god. Waxaad is odhanaysa wasaarad waliba iyada ta kale ka shaqo wacan bal xanaanadii xoolaha ,beeraha, kaluumaysiga,hawada iyo madaarada, macdanta iyo biyaha,hawlaha guud,madaxtooyada,waxbarashada,qorsheynta,maaliyada,ganacsiga,dibu dejinta,deegaanka,daakhiliga,dibadda,caafimaadka, shaqada iyo shaqaalaha,dhalinyarada iyo sportiga,wershedaha.
Wasaarad aan horumar gaadhini ma jirto waa mahad ilaahay taana 2 arimood baad dacalka u saaraya.
1- Daacadnimo beni aadamkana haddu daacad yahay oo isdaba maris aanu aqoon amaba yaryahay shaqada loo igmado wuu ku guulaysta.
2- Tacliin waa team aqoon cilmi leh oo professional ah.
Labada arin weeye ta manta xukuumada Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay ruugcadaagu u suuro gelisey wax badan oo xukuumadihii hore aan suuro gelin.
Imikana waxay ku dhowdahay insha allah in dadkii dibada kaga maqna dalku uu dib ugu soo hayaamo waayo rajada dhaqaale iyo maamul wanaag ayaa ah KADABA.
Ifafaalaha inoo soo baxaya wuxuu sheegaya in dalkeenu muddo 3 sano dabadeed haddii allaha awooda lihi ogolaado uu noqonayo dal isaga loo soo shaqo tago oo wax walba leh shidaal badan, macdano kala jaadjaada biyo durduro ah, beero wax waliba ay ka baxaan waayo ciideenu waa fresh aan hore loo isticmaalin, wershado wax walba soo saara.
Dadka reer Somaliland na waxay ka mid yihiin dadyowga tirade yare ee ilaahay ku manaystay maskax wanaaga ama intelligent ka waa haddi positive ka looga faa?ideysto waxaanan yiqiinsanahay in wax badan oo negative ah la waayayo waqti aan sidaa u sii fogeyn waayo dalkeenu wuxuu gelaya politically financially securely meel aynu aduunka la jaanqaadno oo weliba dowladaha la majeerto noqondoono.
Ugu dambeyn xaalkeenii KADABA buu galee aynu imaanso oo yaynaan noqon reer Somaliland sal fududa wuxuu sugayo muu dhowro
Somaliland long life.
Cabdalle Sahal
abdalla_farah@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga