Dadka somaliland Maalmahaan danbe aad ayay Ugu Wareersanyahiin Siyaasada Xawliga Kusocota Ee geeska Africa gaar Ahaan somalia. Waxaa Mooda Wax walba Meeshi laba Sano Iyo Bar kahor Ahaayeen Inay Isbadaleen Sida Ethiopia Oo Males Dhintay Somalia Oo markii Ugu Horaysay Caasimada Hal Talo Yeelatay Kenya Federalism Qaadatay England Oo usoo Jeesatay Xalka Somalia Maraykanka Oo Danahiisa Geeska Africa U baqay
Ugo Horayn Maamulka Somaliland Markuu Talada Dalka Qabtay Waxaa Rajada Aqoonsiga Maraysay Meel Sare Waxaana Lays Lahaa Silaanyo Waa Rug Cadaa Siyaasadeed Lakiin Waxaa Ka horyimid Caqabado Aan Markaa Jirin Markuu Doorashada Kubalan Qaaday Iyo Asaga Dowladiisa Steps Qaldan Qaaday Aduunka Dowladaha Waxuu ka eeganay
Cida Talada Goynaysa Marna Silaanyo Ma Helin
Soo Dhawayn Dhamaystiran Gobalka Iyo Aduunkaba
Dhinaca Kale Gobalka Puntland Waxaa Qabsaday Nin Aan Siyaasi Rug Cadaa Ahayn Lakiin Bartay Sida Loo Ciyaaro Siyaasada geeska africa Soona Jiitay Wafuud Caalami Ah Ku Dhaw Kuwa Moqdisho Tagaya Aduunkana Tusay Inuu Yahay Maamul Dariska nabad Larabah dadkiisana Nabad Laraba Kana Go ´an Tahay La shaqeeyo Aduunka. dhinaca kale Moqdisho Waxaa Loo arkay Strategy Ugu Muhiimsan Marka Hore In Xoog Lasaaro
England Waxaa Soo Jiitay Siyaasadii Marykanka Ee Ahayd Double track policy Oo In Koonfurtana Dowlad La dhisto Si Qaboowna Somaliland Dhinac ga cohesion and national healing commissionYa Yar yar Ka caawiso Marykanka Kasaacido Waxuu Uga Baahdo hargaysa Sida Somaliland Shirarka caalmka Lasoo fariisiyo .
Caqliga Waxuu Na leeyahay ukumahaaga Hal Meel haku Ridin Siyaada Arimaha Dibada Kulmiye Egland +ethiopia Midkoos Waxuu Diidanyahay maamulku Kama Gudbi Karaan
Marka Ethiopia Siyaasada Somalia Maanta Waxay go´aan Satay Dowlada Muqdisho Kala Xiriirto Dhamaan Maamuladii Kale Tartiib Xiriirkooda u qaboojiso Ayadoo Eegasa danaheeda Fog Iyo Siyaasada Americanka Oo Somalida Hal U Aragta
Aan Usoo Laabto Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Mar Walba Dadaal Iyo Orod Ayaa Ka muuqda Lakiin Waaqaca Jira Ayaa Lugaha ka xiraya Mana Qabo Dad Badan inay Eedeeyan Lakiin Kaliya Waxaa Inuu muujiya daacadnimo Shacabkana Runta U sheega Waayo Age Internet lajooga
Dhinaca Muqdisho Nin dagan Oo Qosol Badan Soo jiidasha Badan Leh Oo aan Cadaawad Looga Qabin Somaliland Iyo Somaliyaba ayaa Qabsaday Waana Qatar Mida Ugudaran Waxaa Sii Raaca Waxuu Somaliland ka Xaday Gabar dahaba Maamulka Silaanyo arki Wayay Kana Dhex Muuqatay Caalmka Diplomaasiyada Soo Jiidashana Aduunka Ku samaysay Shirka London Markay Madaxdu Baxdana Wax ka hogaamin Doonta ayada iyo William Huge
Maxaa La Gudboon Madaxwayne Silaanyo Maanta ?
Waxaa La gudboon Silaanyo Inuu Eego xaqiiqda Sifiicana U Daraaseeyo Maanta xaalada Geeska Afrika Meesha marayso Sida Ugu Dhaqsiha Badan Xaalada Beesha Dhulbahante Bariga Iyo Xaalada Beesha Ciise Dhameeyo Inuu layimaado Siyaasad Fur Furan Oo Kabaxsan egland iyo ethiopia Inuu Xooga saaro Wax Soo Saarka Macdanta Deegankana ka dhigo Dhul La hunguriyeeyo Ujeeda laga Leeyahay Inuu laguriyo Xassan Sheikh Maxmuud asagoon carro Iyo diidma muujinayn
In Shacbka kawaaniyo Nacayb koonfur loo Qaado Waxba Xalinayn In Qabaailka maamulka Wax Katabanaya tabashadooda Eego
La soco
Abdi galayr
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga