Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Tixdii Daacad Xumo by Abwaan Maxamed Nuur Fadal


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Cigaw daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye Waa waxa arlada dooriyee galiyay duufaane Waa waxa dareenkaba dhex dhigay dawaladii Yurube

Cigaw daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye 
Waa waxa arlada dooriyee galiyay duufaane 
Waa waxa dareenkaba dhex dhigay dawaladii Yurube

Waa waxa dacwiga Kiimankii ugu dibboodeene 
Waa waxa naftii dunida iyo dumiyay liigiiye 
Waa waxa dakano raagtay iyo duuga soo fadhaye

Waa waxa Xabuush lagu dagee daayacaa badaye 
Waa waxa dagaalkii Cadwiyo keenay dibinjaaqe 
Waa waxa dadkii Jaynaa dhalay loo daldalayaaye

Dabka baxaya dana sheegga iyo dooyada is dhaafay 
Digniinaha la kala haysto iyo (Dibin la) ruugaayo 
Dusha iyo baddaba ciidankaa dowga kala waayay 
Waa waxa dayuurad iyo mayl loo dajinayaaye

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye 
Dugaag baa ka kacay saaxil iyo dagaladeeniiye 
Magac nimaan


danaynayninoo wuxu cunana doonaaya

Oo daribta geeliyo ku mamay hilib dubaaxeedka 
Dembma? aan ka yaabaynin baa laysu soo diraye 
Dixdii dhimatay damashii Burciyo dooxyadii Herere

Kama di´in Danood iyo Nugaal dirirkii Cawleede 
Docdii laga yimaadaba abaar diirran lagu sheegye 
Wixii daarufley lumay hadday doodi ka cusbooto

Darsin baa u markhaatiya ninkii bixiya diinaare 
Waa waxa dalaaq iyo wallaha loo dugsanayaaye 
Waa waxa daruur iyo rafacay deeqdii Eebahaye 
Waa waxa duqaydii caruur looga doorsadaye

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye 
Daliilkii Qoraankiyo sharciga daayac laga yeelye 
Dunna laguma qoonsado wuxu Daayin soo rogoye

Waa waxa nin duubiyo wadaad ugu duloobeene 
Waa waxa Xuseen iyo dellegey danabkii Caydiide 
Da´du yahay is damaloolintiyo daawashada guudka
Dawliilka dheer laafyaha ay dunidu eegayso 
Nin kaleba dar xumadaa muuqta dan uma yeesheene 
Dacwad lagu balamay iyo tolkaba iguma diideene

Duco waalid iyo baanu qabin daymo Awliyo´e 
Diraacdii timaadana qolaa danab ku ciiraaye 
Maantana dubihii wuxu ku dhacay nimanka Daaroode

Dembigii la falay uumiyii dulinka loo laayay 
Teer iyo darwiishkii Bah-Geri diiftii kala gaadhay 
Danabkii Cismaan iyo wixii dawladnimo suulay

Dahabka iyo lacagtii sidii digada loo xaadhtay 
Iyadaan dagaal weli ka dhicin dhiigna lagu daadin 
Waa waxay dabkiyo saanadii duur u galiyeene 
Hadaan duulba duul xaasidayn dirir ma waayeene

Cigow daacad xumo waa waxa laysku dilayaaye 
Dukaamada la xidhay xoolaha bahalka loo daayay 
Dilka cadawga dibindaabay iyo daafaddiyo jeelka

Dacaska iyo gaajada rag kale uma dulqaateene 
Haddaynaan Durriyadii ahayn xumo ma diideene 
Ma damqado nin duul iyo Jahaad diric u haystaaye

(Isagaabaa daari Jaada diibo xoogsadaye) 
Xaajada daboolayd intuu danab ka ciidmeeyay 
Xaajada rag wada daaran yahay doobir xumadeeda

Idinkaan duuyadiisiyo naftaba dayro ka ahaanne
Ama dalab yar kaga qoonsataan dalagsanaanteeda 
Duleed laga helay iyo si kale loogu daray yaabe

Waa nimanan duunjiga reer Isaaq diir isugu oolle 
Daabadaha waaweyn hadaad daanka wax u siiso 
Maroodiguba waa soo dabcaa dib u rabaysmaaye

Haday debada waayaha bartaan daaqa iyo ayda 
Ma soo didiyo marku dibjiray daacufaha aare 
Dugaaguba ma cuno xoolahay wada dibboodaane

Adse siinta waad kaga dartaa durugso mooyaane 
Daraad iyo waxii shalay ahaa maanta kaa dadane 
Sow waxaad ku daysaa ma jiro deris walaalkaaye

Sow diinta Eebbiyo sharcigu kuma daboolaayo 
Waxad tahay nin daran oo ka daran duur shabeel galaye 
Durba waxad ilawdaa ninkaad doorkan kulanteene

Dan kuu sheegtay iyo xaajo aan duulna kala gayne 
Doc kastaba duqeeyee hadaanu hadal ku deeqaynin 
Oo aan macnaba kaa degayn durugso mooyaane

Dumbuqa iyo anoo doonta oo dirira mooyaane 
Wax kalee daweeyaa ma jiro daalin xoogsadaye 
Waataan degmada kaala baxay duhur dharaareede

Waataan ku doortee tolkeen kaa duraansadaye 
Hadii aad abees duuban tahay daahir iyo baadin 
Ood dacar la qooshiyo sidii dib u qadhaadhaatay

Iga durug dabaan kula shitaanan dib kulaalayne 
Iga durug dannigu yuu i gubin diirka oogada´e 
Nin qabiilo daba joogsata oo doortaybaa tahaye

Dusha waxa lagaa saarayaa dunida jeexeede 
Doqoniimo kaagama baqiyo daaduf iyo liide 
Ha yeeshee dabcaan kugu iqiin diiqa abdikiiye

Dacdhurkiyo inaad haysatoo daac basra haatan 
Iyo doqonta how fiirsan´e daadsha hadalkooda.

Abwaan Maxamed Nuur Fadal

Diyaarintii & Soo Saaristii

Arrale Media Production

www.arralemedia.com

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.