Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka Oo Maanta Loo Furay Aqoon Isweydaarsi Socon Doona Hal Maalin.


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Hargeysa(HWN):- agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ayaa maanta aqoon isweydaarsi socon doono hal maalin looga furay xarunta hay?adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):- agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ayaa maanta aqoon isweydaarsi socon doono hal maalin looga furay xarunta hay?adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Furitaan aqoon is weydaarsigan ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha hay?adda shaqalaha, masuul sare oo ka socda hay?dda UNDP oo iyadu maal galinaysa aqoon is weydaarsigan iyo marti sharaf kalae.

Ugu horayn waxa furitaanka aqoon is weydaarsigan loo furay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ka hadlay gudoomiyaha hay?adda

shaqaalaha dawlada Nuux Sheekh Muuse waxaanu u soo jeediyey agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ee ka qayb qaadanaya aqoon is weydaarsigan inay ka faa,iidaystaan mudada uu socd.

Sidoo kale gudoomiyaha hay?adda shaqaalaha dawladu waxa uu sheegay inay  xukuumada ka go,an tahay sidii loo tayeyn lahaa aqoonta shaqaalaha dawlada isla markaana kor loogu qaadi lahaa heerkooda aqooneed.

Sidoo kale masuul sare oo ka socday hay?adda UNDP oo iyadu maal galinaysa aqoon is weydaarsigan loo furay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka oo ka hadlay furitaanka aqoon is weydaarsigan ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan sidii aqoonta agaasimayaasha guud kor loogu qaadi lahaa,

Masuulkan sare ee ka socday hay?adda UNDP ayaa sidoo kale sheegay  inay soo dhawaynayaan in markasata kor loo qaado aqoonta shaqalaha dawlada.

Hadhwanaagnews/office

Hargesa/somaliland

Maxamed aadan ismaaciil


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.