|
|
AQOON INTEE LEEG BAAD U LEEDAHAY TARIIKHDA FOWSIYA YUSUF XAAJI ADAM (Hadhwanaagnews) Wednesday, December 26, 2012 Waxa aan halkan si kal iyo Laableh uga salamayaa dhamaan Umada Soomaliyeed iyo cidkasta oo ku hadasha Afka Soomaliga
Waxa aan halkan si kal iyo Laableh uga salamayaa dhamaan Umada Soomaliyeed iyo cidkasta oo ku hadasha Afka Soomaliga,waxanan leeyahay kusoo dhawada tariikh koban oo an kaga warbixinayo , Marwo Fowsiya Yusuf Xaji Adam oo wakhtigan xadirka ah ku Magacaban Ra,isal Wasare Xigeenka Kowaad ee Dawlada Fadarka ee Soomaliya ahna Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada, Labadasi Xil ee is barkan oo ah Xilal ku Cusub Saxada Siyaasada ee Somaliya dhanka Dumarka , amaba aan looga baran in ay Haween Soomaliyeed ay Qabtaan Jagoyinkan oo kale. Marwada aynu Qormadan si kooban ugaga sheekaynayno Tariikh Nololedkeda oo koban ayaa waxa la odhan karaa waxa ay Hormood u tahay Siyasiyinta Dumarka ee Sanadkan Waxa aad Dareemaysaa in Xilagan aynu joogno in Garaafka amma Hanka
Siyasiyiinta Haweenkii Soomalidu uu kor usoo kacaayo ,si gaar ah hadaynu u tabano sababaha keenaayo in Dumarku ay Madasha Siyasada si Niyad sami ah kusoo galayaan amma kusoo Halabsanayaan iyaga oo kalsooni aad u buuxda iska qaba, ayaa hadana Dhismahan Yagleelka ee loo samaynayay Dawlada Somaliya gaar ahaan Distoorka dalka ayaa waxa si cad oo aan gabasho lahayn loogu ansixiyay in ay Dumarku ku yeshaan Awooda Barlamaanka %30 boqolkiiba Sodon , taasi ayaa waxa ay ku tusinaysaa in Siyasiyiinta Dumarkii ay Heegan u yihiin hiigsan karaana ilaa Madaxwaynaha Dalka iyo Ra,isal-wasaraha Dalka. Hadaba Waxaa Maanta Xilkaasi Culus loo dhiibay Gabadh karti iyo Aqoon dheerada u leh Jagoyinkan isku lamaan ,iyada oo Marwo Foosiya laga filankaro in ay kasoo baxdo kana soo dhalaasho Hawsha Qaranka somaliya ee Dayaca iyo Dibin,daabyada badani ay ka muuqato . Marwo Fowsiya Yusuf waxa ay wakhti badan iyo dadaal badan ku soo bixisay Jamhuriyada Somaliland gaar ahaam dhanka Siyasada iyo Horu marka ,iyada oo Wakhtigii Dorashadii Madaxwaynaha Daahir Rayaale Kahin ka mid ahayd Dadkii Siyasiyiinta ahaa ee Dhiibtay Kaadhka ka mid noqoshada Madaxwaynaha soomaliland,waxa aan xasuustaa in Fosiya oo diyaar u ah ka midnoqoshata tartamayasha Somaliland ay odayaal ka tirsan Raaska ay tahay, si indha la,aana ay ugala taliyeen in anay ku dhiiran arinta dorashada Madaxwaynaha ma xasuusto Go,aankii ay qadatay lakiin waxa uun aan dareemay in ay ka hadhay wakhtigaasi. Waxa ay 29 January 2012 ku dadaashay hadana in ay mar Labaad ka qayb gasho Tartanka Dorashada Somaliland ilaa inta ay ka gaadhayso amma ka noqoto Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland kadib markii ay samaysay Ururkii Siyasiga ahaa ee la magac baxay NDB ( Nabad , Dimuqradiyad iyo Barwaaqo) Ururkaasi oo ay ugu talagashay in ay ugusoo Gurgurato Hanka Siyasadeed ee ay leedahay,balse waxaa markaliya si lama filaana uga soo yeedhay Gudidii Diwan galinta ee Somaliland, in Ururo uu ku jiro Ururkii NDB ay Gudomiyaha ka ahayd Fowsiya ay ka mid yihiin Ururada hadhay ,taasi oo fowsiya ku noqotay laf dhuul gashay iyo u qadanwaa aan la aqbali karin oo lagu sameeyay Marlabaad. Kadibna waxa ay ka mid noqotay Ururadii