd

in si cadaalad ah lagu maamulo isla markaana wax loogu qaybiyo dhinacyada faraha badan ee maamulka sida  masuuliyiinta sarsare sida madaxweynaha, seddexda madaxweyne ku xigeen; Gudoomiyaha xisbiga, af hayeenka baarlamaanka iyo kuxigeenka; gudiga fulinta, golaha dhexe ee xisbiga talada haya, Golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada, Safiirada, Qunsulada, Xubnaha baarlamaanka, Madaxtooyadda, Maamulada heer gobol, heer degmo; saraakiisha iyo xubnaha ciidanka booliska; saraakiisha iyo xubnaha liyuu booliska; Maxkamadaha; Qandaraasyada; Shatiyada ganacsiga; Dhinaca horumarka degaanka iyo Maamulka qurba jooga gudo iyo dibadba. Aniga oo isku dayaaya in aan bal ku fiiriyo qoraalkaygan arrimaha aan kor ku soo sheegay:-
 
Golaha Madaxtooyada, Ka baarlamaanka, Gudiga fulinta Xisbiga, Golaha dhexe iyo xubnaha dabagalka iyo kormeerka:-
Degaanku wuxuu leeyahay Madaxweyne, Seddex madaxweyne ku xigeen, gudoomiye baarlamaan iyo ku xigeenkiisa; Gudoomiyaha xisbiga, Ku xigeenkiisa, Xoghayaha xisbiga, haddii aan kala saarno qabaa?ilada ay ka soo jeedaan marka laga reebo gudoomiya xisbiga iyo madaxweyne ku xigeen seddexaad ahna wasiirka dakhliga; inta soo haddhay waa hal qoys oo Absame isku ah, Dhinaca gudiga fulinta oo ka kooban seddex iyo toban xubnood, Marka laga reebo Gudoomiyaha xisbiga, Madaxweyne ku xigeenka seddexaad ahna wasiirka dakhliga iyo xubin ka soo jeeda Gaashaamo oo isagana dagaaladii iyo xasuuqii ay liyuu boolisku u gaysteen dhawaan awgeed uu madaxweynuhu xaal marin u bixiyay; Tobanka xubnood ee soo hadhay waa hal qoys oo Absame isku ah; Tirada guud ee xisbiga golaha dhexe oo ka kooban afartan iyo todoba qof (Afartan qof waa Absame); Gudiga dabagalka iyo kormeerka oo ka kooban toban qof (Todoba qof waa Absame); Halkan waxaa ku cad in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu baalmaray Kitaabkii Quraanka ee uu ku dhaartay in umadda uu ku maamuli doono cadaalad oo uu u xuub siibtay qabyaalad cad oo aan geedna loogu soo gaban qofkii hadlana ay u dheertahay dil, dhac iyo xadhig.
 
 
Golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada, Safiirada iyo  Qunsulada:-
Golaha wasiiradda iyo wasiir ku xigeenada degaanku kuma salaysna si cadaalad ah, Tiradda guud ee golaha wasiirada waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba shan iyo sideetan (85% )in ay yihiin beesha Absame, haddii aan soo qaadano wasiiradda muhiimka ah, Wasiirka nabadgelyada iyo cadaalada, Wasiirka Hawlaha guud iyo magaalooyinka, wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada, wasiirka biyaha, wasiirka maaliyada, wasiirka jidadka, wasiirka cilmi baadhista,wasiirka madaxtooyada, La taliya yaasha Madaxweynaha, Madaxa Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaha guud, Madaxa qurba jooga, Taliyaha booliska, Taliyaha Liyuu booliska iyo Qaar kale oo badan; Waxaana lagu qiimeeyaa boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) in golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo masuuliyiinta waaweyn ay ka soo jeedaan beesha Absame; Inkasta oo soomaalida kale oo dhan la siiyay boqolkiiba shan iyo toban (15%) meelaha loo dhiibayna ay yihiin magac u yaal, Waxaa jira qabaa?ilo badan oo soomaaliyeed oo laf dhabar ka ah degaanka oo wasiir iska daaye xataa aan lahayn wasiir kuxigeen qofkii hadlana ay u dheertahay dil, dhac iyo xadhig; Waxaa dhawaan la magacaabay laba qunsul oo loo kala magacaabay Maraykanka iyo Sweden oo labaduba ka soo jeeda beesha Absame, C/Fataax Sheekh Cabdillaahi oo ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee dawladda dhexe iyo Daa´uud Maxamed oo ah wasiir ku xigeenka Dalxiiska iyo dhaqanka Labaduba waa beesha Absame; Golaha Federaalka oo ka kooban Shan xubnood seddex ka mid ahi waa Absame; Labada safiir ee dawladda dhexe u kala fadhiya Masar iyo Kenya iyagu way ka madaxbanaan yihiin magacaabistoodu masuuliyiinta degaanka.
Ciidanka Liyuu booliska iyo Booliska Degaanka:-
Waxaan dhawaan la soconay in la dalacsiiyay afar masuul oo la siiyay darajada birgeedh janaraal kuwaasi oo laba ay ka socdeen dhinaca booliska caadiga iyo laba masuul oo ka soo jeeda dhinaca liyuu booliska (Afartaasi sarkaal oo la siiyay darajada ugu sareysa degaanka waxay ka soo jeedaan beesha Absame); Waxaa kale oo la bixiyay darajooyin badan oo boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ka soo jeedaan beesha Absame.
Waxaa kale oo aan ka dheregsanahay qaabka loo qoro liyuu booliska iyo booliska degaankaba kuwan oo loogu talagalay difaaca dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadinka haddii ay ahaan lahayd naftiisa,maalkiisa iyo xuquuqdiisa asaasiga; balse waxay xalaalaysteen in muwaadinkii loogu talagay in ay difaacaan ay Maxkamad la?aan ay madax ka toogtaan; jirdil u geystaan, hantidiisa ay boobaan, gabdhaha ay kufsadaan ama xoog ku guursadaan; beryahan danbana waxaa loo isticmaalaa in lagu cabudhiyo qabaa?ilada soomaaliyeed ee aan ahayn beesha Absame, waxaa lagu qiyaasaa ciidanka degaanka ka jira haddii ay yihiin booloska caadiga iyo ka liyuu booliskaba, saraakiisha iyo masuuliyiinta kalaba boqolkiiba sagaashan iyo shan waxay ka soo jeedaan beesha Absame, Waxaa intaasi dheer in hubkii loogu tala galay degaanka uu gacanta ugu jiro hal qabiil oo Absame ah oo ay dhicikarto in hubkaasi iyo ciidankaasi gacanta u galay uu degaanka iyo guud ahaan Itoobiya uu mustaqbalka halis u keeni doono.
 
 
Dhinaca Horumarka iyo Musuqmaasuqa:-
Dhinaca horumarka haddii aan jaleecno, Maamulka degaanku wuxuu jiraa 21 sanno oo ay isa soo badelayeen maamuladii soo maray degaanka; waxay dadku isku khaldayaan xukuumada hadda jirta iyo xukuumadihii ka horeeyay waxa ay qabteen; Waxyaabaha lagu faano degaanka sida Jaamacada Jigjiga, Isbitaalka weyn ee jigjiga laga dhisaayo, Gegida diyaaradaha jigjiga, wadada weyn ee isku xidha Addis ababa ilaa Goday, Macadyada sida kan waxbarashada, kan farsamada, kan caafimaadka, kan maamulka iyo maareynta, kan beeraha iyo xoolaha ee godey dhamaantood way ka horeeyeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxayse dadbadan aaminsanyihiin inuu isagu fuliyay arrintaasi oo ayna waxba ka jirin.
Dhinaca horumarka degaanku waxa uu ka kooban yahay lixdan iyo sideed  (68) degmo; Iska daa degmooyinka kale Magaalo madaxdii degaanka ayaa bilaa biyo ah; sida aad la socotaana waxaa wadanka Talyaaniga laga soo iibiyay riigag qaali ah oo loogu tala galay in baahida biyo la,aaneed ee degaanka ka jirta ay wax ka qabtaan, sidaad la socotaan Riigagii waxaa la geeyay degmada Marsin oo uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka soo jeedo halkaasi oo biyo laga waayay riigagiina ay halkaasi weli joogaan; Waxaa ceelal laga qoday degaanka shiniile arrintaasi waa arrin lagu farxo balse degmooyinkii degaanka iyo magaalooyinka sagaalka (9) soon laga xukumo biyo kama jiraan; Waxaana Gobolka Shiniile uu ku mutaystay cabasho badan oo ay ka muujiyeen qaab dhismeedka xukuumada; Taasi waxay ahayd arrin uu ku aamusiinayay taasi oo uu ka baqay haddii ay cabashadaasi sii socoto in uu kursigiisu halis galayo.
Xagga Musuqmaasuqu wuxuu marayaa degaanku meeshii ugu darnayd; Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu isku wareejiyay qaraabadiisa sida reerka uu ka dhashay khaasatan Reer Cali Yuusuf, Reerka dhalay ama reer abtigii oo Abasguul ah iyo Dumarka uu qabo oo ka soo jeeda dhinaca dhagaxbuur; Waxaa kale oo uu magacaabay seddex madaxweyne; golaha wasiiro oo aan awood lahayn fuliyana amarkiisa xataa haddii uu yahay danbi iyo khaladba; waa dhalinyaro dadoodu aad u yar tahay oo aan lahayn khibrad badan; Anigu waxaan aad uga naxaa marka wufuud heer federal, heer caalami ay yimaadaan degaanka ama ay Adis ababa tegaan ama ay wiilashan yar yar ay dibadaha u soo baxaan waayu dadka ay hor fadhiisanayaan la aqoon, da? iyo la khibrad midna ma?aha taasina waxay wax u dhimaysaa sumcadii degaanka; Kama soo horjeedo in xil loo dhiibo balse xilka ay hayaan uma qalmaan wiilashan yar yar ee weli naaskii hooyadood uu irmaanyahay; Wuxuuna Madaxweynuhu iskugu wareejiyay ma rabo qof wax garanay mana arki karo qof yidhaahda waad khaldantay; Taasina waxay keentay inuu xalaalaysto hantidii umadda; Hanti badana uu Madaxweynuhu ku leeyahay gudo iyo dibadba;
 
 Dhinaca Magaaloyinka waxaad la socotaan marka laga reebo magaalo madaxda in uu Madaxweynuhu sameeyay seddex magaalo sida dhagaxbuur, Qabridahare iyo Godey oo uu ka dhigay koonsulo; Shaqsiyan waan soo dhaweynayaa arrintan oo la rabo in waxlagaga qabto bilicda magaalooyinka balse intuba waa degaan Absame ee aaway degaanadii kale.
Qandaraasyada degaanka ; Shatiyada ganacsiga inaad wax dhoofin kartid ama aad soo dejin kartid waxay gacanta ugu jiraan beesha Absame; waxaa intaa dheer in la sameeyay dusiyo boordhan ah oo loogu magac daray agoomada; Sida ka jigjiga, Fiiq iyo Shaykoosh; Arrintani waa arrin dulmi ah oo u gaar ah caruurta beesha Absame oo ayna la wadaagin soomaalida kale; Dhinaca kelitaliye nimada madaxweynaha waxaa inoogu filan masuuliyiinta uu xilka ka eryay oo shaqadoodii ku waayay talo soo jeedin, wax u sheegid, iyaga oo diiday inay qaataan  amar khaldan iyo awoodii oo madaxweynuhu isku koobay; Masuuliyiintaas waxaa ka mid ah (Axmed Sheekh oo gudiga fulinta ahaana madaxa cilmi baadhista, C/Fataax Sheekh Cabdilaahi oo ahaa gudoomiyihii Xisbiga ahna Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee heer federal ah, seddexddii madaxweyne ku xigeen Suldaan Weli, Aadan Faarax iyo Axmed Qabyo).
 
Dhinaca Dib u Curashada Shaqaalaha Laysku  Shaandheeyay:-
Ma xuma in shaqaalaha laysku shaandheeyo, Balse waxaa mudnaanteeda leh marka hore degaanka nabad gelyo buuxdaa ma ka jirtaa, In qofka shaqaalaha laga kaxeeyo degaankiisa oo nabad ah la geeyo degaan uu amnigiisu xun yahay; Degmooyinku ma isku dheeli tiran yihiin dhinacyada adeega bulshada, In qof laga kaxeeyo degaan waxbarasho, caafimaad, isgaarsiin, biyo iyo waxyaabaha kale ee aasaaska nolosha laga helaayo in loo bedelo degaano aan lahayn aasaaska nolosha xaq ma?aha; Mida kale dhaqaalaha mishaarka la siiyaa ma u qaybsami karaa haddii caruurtiisa iyo xaaskiisu ay ku adkaystaan in ay meeshooda joogaan; waxaa suurta gal ah inay leeyihiin guri hanti ah; meesha ay tegayaana ay iska bixinayaa kirada guryaha waayu dawladu ma laha guryo loogu tala galay shaqaalaha; Dhinaca xuquuqda shaqaaluhu ma haystaan damaanad qaad noloshooda haddii meesha loo diray ee nabadgelyadeedu xuntahay lagu dilo; Caruurtii iyo marwadii laga dhintay dawladu ma damaanad qaadaysaa noloshooda; Waxaa halkaa ka cad bacdamaa degaanada ay soomaalida kale degan tahay ay ka jirto nabad gelyo buuxda; Degaanada ay degan yihiin beesha Absame ay nabad gelyo xumo ka jirto in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ugu danaynayay beesha uu ka soo jeedo; Waxaa intaa dheer ka mucaaradku waa iyaga sida (ONLF, UWSLF, Garabka nabada qaatay ee ONLF), Kan mamulka degaanka dulmiga ku haya soomaalida kale ee maamulkii oo dhan boobay waa iyaga (Absame); Waxaad moodaa in ay heshiis ku yihiin in qaar xabada ridaan qaarna degaanka kugu maamulaan; arrintani waxay u baahan tahay soomaalida kale inay wax iska weydiiso dawlad dhexe ayaa jirta oo iyaga oo midaysan haddii ay u tegaan wax ka qaban karta dhibaatada degaanka ka jirta. 
 
