Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


WADA HADALKA SOMALIYA LALA WADO, ANNA WAXAAN KA IDHI... by abdilaahi aden


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
?Aan wada hadalo waa aan heshiino? waa maahmaah Somaliyeed oo ka marag kacaysa in khilaafka ka dib haddii wada hadal meesha ka furmo in

?Aan wada hadalo waa aan heshiino? waa maahmaah Somaliyeed oo ka marag kacaysa in khilaafka ka dib haddii wada hadal meesha ka furmo in heshiis ka danbeyn doono, oo heshiis dhex mari karo dhinacyada is haya, wuxuu doono khilaafkaasi ha ahaadee mid siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi IWM. Waxaan markaa anigu aaminsanahay in wada hadalada uu dawladda uu gadhwadeenka ka yahay  Mudane  Madaxweyne siilaanyo la wado koonfurta Somalia laga gaadhi karo xal waara oo kama danbays ah kaas oo dan u ah labada dhinacba (Somaliland iyo Somalia).



style="TEXT-ALIGN: justify; MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Waxaan ku hambalyaynayaa Md. madaxweyne Silaanyo sida wanaagsan ee uu u galay arinta wada hadalka iyo guulaha uu ka gaadhay waxaanan ku boorinayaa inuu sii wado oo aanu ka caajisin wax kasta oo uu la kulmo, dadka kugu canaanayana dhag ha u dhigin hana dhagaysan shicibka kugu garabtaagan oo anagaa kugu ogol wax kasta oo dan u ah dadka iyo dalka Somaliland-na waa inaad gashaa si aad u qaadato baalka dahabka ah ama billadda horumarka dadkaaga iyo dalkaaga.

 

Waqtigu waa ayaamo taariikhduna way is qoraysaa qof walibana waxaa diiwaanka xusuus qorka u galaysa wuxuu qabtay ama soo kordhiyay, markaa ninkii wax fiican horseed ka ahaa waxaa lagu qoraa baalka dahabka ah, taariikhduna way xustaa markuu dhinto kadib, eraygiisuna ma dhinto iyo wax qabadkiisu ee waxaa laga dhaxlaa arintii fiicnayd ee uu hormuudka ka ahaa, halka dadka qaarna inay dhinteen iyo in kaleba la ogaan ee baryo ka dib uun la maqlo, waxaan rajaynayaa in mudane Axmed Silaanyo uu galayo ama ka mid noqonayo kuwa hore, waayo waxyaabaha aad qabatay darteed ee ay kamid tahay arinta wada hadalka aad la bilowdeen ee koonfurta Somalia.

 

Mudane madaxweyne,  waa talo aan kuusoo marinayo warbaahinta waanan filayaa inaad heli doonto, sababta aan taladan kuugu soo gudbinayaana waa:

?         lexejeclo aan ka qabo dadka iyo dalka iyo muhiimada ay leedahay wada jirka halka ay khasaare badan keeni karto kala tafaraaruqa iyo kala tagsanaantu,  waayo waxaynu sunaha ku haynaa in guushu ku jirto  isku tiirsanaanta iyo midnimada, halka guuldaraduna ku jirto ka soo horjeedkeeda.

?        mida kale waxaan indha-indheeyay arimaha siyaasada ee caalamku kula dhaqmayo ama doonayo inuu kula macaamilo Somalia, taas oo ay xaqiiq tahay inay Somaliland jaanis aanu halkaa uga banaanayn ama aanay dunidu ogolayn in kalideen lala macaamilo

?        waxaynu la soconaa in Somalia ay ka baxday cahdigii KMG-ka iyo xiligii dagaalada ay dawlad rasmi ah ka dhalatay ee nabadiina faraha ku soo noqotay oo ayna fowdo badani ka taagnayn dalka.

Arimahaas iyo kuwo kale oo badani iyadoo la eegayo waxaan kugula talinayaa md. Madaxweyne inaad sii wado wada hadalada aad la bilowday Somalia kaas oo aan rajaynayo inay inooga soo bixi doonaa wax dalka iyo dadka u dan ahi adigana waxqabad lagugu tix galiyo intaad nooshahay markaad dhimatona lagugu xusi doono Inshaalaahu

 

 abdilaahi aden
 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.