Mudaharadada ku dhawaqay donayna in Cadalad darada u muuqatay kaga hortagaan taasi oo sababtay in Tariikhdu markii ay ahayd 1/5/2012 Fowsiya iyo Madaxdii Ururada kalaba la xidho. Marwo Fosiya waxyabaha ay Asaska amma Bud,dhiga u ahayd ee Huru marka Dalka ka mid ahaa waxaa ka mid ahaa , Jamacada Hargaysa University oo ay Asaase ka ahayd,qaabkii loo mamulayna iyada gadaasheed ay waxbadan ka tirsatay, in badana ay iskaga horyimadeen iskuna naceen Madaxdii kala diwanayd ee dalka ,Tiraba waxa aan xasuustaa 2006 iyo 2011 . Fosiya waxa ay si hagaar la,aan ah ula shaqaysay isla markana Guntiga dhiisha ay iskagadhigtay soo saristii Madaxwaynaha Somaliland Axmad Maxamed Maxamuud Silaanyo iyada oo si kaliyo laableh ugu hagar baxday soo sarista Madaxwaynahaasi isla markana si aan gabasho lahayn uga hortimi Mamulkii markaasi Dalka ka jiray ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Dahir Rayaale kaahin iyo Xisbigisii Udub oo ay Fowsiya si adag isu Qaniineen. Hadaba wixii intaasi ka danbeeyay maxaa dhacay:- Qof walba oo leh Han iyo Damac Siyasadeed oo Fog, waxaa mararka qaar soo foodsaaraya Arimo adag oo u baahan in uu ka qaato Go,aan adag oo uu og yahay in anay kawada farxinayn Dadka oo dhan , una soo jiidi kara Edaymo badan oo mararka qaar Ceeb wayn oo Siyasadeed u keeni kara ,mararka qaarna Go,aankuu qaatay waa uu ku aflixi karaa, Waxaa kaloo Marag madoona in hadii Qof amma shakhsi qaali ku ah Dadkiisa iyo Dalkiisa markastana ka fikira Horumarka iyo Horu Socodka Dalka lagula kaco wax aan Milgo iyo Sharaf toona u ahayn in uu qadankaro gaadhina karo Go,aan iyo Fursad qaali ah oo wada socda, taasi oo ah Waxyabaha Qofka siyasigii uu ka fa,idaysto kuna hawlgalo. Hadaba waxa aynu ka wada dharag sanahay in Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan 4 Nofember 2012 Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) uu u Magacabay Xilka Wasiirka Arimaha Dibada oo uu Racsan Yahay Raysal Wasaare, hadaan si kooban u tilmaamo Fowsiya waa Siyasiyad.Aqoonyaan,Qoraa,Hal abuur,Indheergarad Xeel dheer,Fowsiya waa Qof aragti Fog wax badan waxa ay kasoo qayb qadatay Hay adii gargaarka ee Dalka wax u tarayay. Hadii aan si Koban idinku Dulmaro Fowsiya iyo Tariikh Nololeedkeeda iyo Meelaha amma Wadamada ay kasoo shaqaysay:- a ) Fowsiya waxa ay ku Dhalatay Magalada Hargaysa Dugsigii hosana ay ka dhigatay , Dugsigeedii dhexe waxa ay ka dhigatay Magalada Burco Dugsigedii Sarana Khartuum/Undurman Sodaan waxa ay ka dhamaysatay Dugsigii sare iyo Kuliyada Waxbarashada oo ay Macalinimo kusoo Qadatay. b ) Washinton DC ,USA waxa ay Shahadada Labaad ee Mestars ka qaadatay Jamacada caanka ah (prestigious) ee Johns Hobkins University taasi oo ay ku Takhakhustay Culuunta Siyaasada iyo Xidhiidhka Calamigaa . c ) France Paris Cilmiga Saxafada waxa ay ka qadatay Jamacada Maraykanka (Journalism American Unniversity) TARIIKHDA SHAQADA Marwo Fowsiya Shaqadii ugu horaysay ee ay qabataa waxa ay ahayd Macalinimo waxanay ku Bilaawday Dugsigii la odhan Jiray Cabdilcasiis ee ku yaalay Xafada Liido ,kaasi oo ay ka shaqaynaysa muddo dhan Hal Sano . TARIIKHDA DUBLIMASIYADA Waxa ay Fowsiya kasoo shaqaysay Wasaradii Arimaha Dibada ee Dawladii Soomaliya waxanay kasoo kalashaqaysay :- 1971 - 1976 Safaradii Somalidu ay ku lahayd Dalka Rushka gaar ahaan Moskow (Soviet Union) Chief of Protocol . 