Dhinaca Qurba jooga:-
Wakhtigan la joogo dawlada Itoobiya waxay xooga saartay qurba joogta u dhalatay degaanka in ay yimaadaan dalkooda hooyo,  Ayna Maalgashan karaan, kana qayb qaadan karaan dhinaca horumarka, Nabadgelyo, arrimaha bulshada; balse waxaad moodaa in la leexiyay qorshuhu sida uu ahaa; Madaxweynuhu wuxuu gacanta u geliyay oo uu ku lumiyey hanti badan oo degaanka wax badan ka qaban lahayd qoys gaar ah; wuxuu hanti badan geliyey jaaliyadaha dibada oo uu qaar badan u adeegsado danihiisa gaarka ah; Dhulkii dawladda, sida meeshii laga raray garoonka diyaaradaha Jigjiga, Xarumo ay dawladu lahayd iyo goobo ay leeyihiin dad danyar ah, iyo guryo badan oo dadka lagala wareegay wakhtigii Mangistu dhamaan waxa gacanta loo geliyay dad gaar ah oo ka soo jeeda beesha Absame; Waxaa intaa dheer Jaaliyadaha dibadaha ka jira sida Maraykanka, Ingiriiska, Iskaan daniifiyanka, Australia, Newzealand,Khaliijka, Koonfur Afrika, Kiiniya, Yemen iyo meelo kale oo badan waxaa looga taliyaa Jigjiga ma?aha dad ka turjimi karaa wixii xumaan ah ee degaanka kajira waxaana madax kawada ah hal beel oo Absame ah; Soomaalida inteeda kalana markhaati ayay ka yihiin iyaguna ma midaysna diyaarna uma aha inay ka hadlaan dhibaatada degaanka ka jirta; Waxaa intaa dheer website yada degaanka ka warama oo looga taliyo Jigjiga sax iyo khaladba, dulmi iyo xaqdaro midna kama hadli karaan aan ahayn inay u adeegaan dano qoys oo hoose; sida (Xaajo, Nogob, Somalistate, Abaaqorow,Dhanaan, Wabishabeele oo beryahan dudmo ku maqan iyo Radio Jigjiga oo aan lahayn meel loogu soo hagaago mar waa mucaarad, marna waa muxaafid sida markii la siiyey Madaxweyne ku xigeenka, Garoonka Jigjigana loo bixiyay Garaag Wiilwaal imikana waa mucaarad haddana waxaa loo soo dirayaa wafti uu hor kacayo Madaxweyna ku xigeenka ah Wasiirka nabad gelyada iyo cadaalada oo ay isku hayb yihiin oo dhawaan tegi doona Maraykanka; Cakaaranews iyagu tiro kuma jirto oo waxaa iska leh Madaxweynaha, FaafanOnline oo isagu ah mid xag jira; Waxaan u arkaa mid dhexdhexaad ah Kilil5 balse intii ka dambaysay heshiiskii dhexmaray Beesha Sheekhaash iyo Dawlada degaanka waxaad moodaa inuu ka aamusay dulmiga ka jira degaanka.
Waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa in aan la fiirsan Karin meesha uu degaanku marayo maanta; Haddii uu sidan ku sii socdana wuxuu ku danbayn doonaa burbur ku yimaada, umadda soomaaliyeedna ay kala aamin baxdo ee aqoonyahanka, odaydhaqameedyada,culimada, haweenka iyo dhalinyaradu u istaagi lahaayeen in la badbaadiyo; Haddii ay hiil iyo hooba ay tahay; Qofkasta oo degaankaasi ka soo jeedana ha ka qayb qaataan badbaadintiisa.
Mahadsanidiin.
Wixii talo iyo tusaale iigu soo dir aniga oo ah Guuleed Faarax Warsame iyo email kayga oo ah guleed2009@yahoo.co.uk

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.