ka socday Hay?adaha Mashruucan iska kaashaday WHO iyo UNICEF, Cuqaal, Culimo awdiin, Haween, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadashay Guddoomiyaha Dallada UNITA Marwo Zaynab Yusuf Cabdi oo faahfaahin ka bixisay ujeedka kulankani, iyo muhiimadda uu tallaalkani u leeyahay Ubadka yaryar, waxayna xustay in carruurta aan la tallaalin ay ku dhacaan cudurada Dabaysha iyo kuwo kale isla markaasna uu ka caafimaad badan ilmaha la tallaala kana an la tallaalin.
Badhasabkuxigenka Gobolka Togdheer Maxamed Mxamud Yusuf ubaxle oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey Tallaalkani una soo jeediyey waalidiinta gobolkani inay ka faaidaystaan fursaddan oo ay ubadkooda tallaalaan si gobolkani u noqdo gobol ka fayow cudurada kudhaca dhallaanka oo dhan.
Madaxa Barnaamijkani ololaha tallaalka cudurka Dabaysha Mr Fuaad ayaa isaguna dhiniciisa faahfaahin buuxda ka siiyey waalidiinta iyo bulshada gobolka togdheer siyaabaha barnaamijkan looga faaidaysanayo, muhiimadda uu tallalku u leeyahay ubadka, iyo siyaabaha ay shaqaalaha caafimadka ee ka shaqaynaya tallaalkani u hawlgelayaan. Waxanu xusay in Ololihii Tallaalku si rasmiya maalinta berri u bilaabmi doono, xaafad kasta iyo goob kasta oo ubadku joogana ay tegi doonaan shaqaalaha caafimadka ee ka shaqaynaya barnaamijkani, waxanu xusay in tallaalkani uu ka hor tag u yahay cuduro badan oo ay ka mid yihiin Jadeecada iyo Dabayshu.
Xubno ka mid ah Cuqaasha iyo culimada Gobolka Togdheer oo iyaguna kulankani ka hadlay ayaa sheegay in waalidiintu ay u dhego nuglaadaan barnaamijyada caafimaad ee noocan ah iyagoo tilmaamay in wax diintu ka soo horjeedo aanu ahayn tallaalku islamarkaasna tallaalkani yahay ka hor tag, ka hortagguna uu ka wanaagsan yahay daaweynta, waxanay culimadu cuqaasha ku riixeen inaanay bulshada iyo cidda ay madax dhaqameedka u yihiin xoog ugu wacyigelin tallaalka, halka ay cuqaashuna culimada ku riixdey inay iyagu kow ka yihiin kuwa aan ubadkooda tallaalin, haddana ay dadka iminka u sheegayaan in tallaalku bannaan yahay, waxanay labada dhinac ba ballanqaadeen inay iyagu iska bilaabayaan oo ay ubadkooda ka bilaabayaan tallaalkan.
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com