1978 - 1981 Safaradii Somalidu ay ku lahayd Dalka Maraykan oo ay ka gaadhay Xilka loo yaqaan (Councilor) amma la taliyaha Danjiraha. 1981 - 1982 Safaradii Somalidu ay ku lahayd Dalka Jarmalka Bari waxa ay ka gaadhay Kusimaha Danjiraha . Waxaa Xusid mudan in Wakhtiyadasi ay Fowsiya soo martay dhanka shaqooyinkaasi ay ahayeen Xiliyadii Aduunka uu ka jiray wixii loo yaqanay Dagaalkii Qaboobaa kasi oo ahaa xiligi Aduunku u Xasisaiyada badnaa. ARIMAHA BULSHADA 1989 - 1993 Marwo Fowsiya waxa ay Dalka Kenya Magalada Nayrobi ka asaastay Madax Sarana ay ka ahayd Herer Enternational oo isugu jiray Travel Agancy iyo Xafiis Ganacsi waxa ay Xafiiska uga fa,idaysay dhamaan Dadkii Soomalida ee u Xamaanta gurtay Wadamada Yurub iyo Amerika oo ay si fiican u taban taabisay Tariikhdana ku qoran 1993 - 1995 waxa ay ahayd Agasimaha Hayadda African Centre For Women oo ka Tirsanayd United Nations Xiligaasi oo ay wax badan ka qabatay la dagaalanka Gudniinka Firconigaa iyo Horumarinta Haweenka ,waxanay Mashariic badan kafulisay Dalal dhawr ah oo ku yaala Bariga iyo Galbeedka Africa ,waxanay u diyaar garaw wayn oo laxaadle ka qaadatay Shirkii Ururada Haweenka ee ka dhacay Wadanka Shinaha , iyada oo xidhiidhiye u ahayd Wufooda ka socda Wadamada Africa . 1997 Waxa ay ahayd Asasahii iyo Agasimahii RAAD International oo ahaa Xafiis u adeega kana warhaya Dadka Somalida ah ee dhamaan ka yimada Wadamada Dacalada Aduunka Dalkasta ha yimadeena soona gala Dalka Ingiriiska. 2000 - 2006 Gudomiyaha Jamacada Hargaysa WAXA AY ASAASTAY 1992 - Association Of Somali Women Advancemennt (ASWA) 2000 - Jamacad Hargaysa 2001- Raad International 2006 Raad TV RAAD waxa uu hawada si toos ah u soo galay 13 May 2008 waxa uu ahaa TV halmar wada qanciyay Umada afka somaliga ku hadasha isla markasi waxa uu ahaa TV qudha ee ay halmar ku kulmaan Shaqalahiisa Wariyayasha Calamiga ee Somalida sida :- Axmad Xasan Cawke C/Salaan Hereri C/SHakuur Cali Mire Maxamad Ducaale (Ducale) Maxamuud Dalmar Ridwaan Xaaji C/Wali Cali Axmad Raabi C/Xaafid Ismaciil C/Casiis Sadaam Amran Faysal Hadaba TV Raad Wadamada qaar waxaa laga Daawan jiray Fripuecy :3551 Horizontal Symbol Rete :1333 FEC : 3/4 Trans Pondar : 4GL . Taasi waxa ay si cad kuu tusinaysaa Fawsiya iyo Dadaalka ay u haysay in Bulshada soomalida ay markasta ugu adeegto Dhinacyo badan oo kala wada gadisan,Fowsiya mar aan kula kulmay Magalo layidhaado Cadaadlay isla markana wakhti yar oo aad u kooban aan ka waraystay Sababta keentay in TV halmar Hawada ka baxo iyo soo celin tiisa Wakhtigan xadirka waxa au ii sheegtay in ay Dhakhso ugu tala jirto in uu hawada soo galo dhawaan Isha Allaa. WAXAY QORTAY 2007 - Qaxa ay Qortay Tariikhdii Abaheed Halyaygii Labaad ee loogu Magacdaray , Aba hii Labaad ee Tacliinta Soomaliyeed Yusuf Xaji Adam Cilmi Qabile. WAXA AY WAX KA ASAASTAY Somali Aid And Development (SOMAID) Gudoomiyahii ugu horeeyay ee CSO Somali Diaspora Conmmunity Organizations In the UK. ABAAL MARINAHA AY HESHAY 1992 Waxa ay Abaal marin ku mutaysatay Gacan qabashadii Dadkii soo Barakacay amma soo Qaxay waxana si wada jira u siiyay Women´s Commission For Refugee Women And Children, Newyork and International Rescue Committee. 