Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


ABAAL WAA LA GALAA NIN GUDAA YAR by Jama M. Odowa


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Waxaa la soo weriyay qiso ay soomaalidu wax kula baxaysay iyadoo huga tusaalayn uga dhigaysa ninka

Waxaa la soo weriyay qiso ay soomaalidu wax kula baxaysay iyadoo huga tusaalayn uga dhigaysa ninka markuu baahan yahay nugul ee marka uu dherggana kibirkiisa iyo abaal darridiisa laysu sheego oo iska daa banii adame ilaahii abuurtay ee nimacadanna u qaddaray, xamdi naq iyo mahad celin midna aan lahayn. Ayaa waxay soo higaan xayawaanka yar eeRaha la yidhaaho kaasoo ay yidhaahdeen wuxuu qaatay amaah waqtigii uu shiddada iyo dhibka ku jiray eeuu dhoobada ku dhegsanaa si uu u bixiyo markuu roobku

u da,o, tasoo ay caadadiisu tahay in marka uu barwaaqaysto uu ci, aad u dheer oo siday ukala go?daa ay yartahay ku tiraaba, tasoo aan anigu u  macnaystay  inay tahay xamdi naq eebbe oo aynaan garanahayn  tarjumaaddeeda ee laga yaabo Nabiyullaahi Sulaymaan calayhi salaam inuu fahmi kari lahaa.

Taas bay somalidu iyadoo wax kula baxaysa cidda intay amaah gurato, amaahadaasi ha ahaato Af, Addin ama Adduunbee  haddana ka dhega adaygta ama isku  dhaafisa qoob iyo qaylo  ama  dafirtaba inuu jiro ama jirayba abaalkaas lagu dhigtay ee lagaa dhawrayo inaad sidiisii iyo si ka fiican ba aad uceliso, marka Ilaahay kuu gacan celiyo,ayay waxay yidhaahdeen iyagoo ka soo xiganaya xayawaankii yaraa ee Raha la odhan jiray ayaa yidhi markii amaahdii loo soo doontay ?? haddaad  wax reer rah ah oo miyir qaba aad aragto?.waxaan uga dan leeyahay maqaal kaygan gaabban markaan arkay heshiiskan ay kala saxeexdeen odayaaasha Ciise  iyo odayaashii reer Sh.Isaxaaq oo ka dhacay 25Oktoobar 1989 magaalada Diridhaba

Kaasoo dhaqan gal noqday muddooyinkii ka danbeeyay iyadoo ay markii horeba ay jirtay wada shaqayn iyo wax istarba, haddana tani waa dhokomenti cad oo aan dafiraad lahayn laguna hagaajiyay guddoomoyihii guddiga fulinta  SNM oo ahaa madaxwaynaha hadda talada dalka haya.

Haddaba waxaa marag maddoon ah in manta Reer Sh. isxaaq talada dalka hayaan,aadna u nicmaysan yihiin oo looga fadhiyo dawlad iyo shicibba inay tii loo sameeyay ee lagu raacay, looguna hiilliyay ay abaalkaas maanta gudaan hadday gudi waayaanna waxay ka dhigmayaan Rahii qaamaysnaa ee  abaal laawaha ahaa ee markii uu soo doogay ku yidhi kii abaalka u galay haddaad aragto wax reer rah ah oo miyirqaba.

Heshiiskiina waakan ee akhriso waana mahadsan tihiin

Jama M. Odowa

Tel.4426124

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.