mudan sida nabadgelyada ay ku dheehan tahay oo ay doorashadu u dhacday?
?Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya ayaa u hambalyeeynayaan Mudane Uhuru Kenyatta oo loo doortay Madaweynaha cusub ee Kenya, waxaana diyaar u nahay in aan si wadno xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya labadeena dal?
Madaxweynaha oo hambalyadiisa diiran sii wada ayaa waxa uu raaciyey
?Waxaan aaminsanahay in dhammaan shacabka Kenya ay si nabad ku jirto ay uga jawaabi doonaan natiijada doorashada, Hadii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo maraa wadada sharciga, si mar kale ay u dhicin khaladaadkii horay u dhacay?
?Amniga iyo xasilnaashaha Bariga Afrika waxaa ka taagan walaac, anaga oo dhanna waa inaan si nabad ah uga wada shaqeynaa. Dhamaan walaalaheena reer Kenya, iyo madaxdooda waxaan ugu baaqeynaa inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini?aadanka iyo hantidooda.?
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
contact@hadhwanaagnews.com