2007 GARGAR Award oo uu siiyay Ururka Gargar Lawyers Associatiol ayaga oo abaal marin ugu Siiyay Asaskii ay asaastay Jamacada Hargaysa. WAXA AY XUBIN KA TAHAY URURADA AY KA MID YIHIIN CSO, One International ,Clinton , Foundation, Business Fights Povery ,Resalution 1325 Taskforce For Somali African, Womens Political Aspirants, REFWID fOWSIYA WAXA AY KU HADASHAA lUQADAHA Somali , Carabi Ingilish , Ruush iyo Luqada Faransiska oo ay ka taqaano %60. Hadaba Guntii iyo gaba gabadii madhamayn karaayo Fowsiya Yusuf Xaji Aadan Tariikhda Qoran ee ay leedahay waxa ay ku fiic naan lahayd in ayada inta loo tago laga qoro Tariikhdeeda oo dhan,lakiin intani waa Tariikh kooban oo aan ka ururiyay Gobo lagu kalsoon yahay. Fowsiya waxaa intasi u dheer Fowsiya in ay ka dhalatay Reer Magac iyo Muuqba ku leh Jamhuriyada Soomaliland gaar ahana Magalada Hargaysa ,Fosiya Aweewgeed Xaji Adam Cilmi Qabile waxa uu ka mid ahaa Jiif Caqiladii Tirada yaraa ee uu Ingirisku Asasay Somaliland, hadanan Qaldanayna waxa aan Tariikh kooban ku hayaa in Gobolkasi ay ugu Cuslayeen Wakhtigaasi Labadii Jiif Caqil ee la kala odhan Jiray Xaaji Xuseen Warsame Wayd iyo Xaaji Adam Cilmi Qabile. Hadaba waxaa iswaydiinta lihi waxa ay tahay Fosiya hawshan Culus ee ay iminka hayso ma kasoo bixi doonta mise way ku fashilmi doontaa sidii Ragii ka horeeyay ugu fashilmeen Ceebta iyo magac xumaduna uga raacday iyaga oo haysta tageero caalami ah oo tan maanta ka fiican ,horta waa su,aal iswaydiinteeda leh una bahan in loo adeegsado Aqoon iyo wayaaragnimo loo leeyahay Konfurta Somaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Nawaxigeeda. Hadii aan si kal iyo laableh su,ashan u qaabilo amma aan is idhaahdo jawaab kooban ka bixi waxa ay ila tahay Sidan :- 1-Fowsiya hadii ay hesho Dhaqale ku filan hawsha ay hayso ee Arimaha Dibada isla markana ay la jaanqadaan Dawlada ay ka tirsan tahay gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaraha ,bahida arimaha dibadana si Xeel dheer loo daraaseeyo, iyada oo la dhinacwaddo dhamaan wasaradaha kale iyo Kobcintooda, waxa ay ila tahay Fowsiyo Shaqo fican ayay qabanaysaa oo aan fashil lahayn. 2-Fosiya haydii ay hesho in Dawladaha Reer Yurub iyo Maraykan oo ka dacad ah siyasada arimaha dibada ee soomalida waxa ii muqata in waxbadn u hagaagi donaan. 3-Fosiya waxa aan anuu isleeyahay waxa ay la kulmi kartaa khatar wayn oo kaga imaan karta dhinaca isku shan dhaynta Safirada iyo Qusuliyada Dibada ee in muda ahba sidii Buul Habreed oo ay leyihiin Rag ugu shaqaysanayay Magaca umada soomaliyeed,lakiin hadii ay awood dacad nimo ku jirto ay ka hesho Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaraha waxa aya ila tahay Guul fican ayay ka gaadhaysaa , Waxa aad dareemayaa in arintasi si loogu fashiliyo xataa dhawaan waxaa ka hadlay Madaxwaynahii Hore ee Somaliya C/Qasim Salaad Xasan oo ku tilmamay in Magacabista Fowsiya ay qaranka ku tahay Dhabar jab wayn, sida uu hadalka u dhigay,taasi waxa ay ku tusinaysaa sida Rag badani istanbay ay ugu jiraan in aany Guulaysan . Qareen Khadar Ibrahim Aar
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|