Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Erayga Waan ku Jcelahay oo la Ogaaday in Ragga ku Qaadato 88 Maalmood


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
London-(HWN)- Kelmadda aadka u kooban ee waan ku jecelahay oo gabadh kasta xiisayso in dhegaheedu maqlaan, ayaa la xaqiijiyey

London-(HWN)- Kelmadda aadka u kooban ee waan ku jecelahay oo gabadh kasta xiisayso in dhegaheedu maqlaan, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhawaaqisteedu aad ugu adag tahay guud ahaan bani?aadamka, gaar ahaan haweenka.

Ragga ayaa la ogaaday inay kaga dhiirran yihiin dumarka ku dhawaaqista ereygaas, halka ay haweenka ku adag tahay inay sheegtaan jacaylkooda, marka loo eego ragga.

Guud ahaan caalamka waxa caadi ka ah in marka wiilashu gabadh jeclaadaan ay sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqaan waan ku jecelahay muddo

88 maalmood gudahood ah, balse haweenka waxay ku qaadataa in kelmaddani afkooda ka soo baxdo 134 casho sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay mareegta la yidhaa YouGov.

In ka badan 39% ragga ayey daraasaddu sheegtay in jacaylkoodu bilaabmo bisha ugu horreysa ee ay gabadha is-bartaan, halka 23% ka mid ah dumarkana muddo intaa le?eg ku qaadato sheegashada jacaylka lammaanahooda.

Heeseyeeshee, cilmi-baadhistan oo ay qaadday xarunta YouGov oo ka shaqaysa arrimaha midaynta dadka, waxa kaloo lagu sheegay in 33% ragga ka mid ah ay qoyskooda weydiistaan inanta uu calmado.

Dhanka kale, daraasaddu waxay sheegtay in raggu 77%  xasuustaan maalintii ugu horreysay ee ay sheegtaan jacaylkooda, halka 5% ka mid ahna illaawaan waqtigii uu hantiyey lammaanihiisa.

Sidoo kale, waxay cilmi-baadhistu xustay in dadka da?oodu u dhexayso 18 ilaa 24 jir yihiin kuwo ay aadka ugu adag tahay ku dhawaaqista, marka loo eego dadka da?da dhexe.

 ?Wiilashu way ka fudud yihiin hablaha oo ku dhawaaqista jacaylka haya way sheegan ogyihiiin, balse annaga way nagu adag tahay.? Sidaa waxa tidhi Mrs. Jenni Trent Hughes oo ah la-taliye dhinaca xidhiidhka lammaanaha u ah xarunta YouGov.

Ibraahim Khadar Saciid

Hadhwanaagnews/Office Hargeysa

ibraahimkhs@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.