Hogaamiye kasta oo soo mara wadanka somaliland taariikhdiisa waxbaa ku suntan lamana odhan karo midna waxba ma soo kordhin walow aad moodo in labaatankii sanadood iyo dheeraadkii horumarkeedii in ay ka tayo fiican tahay labadii sanadood ee madaxweyne Ahmed siilaanyo hogaanka hayey oo keliyata,
Allah haw naxariistee cabdirahman tuur waxa la odhan karaa ee uu dhisay itaalkii somaliland waayo wax aynu hayney ayaaba iska yaraa laakiin yoolka la hoogsanayo oo ah gooni isutaag iyo hanaan dawladnimo ayuu xaqiijiyey
maxamed ibrahim allah isna haw naxariisto ma yaran hanaankii dawladnimo ee uu xaqiijiyey ha jireen dhibaatooyin badan oo loo tirinayo ,dagaalo sokeeye oo cimriga xukuumada looga dan lahaa in lagu dheereeyo, musuqmaasuqa oo abuurkiisu
la socdey xukuumadaa cigaal,
Daahir rayaale anigu maba garanayo waxaan maanta ku xasuusto wakhti kordhsi iyo musuqmaasuq mooyaane ,waxayna ahayd xukuumadiisi tii ugu horumarka yarad way jireen in uu doorashooyin qabtey laakiin doorasho aynaan khatar gelini ma jirin hadii aan shacabku ariahaa diidanayna gacmaha ayaa laysula tegi laha , waxaa intaaba ka daraa siddeedii sano ee ay joogtey waa sideeda sanadood ee aan odhan lahaa halaga jaro taariikhda somaliland halka ilaa maanta somaliland ka soo waaqsan la,ayd waa sideedaa sanadood
Xukuumadan Ahmed siilaanyo waxay keentay horumar aad iyo aad u balaadhan marka la eego inta ay jirtey iyo inta ay qabatay laakiin uma muuqanayso sadex qof oo somalilander ah xaasha midnaba horumarkaasi
1 , shaqsi hore xukuumadahaa ugu jiri jirey oo aan maalin lagu xasuusan inuu waxqabad keenay oo maantana u tafao xaydan inuu mar
labaad siyaasada ar labad ku soo biiro
2 shaqsigii duul duulka musuqmaasuqa labaatankaa sanadood soo gaadhi jirey ee aan u baran inuu xalaal cuno oo shaqaysto
3 reer hebel iyo wixii lagu jabay shaqsiga ay dhexda ugu maran tahay kaasina maba arkaayo maxaa yeelay isagu reer hebel ayuu rabaa
ka afraad ee soo socdaa waxa weeyey ka aan aaminsanaynba somaliland,
intaa markaan isku soo xooriyo waxan taageersanahay maqaalkii Ahmed jama hure ee ahaa 10 more years siilaanyo , waayo aniga iyo in badan oo reer somaliland ahba waxaa faaiido ugu jirtaa shaqsiga wax u qabanaya
Ali mahad
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga