Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Masar iyo Wafdi Balaaran uu Hogaaminayay oo Maanta Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay.


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Muqdisho-(HWN)- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade Airport lagu soo dhaweeyay wafdi balaaran

Muqdisho-(HWN)- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade Airport lagu soo dhaweeyay wafdi balaaran uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada dowlada Masar Maxamed Kamel Cama.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka gaashaan dhiga Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Masar Maxamed Kamel Cama waxaa ay waqtigaan kulamo kula qaadaan gudaha garoonka Muqdisho Marwo Fowsiyo Yuusif Xaaji Aadan kaasi oo ay kawada

hadlayan xiriirka laba dal iMaar iyo Soomaaliya iyo arimo kale oo badan.

Kulanka Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arimaha dibada Masar kadib waxaa loo gudbin doona xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kula soo qaadan  doonaan Madaxda ugu sareysda dalka Soomaaliya.

Xasankuuriya

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

xasankuuriya@yahoo.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.