Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Cuqaal,Culimo iyo Arday Cambaaraysay Xadhiga Lagula kacay Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
dadku waxay leeyihiin biri magaydo waxaana kamid ah biri magaydada cuqaasha ,salaadiinta ,dumarka iyo ciyaalka yar yar sheekhuna wuxuu kujiraa dadkaa biri magaydada ah.

Hargaysa(HWN)Cuqaaal, culimo iyo ardaydii uu sheekh  Maxamuud  Cabdilaahi Geelle  uu wax udhigijiray ayaa sheegay in xadhiga lagula kacay sheekhu uu yahay mid sharciga aan  waafaqsanayn.

Waxay carabka kudhufteen  in maxkamadaha dalku aydambi kuwaayeen isla markaana xadhigiisan dambe uu yahay  mid uu kadambeeyay wasiirka wasaarada maaliyadu iyo wasiiro kale oo ayna xusin.

Sidaasna waxay kusheegeen  shir jaraaid oo ay maanta kuqabteen xarunta uu sheekhu kuleeyahay magaalada Hargaysa.



face=Calibri>  Shirkan jaraa id  ayaa ay odayaasha iyo ardayduba sixooga ugaga soo  horjeedeen xadhiga sheekha iyagoo sheegay inuu xadhigiisu  khilaafsanyahay sharciga  warbaahintii halkaa joogtayna usoo bandhigay  warqad   qoraala oo kasoobaxday maxkamada oo ah siidayn laakiin ay sheegeen in uu hada uxidhanyahay  sheekhu  laba wasiir  taasina ay gaf kutahay sharciga uyaal dalka.

Ugu harayna waxaa halkaasi kahadlay sheekh Cali Cumar oo sheegay inuu xadhiga sheekhu uu batay ?anagu waan cambaaraynaynaa xadhiga sheekha waayo sheekhu waxa uu sheegay inuu xaqa ilaahay kudhimanayo laakin intuu xaqaa wado sheekhu iyo inta lamid ahiba waanu kutaagaeeraynaa sheekha hadduu xadhiga culumadu badatana waxaan hubaa inay dabayshu ka iman doonto xagaan laga filanayn ,haddii nabad gelyo lawaayana wasiir jiri mayo?.

Waxa uu sheekhu intaas raaciyay . ?haddii  sheekhu  uu wado xaqdaro anagaa tolkiiya oo qabanayna laakiin xaqa waanu kugarab istaagaynaa??.

Waxa kaloo isna halkaas kahadlay  Caaqil aw daahir Xuseen oo sheegay inaanay ku hadlayn afka reerkii sheekha laakiin ay kuhadlayaan afka  ardaydii sheekha, afka odayaasha  iyo afka  cuqaasha kaasi oo uu sheegay ianay cuqaashu nabada dawlada kal sheqeeyaan. ? dadku waxay leeyihiin biri magaydo waxaana kamid ah biri magaydada cuqaasha ,salaadiinta ,dumarka  iyo ciyaalka yar yar sheekhuna wuxuu kujiraa dadkaa biri magaydada ah waad ogtihiin oo afwayne siduu caadiga uahaa ayuunbuu kabilaabay culumada waxaan leeyahay dadka masuuliyiiinta  ah  inay dhawraan dadka biri magaydada ah  sidaa daraadeed waxaan dawlada kacodsanayaa inay sheekha xoriyadiisii usooceliyaan?

Axmed Xagaa ayaa isna sheegay in inbadan sheekha lageeyay maxkamada dambina lagu waayay? imika sheekhu mabooliskuu uxidhanyahay ,ma sii aydhiiduu uxidhanyahay, runtii waanu garan laanahay cid uu sheekhu uxidhanyahay mar haddii maxkamadu siidaysay?.

Dhanka kale waxaa  halkaas hadalo kulul kasoojeediyay qaar kamid ah  ardaydii uu sheekhu wax bari jiray oo qaarkood gabayo  halkaas kasoojeediyeen  waxaana kamid ahaa hooyo sheegtay inay da? deedu tahay (shan iyo tdobaatan jir) 75jir oo tidhi ?anoo da?daas ah  ayuu sheekhu macalin ii ahaa garana mayo wax marwalba lagu maagayo ee waxaan dawlada kacodsanayaa iany sheekha xoriyadiisii usooceliyaan sida ugu dhakhsaha badan ?.

 
 
 
Cabdiraxmaan Sheekh Xasan.
Hargaysa/Office.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.