Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dhiig Ayaa la Rabaa in loo Shubo W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Friday, November 02, 2012
Aduunyada haddii ay ka hirgaleen Cusbitaalo Leh Qeybta Keydka Dhiiga dadka Noocyadiisa kala duwan,si Dadka u baahan

Aduunyada haddii ay ka hirgaleen Cusbitaalo Leh Qeybta Keydka Dhiiga dadka Noocyadiisa kala duwan,si Dadka u baahan ama xanuunada qabo loogu shubo,Waa in sidoo kale Dalkeenana laga helaa.Blood Bank Miyuu ka Shaqeeyaa Somaliland.Miyey Jiraan dad dhiigooda sadaqadeysta ama si toos ah cusbitaalka ugu taga oo iska soo Shubaa.Miyaanad arag Dad safaf dhaadheer ugu Jira dhiiga ay u shubayaan Cusbitaalada weydiistey si loogu badbaadiyo dadka Bukaanada ah ee Dhiiga u baahan.

 

Maxaa la iga shubi waxba iguma Jiraane,Mida kale Miyaanad arkeynin Miisaankeygu inta uu leeg yahay.Ma waxa la waayey qof kale oo laga shubo.Kuwa Naaxsan ama Buuran Ha raadsadaan,Dadka wadanka oo dhan

haddii si guud loo daraasadeeyo intee ayaa dhiig shubi karta oo Awoodaasi leh,Dad badan Nafaqo daro iyo Dhiig la,aan Ayaa heysa hadana isma oga.Qaar kale waaba loo Naxaya marka ay Yimadaan goobaha caafimaadka.

 

Mar kale waar Ninyow Dadka awooda u haya ha laga Shubo,Mida kale Annigu waaban ka Cabsi qabaa oo Anniga lafteyda ayaa Xanuun ka baqaaya iyo Cusbitaalka Ayuu mar kale ku Jawaabey.waa xaalad deg deg ah, waana Qof agtaada qiimo ka leh oo Xanuunsanaaya Markaasi Dhiiga waa in aad Shubtaa oo aad iska ilowda kuwa cayiley ee aad ka hadleyso.

 

Waan gartay Xaalada taagan laakiin horta bal anniga lafteyda dhiiga ha la iga qaado oo ha la baadho in aan ahey Noocaad rabteen,Mida kale Miisaankii aan dhiig ku shubi lahaa in aan Joogo bal eega si aanan u dhicin ama uba xanuunsan,Ugu danbeynta waxa Jira Xanuuno ila nool oo aan qabo markaa bal horta qofka intaan lagu shubin xanuunada igu Jira iska baadha si aaney qofka kale ugu gudbin.

 

Waar isku Dhiig Ayaad tihiin oo Dabeecadaada ayey ka muuqataa in aad dhiigaasi leedahay,dhiig iib ah lama hayo,haddii la helana waa qaali markaa waa in aad qofkan badbaadisaa.Dhiig iib ah cusbitaalada kale Miyaan laga heleynin aanu kaba soo iibine.Mida kale qofka Vitamino iyo Khudaarta cagaaran Miyaad siisaan iyo Waxa dhiiga  soo celiya intaan horta looba Shubin.Dhakhtar Su,aal Horta Qofku marka uu dhinto dhiigii Jidhkiisa ku jirey muxuu isku bedelaa,Waa Ninku hadal badanaa Adeer Amarka qaado oo Go,aan soo gaadh.

 

Dhakhtar Dhiigeyga ha la cabiro hana la ogaado Noociisa Diyaar ayaan u ahey in la iga shubo.Laakiin Dhakhtar xididka ha la igaga Mudo Irbada,Suulka dushiisu waa Xanuun,Waar kani Fuleysanaa.Hadda Ma adiga Ayaa Mujaahid ah.Waar haddii dhiiga lagaa shubo,Caafimaad Ayaad ka heleysaa oo waad ku quruxeysaneysaa wuuna kuu sii badanayaa,Mida kale Kheyr ayaad ka heleysaa diiniyana.

 

A B O A+ A-B 0+.Dadka dabeecadihiisa waxa hadba lagu tiriyaa Nooca dhiigiisu yahay.dad qabow,Kuwa kaba sii qabow,Kuwo kulul xaga hadalka,dooda,dagaalka iyo arimaha shaqada intaba,Dareenka, Kuwo meel dhexaad ah iyo kuwo aad u hurda una qabow oo wax kasta iska ogol ama aan kaba Xanaaqin ayaa loo kala baxaa.

 

Shaybaadhkii wuxuu Sheegay in aad tahay 0,Qofka Xanuunsanayaana waa 0 markaa Jiifso waa laga Shubayaa Misaankaaguna weli 5kg Ayuu ka sareeya inta lagu Shubi karo.Waar horta 5kg meel fog maahe,su,aal Hooyada dhiigeeda iyo dhiiga Ilmaha caloosha ugu Jiraa ma isku Midbaa,Ilmaha yar dhiigiisa Yaa qaadey horta inta aan lagu Shubin dhiiga hooyada.

 

500cc Ayaa lagu shubey,hadana 500 ayaa lagu shubey Qalin Ayuu marayey bilo ka hor.Waxaan la Joogey Waadhka Qeybta Bukaan jiifka dadka Qaliinada sugaaya Ayuu ahaa,Halkaasi ayaanu iskuna baraney.In badan ayaan Niyada u dhisey si aan Aduunyada xaalkeeda ugu soo Koobo.

 

Xanuunada dadka qaarkood sida Dumarka oo wakhtiga foosha dhiig bax ku dhaco ama dhiigoodu hoos u dhaco,Dadka Dhiig la,aantu Haleesho,Shilalka iyo Dhaawacyada kala duwan iyo Xanuunada qaarkood ayaa sababa dhiig la,aan ama dhiig bax halis ah.

Maalin ayaan si aan ku talo gal aheyn u galey Waadhka Dhiig uruurinta Cusbitaal ku Yaala wadan dibada ka ah Somaliland.Markaasey u qaateen in aan rabo in aan Dhiig u shubo Cusbitaalka,Si fiican ayey ii soo Dhaweeyeen si ay Dhiig iiga Shubtaan,Laakiin markii danbe ayaan u sheegay in aan  Qeyb khaldan soo galey.

 

Asxaab kala duwan ayaa marar badan iiga xaal warantay wakhtiyo ay qabsatey arin la xidhiidha in ay Dhiig u shubaan Bukaan ehelka iyo qaraabada ka tirsanaa oo loo soo dalbadey si ay dhiigooda ugu caawiyaan.Dad badan oo ay si deg deg ah  u qabsatey in ay qof kale dhiig u shubaan markii cid kale la waayey ayaa Jira.

 

haddii kelyaha la isku saaro,Dhiigana waa la isku shubaa.kama Hadlaayo Jaceyl dhiig ma lagu qorey ama in aad Jaceyl awgii Dhiig iskaga shubto oo aad qoraal ka soo Dhigto.Waxaan ka hadlayaa qof u baahan 500cc si caafimaadkiisii loogu soo celiyo in aad ka caawiso una shubto.

 

Dad badan ayey ku qabsatey Cusbitaalada somaliland dhiig la,aan ama dhiig bax sababey in dhiig kale loo raadiyo taasi oo keenta in Qaraabada ama ehelada iyo asxaabta looga soo raadiyo qof shuruudaha buuxiya dhakhtarkuna ku kalsoon yahay oo dhiig ku caawiya.Waxaan Rajeyneynaa in Keydka Dhiiga Cusbitaaladu Noqdo Mid markasta Diyaar ah si loola gaadho dadkii u baahan.]

  abdifataah mahamed ahmed
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.